Xiritaanka Marinka Hormuz muxuu uga dhigan yahay dunida?

Xigashada Sawirka, Stocktrek / Getty Images
Qiimaha saliidda iyo gaaska ee adduunka ayaa si aad ah kor ugu kacay, iyadoo ay saameyn ku yeelatay dagaalka iyo xiritaanka Marinka Hormuz.
Qiimaha gaaska Yurub ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba soddon ka dib markii shirkadda ugu weyn adduunka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee Qatar Energy, ay sheegtay inay joojisay wax soo saarkii.
Wax soo saarkeedu wuxuu noqday mid muhiim u ah waddamada Midowga Yurub ka dib markii ay yareeyeen ku tiirsanaantii ay ku qabeen gaaska Ruushka. Qadar ayaa bixisa qiyaastii shan meelood meel gaaska dareeraha dabiiciga ah ee adduunka.
Qiyaastii shan-meelood meel wax-soo-saarka saliidda ceeriin ee dunida ayaa mara marinkan badeed ee cidhiidhiga ah, kaas oo ballaciisu aanu ka badnayn 40 kiiloomitir marka uu ugu cidhiidhi badan yahay.
Wada-hadalladii socday ka sokow, maamulka badaha wasaaradda Gaadiidka Maraykan ayaa horraantii bishaan Febraayo soo saartay qodobo ay kula talineyso maraakiibta ganacsiga ee calanka Maraykanka wata in ay iskaga fogaadaan sida ugu macquulsan biyaha dhulka Iiraan.
Kaddib markii uu hadalkaas soo baxay waxaa kor u kacay qiimaha saliidda adduunka in ka badan boqolkiiba hal, ka hor inta uusan hoos u dhac yar ku iman maalintii xigtay.
Sir Alex Younger, agaasimihii hore ee sirdoonka dibadda ee Ingiriiska, ayaa mar ay jireen xiisado dagaal u sheegay BBC in "xiritaanka marinku shaki la'aan uu sababi doono qalalaase dhaqaale oo weyn maaddaama uu si toos ah u saameeyo qiimaha saliidda."

Xigashada Sawirka, Atta Kenare / Getty Images
Imisa markab saliid ah ayaa mara Marinka Hormuz?
Xog ka timid shirkadda falanqeysa arrimaha maraakiibta ee Vortexa ayaa muujisay in celcelis ahaan in ka badan 20 milyan oo foosto maalintii oo saliid ceeriin ah, dareere khafiif ah oo laga soo saaro gaaska dabiiciga ah (condenastes), iyo shidaallo ay sannadkii hore mareen Marinka Hormuz.
Tani waxay ka dhigan tahay ku dhowaad 600 bilyan oo doollar sanadkii oo ganacsi tamar ah ay maraan baddaan.
Iiraan, oo ay la socdaan saaxiibadeeda OPEC sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Ciraaq, waxay ku tiirsan yihiin marinkan si ay u dhoofiyaan inta badan wax-soo-saarkooda saliidda, gaar ahaan suuqyada Aasiya.
Carqalad kasta oo ku timaadda jidkan badeed waxa ay sidoo kale keeni doontaa hakad muuqda oo ku yimaadda dariiqa sahayda saliidda adduunka, iyo saameyn degdeg ah oo ku timaadda qiimaha.
Si kastaba ha ahaatee, dadka falanqeeya arrimahaan waxay ka digayaan in saameynta ugu daran ay noqon karto kororka iska hor imaadka u dhexeeya Israa'iil iyo Iiraan.
Sidee ayuu ciriiri u yahay Marinka Hormuz?

