Dagaalka bariga dhexe: Aaway saaxiibadii Iiraan ee Shiinaha iyo Ruushka?

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Iyadoo UK ay u ogolaatay Washington in ay u isticmaasho saldhigyadeeda hawada "difaaca" weerarrada inta lagu guda jiro dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, ayaa waxaa indhaha lagu hayaa taageerada ay Tehran dibadda ka heli karto.
Ruushka iyo Shiinaha labaduba waxay xiriir diblomaasiyadeed, ganacsi iyo mid militari la leeyihiin Jamhuuriyadda Islaamiga ah, laakiin khilaafka hadda jira ayaa diiradda saari doona ilaa inta ay doonayaan inay taageeraan.

Xigashada Sawirka, SPUTNIK/KREMLIN POOL/EPA/Shutterstock
Taageerada Ruushka: Mid dhawaaq dheer laakin xaddidan
Jawaabta Moscow ee weerarrada wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa'iil ee Iiraan waxay ahayd mid dhawaaq dheer, laakiin xaddidan, taas oo muujinaysa carada iyo garab istaagga Tehran, iyada oo si taxadar leh uga fogaanaysa tillaabooyinka si toos ah ugu soo jiidaya Ruushka iska horimaadka, ayuu yiri Sergei Goryashko oo ka tirsan laanta Ruushka ee BBC.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ka hadlay "Niyad-jabka qotada dheer" inkasta oo ay jireen wadahadallo u dhexeeyay Washington iyo Tehran, haddana xaaladdu waxay hadda "hoos ugu soo dhacday gardaro toos ah".
Moscow ayuu sheegay inay xiriir joogto ah la leedahay hoggaanka Iiraan iyo dalalka Khaliijka ee ay saameysay xiisadda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay "gardarrada aan loo meel dayin" ee Iiraan ay ku hayaan Mareykanka iyo Israa'iil, waxayna cambaareysay waxa ay u aragto dilalka siyaasadeed iyo " ugaarsiga" lagu hayo hoggaamiyeyaasha dalalka madaxbannaan.
Axadii ayaa madaxweyne Vladimir Putin wuxuu tacsi u diray madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian dilka hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, isagoo ku tilmaamay "xadgudub fool xun oo ka dhan ah anshaxa aadanaha iyo sharciga caalamiga ah".
Si kastaba ha ahaatee Kremlin-ka ayaa si gaar ah uga fogaaday dhaleeceynta shakhsi ahaaneed ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxayna weli taasi muujineysaa abaalka uu Ruushku uga hayo dadaalka dhexdhexaadinta Mareykanka ee Ukraine.
Mar la weydiiyay Isniintii sida Moscow ay hadda u aamini karto Washington, Peskov wuxuu ku jawaabay in Ruushku "marka hore uu aamino naftiisa oo keliya" oo uu difaaco danihiisa gaarka ah.
Danahaas ayaa gacan ka geysanaya sharraxaadda sababta taageerada Ruushka ee Iiraan ay weli tahay mid hadal ah inkastoo Tehran ay noqotay mid ka mid ah xulafada ugu dhow Moscow tan iyo duulaankii Ukraine, bixinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo ka caawinta Ruushka inuu horumariyo habab uu uga baxsado cunaqabateynta reer galbeedka, sida uu sheegayo weriyahayaga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iiraan waxa kale oo ay ku haboon tahay aragtida Kremlin-ka ee nidaamka kala dambaynta ku dhisan, kaas oo xuquuqda dawladu ay aad uga muhiimsan tahay xuquuqul insaanka, dawladuhuna ay ku dhaqmaan xakamaynta waxyaabaha gudaha ka dhacaya. Dhicista nidaamkaas oo kale waxay dhabar jab ku noqon doontaa qaabkaas.
Isla mar ahaantaana, Kremlin-ka ayaa horey u muujiyay inaysan khatar badan gelin doonin bahwadaagtooda, haddii ay ahaan lahayd Venezuela, Suuriya ama intii lagu jiray dagaalka 12 maalmood ah ee u dhexeeyay Israel iyo Iiraan.
Ruushku wuxuu si weyn ugu hawlan yahay Ukraine wuxuuna u muuqdaa mid aan rabin, lagana yaabo in aanu awoodin inuu bixiyo wax ka badan taageerada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga farsamada.
Heshiiska istiraatijiyadeed ee Ruushka iyo Iiraan ee la saxiixay 17kii Janaayo 2025 wuxuu ka gaabiyey inuu noqdo heshiis difaac ah.
Moscow iyo Tehran waxa ay ballan qaadeen in ay xogta wadaagi doonaan, dhoolatus wadajir ah samayn doonaan iyo "in ay sugi doonaan amniga gobolka", balse ma aysan ballan qaadin in ay is difaaci doonaan haddii la soo weeraro. Xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan ayaa sidoo kale ah mid dhexdhexaad ah, ganacsiguna wuxuu weli ku jiraa inta u dhaxaysa $ 4- $ 5bn.
Laakiin isku xirka militariga iyo warshadaha ayaa sii kordhaya. Bishii Febraayo, wargeyska Financial Times ayaa sheegay in Ruushka uu ku siinayo Iiraan heshiis ku saabsan nidaamyada difaaca hawada ee guurguura ee la yiraahdo Verba oo qiimahiisu yahay €500m.
Iiraan waxa ay heshay Yak 130 dayuuradaha tababarka ah, Mi 28 oo ah helikobtarrada wax weerara, waxaana ay filaysaa dayaaradda dagaallanta ee Su 35, inkasta oo Ruushku aanu wali siinin nidaamka Verba.
Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed ee Iiraan lagu farsameeyo ayaa wax weyn ka bedeshay taatikada ciidamada Ruushka ee dagaalka ka wada Ukraine. Laakiin sannadkii hore, Moscow waxay si degdeg ah u ballaarisay wax soo saarkeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo yaraysay ku tiirsanaanta hubka Iiraan.
Dhanka Moscow, Iiraan aad ayey muhiim ugu tahay in loo ogolaado inay dhacdo, laakiin muhiim maaha in lagu dagaalamo. Xisaabintaasi way is beddeli kartaa, laakiin hadda faragelinta Ruushku waxay u badan tahay inay inta badan ku ekaato erayada.

