Maxay tahay cabsida Ruushka kasoo wajahday dagaalka Iiraan iyo Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Reuters
Tan iyo markii Israa'iil ay billowday howlgalka ay u bixisay Libaaxii soo baxay, ayaa mas'uuliyiin ka tirsan Ruushka waxa ay ku tilmaameen xiisadda hadda ka taagan Bariga Dhexe mid laga naxo oo khatar ah.
Warbaahinta Ruushku waxay si weyn u qaadaa dhigayaan faa'iidada xiisaddan ugu jirta Moscow:
- Waxyaabaha ay falanqaynayaan waxaa ka mid ah: Sare u kac ku yimid qiimaha saliidda adduunka kaas oo la saadaalinayo in uu kor u qaadi doono dakhliga Ruushka
- Indhaha caalamka oo a jeesta dagaalka Ruushka ee Ukraine. "Kyiv waa la illoobay" ayaa cinwaan looga dhigay warbixinta wargayska Moskovsky Komsomolets
- Haddiise la aqbalo soo jeedinta Kremlin-ka ee ah dhexdhexaadinta khilaafka, Ruushku wuxuu isu arki karaa in uu yahay xubin muhiim oo door muuqda ku leh Bariga Dhexe iyo in uu yahay nabad-sameeye, inkastoo oo dagaal ka wado Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, wax kasta waxa ay ku xidhan yihiin sida uu u dheeraado hawlgalka millatari ee Israa'iil, taasi oo lagu ogaan karo in Ruushku lumin karo doorkiisa Bariga Dhexe.
"Xiisadda sii hulaaqaysa waa mid xambaarsan khataro halis ah iyo qiime sare oo suurtagal ah ugu kacaysa Moscow," ayuu yidhi khabiir siyaasadeed Ruush ah oo la yidhaahdo Andrei Kortunov, kaasi oo warbixin ku qoray bogga ganacsiga ee Wargayska Kommersant, maalinii Isniinta."
Xaqiiqadu waxay tahay in Ruushku uu awoodi waayay in uu ka hortago weerar ballaadhan oo ay Israa'iil ku hayso waddan uu shan bilood ka hor la saxeexday iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammaystiran.
"Sida iska cad, Moscow diyaar uma aha wax dhaafsiisan hadallada siyaasadeed ee lagu cambaareynayo Israa'iil, diyaar uma aha in ay Iiraan siiso kaalmo millitari."
Waddamada xulafada la ah Iiraan oo uu ku jiro Ruushka oo dhawaan heshiis istiraatijiyadeed la gaadhay Iiraan ayaa la is weyddiinayaa sida ay u garabb istaagi karaan Tehraan. Bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar ayaa BBC-du weyddiisay su'aashan.
"Ma ahubo una malayn mayo taas. Ruushku waxa uu ku xayiran yahay dagaalka u uku jiro Ukrayn. Markaas, dhammaan xooggiis waxa uu isugu gayn doonaa sidii uu Ukrayn u soo xero gelin lahaa. Haddii aan halkiisa loogu tegin u malayn mayo in uu geli doono dagaal meelo kale ka dhacay. Waxa se laga yaabaa in uu dhaqaale ahaan taageero siiyo am ahubka qaarkiis u soo diraan."
Moscow kuma qasbana in ay difaacdoTehran. Ha se ahaatee, Moscow way hadashay. Wareysi ay la yeelatay wakaaladda wararka ee Ria Novosti, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergei Lavrov ayaa xusay in heshiisku uu "yahay mid fiiro gaar ah u yeelanaya xoojinta isuduwidda danaha nabadda iyo amniga ee heer gobol iyo heer caalami, iyo rabitaanka Moscow iyo Tehraan ee iskaashiga dhow ee amniga iyo difaaca. In Shiinuhu ciidan u diro dagaalka aad uga fogna waa mid aan dhaci karin".

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lixdii bilood ee la soo dhaafay Moscow waxa ay lumisay hal saaxiib oo muhiim u ah bariga dhexe, Bashaar al-Assad. Kaddib markii hogaamiyahii Suuriya xilka laga tuuray bishii December ee la soo dhaafay waxa magangelyo u fidiyay Ruushka. Rajada laga qabo isbeddelka nidaamka Iiraan, fikirka ah in uu lumiyo saaxiib kale oo istiraatiiji ah oo gobolka u uku leeyahay, ayaa walaac weyn ku noqon doonta Moscow.
Wargayska Moskovsky Komsomolets oo ka faalloonaya xaaladaha isa soo taraya ee Bariga Dhexe Talaadadii ayaa warbixintiisa ku soo gabagabeeyey: "Siyaasadda caalamka hadda iyo in isbeddello waaweyn ay dhacayaan kaasi oo si toos ah ama si dadban u saamaynaya nolosha dadweynaha Ruushka.
Vladimir Putin ayaa todobaadkan intiisa badan ku qaadan doona St Petersburg halkaas oo uu ka dhacayo shirka sannadlaha ah ee dhaqaalaha caalamiga ah.
Shirka ayaa sannadihii la soo dhaafay madaxda sare ee shirkadaha waaweyn ee reer galbeedka aanay ka qaybgelin - gaar ahaan markii uu Ruushku si buuxda u galay dagaalka Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, qabanqaabiyayaasha shirkaasi ayaa ku andacoonaya in sannadkan ay ka soo qeybgali doonaan wakiillo ka kala socda in ka badan 140 waddan.
Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa dhacdadan u adeegsan doona isticmaali doona in ay ku muujiyaan in jabinta go'doominta dhaqaalaha ee Ruushka. Ha yeeshee, Tifaftiraha BBC-da ugu qaybsan Ruushakna Steve Rosenberg ayaa qaba in shirkani uu keliya noqonaya madal dhaqaale, bal se aanu waxba ka tarayn xiisadda juqraafi-siyaasadeed.













