Maxaa ka jira in Shiinuhu hub casri ah ka iibiyey Iran?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa 8-dii bishaan July beenisay warbixinno ay soo saareen warbaahinno dibadeed oo sheegayey in Iran dhawaan ay heshay nidaamka gantaallada difaaca cirka ee masaafada dheer ee HQ-9B oo ka yimid Shiinaha.

Warbaahinta ku hadasha afka Ingiriiska ee ku taal magaalada London ee Middle East Eye ayaa 7-dii July soo warisay, iyadoo tixraacaysa sarkaal Carbeed oo aan la magacaabin oo sheegtay inuu helay xog muujinaysa in nidaamyada gantaallada cirka ee ay soo saartay Shiinaha loo geeyay Iran isla markaana, kadib markii la shaaciyey heshiiska hakinta weerarrada ee Iran iyo Israel 24-kii Juun, in Maraykanku iyo xulafadiisa Carabtu ay "ogaayeen" dadaallada difaaca cirka ee Tehran.

Si looga falceliyo warbixintaas, Safaaradda Shiinaha ee Tel Aviv ayaa u sheegtay wargeyska Israel Hayom in waxa laga sheegay warbixinta uu yahay "mid aan sax ahayn." Safaaraddu waxay adkaysay in "Shiinuhu si adag uga soo horjeedo faafinta hubka wax dila iyo nidaamyadaas ba, isla markaana uu si joogto ah u xoojinayo awooddiisa la dagaallanka faafinta hubka."

Israel Hayom ayaa soo xigtay hadalka Safaaradda Shiinaha oo leh, "Shiinuhu marnaba kama iibiyo hub waddamo ku hawlan dagaal, wuxuuna si adag u xakameeyaa dhoofinta waxyaabaha khuseeya hubka. Anagoo ah xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Shiinuhu wuxuu qaataa hab feejigan oo mas'uuliyad ku saleysan marka la dhoofinayo saanad milatari."

Si kastaba ha noqotee, marnaba lama daabicin bayaan rasmi ah oo ay ku jiraan weedhahan, oo ka soo baxay barta rasmiga ah ee safaaradda Shiinaha ama warbaahinta dowliga ah ee dalkaas.

Dhanka kale, Songlin Kan Shijie, oo ah qoraa Shiinaha ka soo jeeda, ayaa ku qoray 10-ka Julay, barta internetka ee Baidu in warbixinta wakaalada wararka Iran Mehr ee ku saabsan keenista nidaamka difaaca cirka ee Shiinaha "ay u muuqato dagaal xogeed qorsheysan oo ay waddo Tehran."

Mareegta ayaa iyadoo laga duulayo dhibaatooyin la xidhiidha wareejinta iyo tababarka ciidanka ee lagu hawlgelinayo nidaamka difaaca HQ-9 muddo gaaban gudaheed, kor u qaadeysa suuragalnimada ah in Iran ay isticmaasho magaca Shiinaha si ay uga digtoonaato Israel iyo Maraykanka, iyada oo muujinaysa in ay haysato taageerada awooddaas weyn.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal-haysay wararka sheegaya in Iran dib u bilowday wadahadalladii ay ku doonaysay inay ku iibsato diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha loona yaqaan J-10C, kuwaas oo indhaha dunida soo jiitay kadib markii ay si fiican uga soo muuqdeen isku dhacyadii u dhexeeyay Pakistan iyo Hindiya bishii May ee dhawaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wargeyska Tsingtao Daily ee ka soo baxa Hong Kong ayaa 27-kii Juun daabacay warbixin ku saleysan taariikhda arrintan, isagoo xusay in Shiinaha iyo Iran dhowr jeer ku guuldareysteen inay heshiis ka gaadhaan arrintan muddo 20 sano ah.

Wargeyska wuxuu soo xigtay wargeyska Kommersant ee Ruushka oo qoray in Tehran ay si aad ah ugu dhowaatay inay iibsato 150 diyaaradood oo J-10C ah sanadkii 2015, balse heshiiskaas ayuu burburay, sababtoo ah Shiinaha ma aqbalin in lagu bixiyo saliid ama gaas dabiici ah, halka Iran ay la daalaa-dhacaysay baahi loo qabo lacagaha qalaad iyo sidoo kale ay saarnaayeen cunaqabateyn hub oo uga timid Qaramada Midoobay.

Wadahadalladaas dib ayaa loo bilaabay sanadkii 2020, kadib markii qaar ka mid ah cunaqabatayntii hubka laga qaaday Iran, hase yeeshee weli lama gaadhin heshiis rasmi ah, sababo la xidhidhaa arrimihii hore — gaar ahaan lacag-bixinta iyo caqabadaha xagga dhaqaalaha.

Warbaahinta Taiwan ee NewTalk ayaa 5-tii July soo tabisay in Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh, uu sheegya in ay iibsanayaan diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha J-10C, xilli uu ka qeybgalayay shirkii Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee ka dhacay magaalada Qingdao 26-kii Juun.

NewTalk waxay sidoo kale soo xigatay ilo ka tirsan Iran oo sheegay in Iran ay u baahan tahay ku dhawaad 400 diyaaradood oo dagaal, taasoo muujinaysa baahida ballaadhan ee dhanka hawada ay wajaheyso Tehran.

8-dii Luulyo, Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa bixisay jawaab guud oo aan magacaabin Iran, iyadoo sheegtay in "dowladda Beijing ay qaadatay mowqif taxaddar leh oo mas'uuliyad leh marka ay timaado iibinta agabka milatari ee dibadda," ayna diyaar u tahay inay la wadaagto horumarka ay gaartay dhanka qalabka ciidamada dalalka saaxiibka la ah, iyada oo door wax ku ool ah ka ciyaareysa nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba.

Marka laga soo tago wararka aan la xaqiijin ee sheegaya in Iran ay danaynayso iibsashada diyaaradaha J-10C, waxaa sidoo kale la sheegayaa in Indonesia ay ku jirto wadahadallo la xiriira iibka diyaaradahaas dagaalka ee Shiinaha.