Xigashada Sawirka, IRANIAN FOREIGN MINISTRY HANDOUT/EPA/Shutterstock
Kaalinta dhaqaale ee Shiinaha
Shiinaha ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Ayatollah Ali Khamenei, iyadoo Beijing ay taariikh ahaan ka soo horjeesatay istaraatiijiyada Mareykanka ee isbedalka maamul ee adduunka.
Xuddunta curaarta Shiinaha iyo Iiraan waa iskaashi dhaqaale oo labada dhinacba faa'iido u leh, ayuu yiri Shawn Yuan oo ka tirsan laanta Shiinaha BBC-da. Shiinuhu waa ganacsiga ugu wayn ee Iiraan iyo macaamiisheeda ugu muhiimsan dhanka tamarta.
Inkasta oo ay sannado badan ay ku ciqaabnayd cunaqabataynta Maraykanku saaray Iiraan, haddana Beijing waxa ay weli sii ahaanaysaa halbawlaha dhaqaale ee Tehran, iyada oo ku iibsanaysa tiro badan oo saliideeda ah qiimo jaban iyada oo loo marayo shabakad waxa loogu yeero "ghost fleets" - maraakiib si been ah u diiwaan gashan oo ka fogaanaya cunaqabataynta si ay u qaadaan saliidda.
Sannadkii 2025, tusaale ahaan, Shiinuhu waxa uu iibsaday in ka badan 80% saliidda Iiraan laga soo raro, dakhliga ka soo gala iibsashada Shiinuhu waxa uu ka caawiyay Iiraan in ay dejiso dhaqaalaheeda oo ay maalgeliso kharashaadka difaaca.
Heshiis istaraatiijiyadeed oo 25 sano jirsaday oo la saxiixay 2021 ayaa xoojiyay xiriirka, isagoo ballanqaaday boqolaal bilyan oo ah maalgashiga Shiinaha ee kaabayaasha iyo isgaarsiinta Iiraan.
Shiinaha iyo mustaqbalka fog
Taariikh ahaan, qaabka uu Shiinuhu ula dhaqmayo Iiraan -Israa'iil iyo xiisadda Iiraan iyo Maraykanka waxa ay ahayd mid istiraatijiyad ah.
Intii lagu jiray xiisadihii hore, oo ay ku jiraan 12-ka maalmood ee dagaalka Israa'iil iyo Iiraan xagaagii 2025, Shiinuhu wuxuu si joogto ah ugu baaqay "xakameyn" isagoo ku eedeeyay "faragelin dibadeed" - oo aan si khafiif ah u daboolin siyaasadda Mareykanka,Sida uu weriyaheennu sheegayo.
Isku dhacyadii hore ee Iiraan iyo Israa'iil dhex maray, Shiinuhu waxa uu gaashaan dublamaasiyadeed u noqday Tehraan, isaga oo adeegsanayey awooddiisa diidmada qayaxan – ama khatarta isticmaalkiisa – si uu u dumiyo qaraarrada Qaramada Midoobay. Si kastaba ha ahaatee, Shiinuhu waligii ma soo bandhigin faragelin milatari oo toos ah.
Istaraatiijiyada Beijing waxay had iyo jeer ahayd in Maraykanku uu ku sii milmo Bariga Dhexe, weriyaheena ayaa sheegaya iyada oo aan kicin guud ahaan burburka gobolka taasoo kor u qaadi doonta qiimaha saliidda adduunka.
Iiraan waa xubin ka tirsan Brics iyo Ururka Iskaashiga Shanghai, waxayna muhiim u tahay isku xirka juqraafiyeed ee Bartamaha Aasiya, Caucasus iyo Bariga Dhexe.
Burburka Jamhuuriyadda Islaamiga ah wuxuu wiiqi karaa kalsoonida hababka dhinacyada badan leh ee Moscow iyo Beijing ay isku dayeen inay xoojiyaan.
La'aanta duullaan buuxa oo Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadaan Iiraan, waxaa laga yaabaa in qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo kuwa milatari ee halkaas ka jira ay sii jiraan.