Xigashada Sawirka, Gallo Images via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marinka Hormuz waa marin-biyood isku xira Iiraan iyo Boqortooyada Cumaan. Inkasta oo marka la eegayo halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado ballaciisu uu yahay qiyaastii 50 kiiloomitir, balse halka barta dhexdiisa ay tahay qiyaastii 40 kiiloomitir, haddana qaybtaas dhexe waa mid ku filan in maraakiibta waaweyn ay maraan.
Khariiradda ama jidka maraakiibtu waxay ku tilmaan inuu yahay jid si ammaan ah loo galo, loogana baxo marinka, iyo aag kayd ah oo loogu talagalay doomaha waaweyn ee shidaalka qaada.
Sida caadiga ah, guud ahaan, maraakiibta waaweyn waa inay maraan marin aan ka badnayn 10 kiiloomitir oo ballac ah.
Marka doomaha shidaalka qaada ay marayaan Khaliijka, waxay u dhowaanayaan jasiiradaha Greater Tunb iyo Lesser Tunb, oo ah laba goobood oo uu muran ka taagan yahay, kaas oo u dhexeeya Iiraan iyo dowladaha Carabta.
Khubarro badan ayaa aaminsan in tallaabo milatari la qaado ay tahay habka ugu macquulsan ee lagu carqaladayn karo isu-socodka badda, maadaama arrintani ay horay u dhacday intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee dhacay intii u dhexeesay 1980 iyo 1988.
Istaraatiijiyadda difaaca
Sida ay falanqeeyayaashu sheegayaan xiritaanka Hormuz Iiraan waxa uu u yahay qaab difaac oo ay kaga hortagi karto weerar kaga yimaadan cadawgeeda, si lamid ah hubkeeda nukliyeer
Beesha caalamku muddo dheer way ka soo horjeedday dadaallada Iiraan ee ku aaddan barnaamij nukliyeer iyo milatariga, iyadoo quwadaha waaweyn ay marar badan ku adkaysteen inaysan u oggolaan doonin Tehraan inay adeegsato juqraafi ahaan goobta ay degan tahay ee istaraatiijiga ah si ay u xakameyso sahayda tamarta adduunka.
Khubarradu waxay saadaalinayaan in Iiraan laga yaabo inay si ku-meel-gaar ah u xirto marinka, balse intooda badan waxa ay aaminsan yihiin in Maraykanka iyo xulafadiisu ay si dhakhso leh dib ugu soo celin karaan socodka maraakiibta iyagoo adeegsanaya awood milatari.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, Iiraan waxay adeegsatay gantaallada Silkworm waxayna miinooyin dhex dhigtay biyaha Khaliijka.
Mid ka mid ah miinooyinkaas wax burburiya waxa ay ku qarxday markabka dagaalka ee Maraykanka USS Samuel B. Roberts, taas oo keentay in ciidamada Maraykanku ay qaadaan weerar jawaab celin ah.
Iiraan kuma guuleysan inay si buuxda u xirto Marinka Hormuz, balse waxay ku guuleysatay inay si weyn u kordhiso cadadka canshuurta ay ka qaaddo maraakiibta badda iyo qaabab ay ciriiri uga dhigeyso marinnada laga baxo Khaliijka.

Xigashada Sawirka, Norbert Schiller via Getty Images
Maxay leeyihiin Falanqeeyeyaashu?
Habka ay Iiraan ku joojin karto 3,000 oo markab oo bil kasta mara marinkan badeed waxa ay ku sheegayaan falanqeeyeyaashu in ay noqon doonto in miinooyin la dhigo badda dhexdeyda iyadoo la adeegsanayo doomo dagaal oo fulin kara weerar degdeg ah iyo quusaayaal.
Waxaa la filayaa in Ciidanka Badda ee Iiraan iyo Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka ay weerarro ku qaadaan maraakiibta dagaalka ee shisheeye iyo maraakiibta ganacsi ee maraya Marinka.
Dhanka kale, maraakiibta milatariga ee waaweyn ee Iiraan waxay noqon karaan bartilmaameedyo fudud oo duqeymo cirka ah ku qaadi kara Israa'iil ama Maraykanka.
Taliska Iiraan waxa uu haystaa maraakiib dusha sare ee badda mara, maraakiibta quusa, iyo doomaha dheereeya, kuwaas oo ku hubeysan gantaallo ka dhan ah maraakiibta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalkee ayuu si weyn u saameyn doona xiritaanka Hormuz?
Cilmi-baaris ay samaysay shirkadda falanqaynta ee Vortexa ayaa muujisay in Sacuudi Carabiya ay dhoofiso qiyaastii 6 milyan oo foosto oo saliid ceeriin ah maalintii iyada oo sii maraysa Marinka Hormuz taas oo ah tirada ugu badan ee dalalka deriska ah oo dhan.
Maamulka macluumaadka Tamarta Maraykanka ayaa sheegay in qiyaastii 84% saliidda ceeriin iyo dareerayaasha khafiifka ah, iyo 83% shixnadaha gaaska dabiiciga ah ee la mariyey marinka Hormuz sannadkii 2024 ay ku wajahnaayeen suuqyada Aasiya.
Sidoo kale sheegtay in sannadkii 2024, Maraykanku soo dhoofiyay qiyaastii 500,000 oo foosto maalintii oo saliid ceeriin iyo dareere lasoo mariyey Marinka Hormuz, taasoo u dhiganta qiyaastii 7% guud ahaan saliidda uu soo dhoofsado iyo 2% guud ee batroolka uu isticmaalo.

Xigashada Sawirka, Chip Hires via Getty Images
Warbixintaasi waxay xustay in soo dhoofinta Maraykanka ee saliidda ka timaadda dalalka Khaliijka ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ku dhowaad afartan sano, taasoo ka dhalatay kororka wax-soo-saarka gudaha iyo kordhinta soo dhoofinta laga keeno Kanada.
Shiinaha, Hindiya, Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee soo dhoofsada saliidda ceeriin ee maraysa marinkan.
Waxay u muuqataa in saamiga isku-darka ah ee Yurub ee saliidda maraysa marinka uu ka yar yahay hal milyan oo foosto maalintii.
Marka la eego arrintan, dalalka Carabta iyo kuwa Aasiya ayaa u muuqda kuwa khasaaraha ugu badan kala kulmi kara xiritaan kasta oo suurtagal ah oo ku yimaada Marinka Hormuz, marka loo eego Maraykanka ama quwadaha Yurub ee siyaasad ahaan la safan Israa'iil xilligan ee xiisaddu jirto
Si kastaba há ahaatee, waxaa jira dalal badan oo Aasiya ku yaalla, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh Iiraan.
Mala heli karaa waddooyin kale?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hanjabaadda joogtada ah ee ku saabsan suurtagalnimada xiritaanka Marinka Hormuz sannadihii la soo dhaafay waxay ku qasabtay dalalka dhoofiya saliidda ee gobolka Khaliijka inay raadiyaan oo ay horumariyaan waddooyin kale oo ay ku dhoofiyaan saliiddooda.
Sida ku cad warbixin ay soo saaray Maamulka macluumaadka Tamarta Maraykanka, Sacuudi Carabiya waxay hawlgelisay dhuumaha Bariga–Galbeedka oo dhererkoodu yahay 1,200 kiiloomitir, kuwaas oo qaadi kara ilaa 5 milyan oo foosto oo saliid ceeriin ah maalintii.
Sanadkii 2019, Sacuudi Carabiya waxay si ku-meel-gaar ah u tijaabisay dhuumo gaaska dabiici ah si loogu qaado saliid ceeriin.
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ku xidhay ceelasha saliidda ee gudaha dalka dekedda Fujairah ee ku taalla Gacanka Cumaan iyada oo loo marayo dhuun qaadi karta 1.5 milyan oo foosto maalintii.
Bishii Luulyo 2021, Iiraan waxay furtay dhuunta Goureh–Jask, oo loogu talagalay in saliid ceeriin lagu geeyo Gacanka Cumaan. Dhuuntani hadda waxay qaadi kartaa qiyaastii 350,000 oo foosto maalintii, inkasta oo warbixinnadu sheegayaan in Iiraan aanay weli si buuxda u gaarin awooddan.
Sida ay sheegay maamulka macluumaadka Tamarta Maraykanka bishii Juun ee sannadkii hore, waxaa jiri kara qiyaastii 2.6 milyan oo foosto maalintii oo ah awood aan la adeegsan oo ku jirta dhuumaha Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya si looga leexdo Marinka Hormuz.













