Muxuu yahay qorshaha qarsoodiga ahaa ee Afghanistiyiin badan UK lagu geeyay?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kumanaan qof oo Afghanistanistiyiin ah ayaa u guuray UK iyaga oo ka faa'iideystay barnaamij sir ah oo la aas-aasay kadib markii sarkaal British ah uu si kama' ah u faafiyay xogtooda, sida hadda la shaaciyay.

Bishii Febraayo 2022-kii, waxaa si khaldan loo dusiyay faahfaahinta shaqsiyeed ee ku dhawaad 19,000 oo qof oo codsaday in loo oggolaado in ay u guuraan UK kadib markii Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan.

Dowladdii hore ee Britain waxay ogaatay jebintaas xogeed bishii Agoosto 2023, kadib markii qaar ka mid ah xogtaas lagu arkay baraha bulshada gaar ahaan Facebook.

Sagaal bilood kaddib, waxaa la dajiyay barnaamij cusub oo dib-u-dejin ah oo loogu talagalay dadka ku jiray liiska xogta la dusiyay, waxaana ilaa hadda l ageeyay Uk 4,500 qof oo u dhashay dalka Afghanistan.

Faahfaahinta ku saabsan xogta weyn ee la dusiyay, jawaabtii dowladda, iyo tirada dadka Afghanistiyiinta ah ee loo oggolaaday in ay degaan UK awgeed arrintan — waxay bannaanka timid Salaasadii, kadib markii xaakim maxkamadda sare ah uu go'aamiyay in la laalo amarkii sirta ahaa ee horay loo saaray.

Xogta la dusiyay waxay ka koobnayd magacyada, faahfaahinta xiriirka, iyo qaar ka mid ah xogta qoysaska ee dad si weyn uga baqdin qaba aargoosi kaga imaan kara Taliban.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee (Downing Street) kama uusan jawaabin su'aal ku saabsan in sarkaalkii xogta dusiyay uu wajahayo ciqaab, iyada oo afhayeen u hadlay sheegay in aysan ka hadli doonin arrimo la xidhiidha shaqsiyaad gaar ah.

Dowladdu waxay sidoo kale shaacisay Talaadadii qodobbadan muhiimka ah:

  • Wasaaradda Gaashaandhigga (MoD) waxay aaminsan tahay in 600 askari Afghaniyiin ah iyo 1,800 xubnood oo qoysaskooda ka mid ah, kuwaas oo xogtooda la dusiyay, ay ku sugan yihiin gudaha Afghanistan.
  • Barnaamijka qarsoodiga ah ee loo yaqaan Afghan Relocation Route waa la xidhayaa, balse dadka horay loo siiyay dalab dib-u-dejin ah weli waa la tixgelin doonaa.
  • Barnaamijka waxa illaa hadda ku kacay qarasha gaaraya £400 milyan, waxaana la filayaa inuu ku kaco £400–450 milyan oo dheeraad ah.
  • Xogta waxaa si khaldan u dusiyay sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan MoD.
  • Dadkii xogtooda la dusiyay waxaa kaliya loo sheegay Talaadadii in la shaaciyay arrintaas.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Difaaca John Healey oo ka hadlayay baarlamaanka UK ayaa bixiyay raalligelin rasmi ah oo ku wajahan dadkii xogtooda si kama' ah loo faafiyay — arrin la ogaaday markii qaar ka mid ah magacyadaas lagu arkay Facebook.

Wuxuu sheegay in sababta arrintan u dhacday in ay ahayd warqad xogeed si khaldan loogu diray nidaam aan rasmi ahayn oo dowladda ka baxsan, taasoo uu ku tilmaamay "khalad weyn oo dhinaca wasaaradda ah". Si kastaba, booliiska Metropolitan Police waxay go'aamiyeen in aysan baahin baadhitaankoodii ku aaddanaa sida ay xogtaasi ku baxday.

Mr. Healey wuxuu sheegay in xogtan ay ahayd mid ka mid ah xogaha badan ee la waayay intii lagu jiray howlgalka daadgureynta Afgaanistaan 2021, ayna ka koobnayd magacyada saraakiil milatari oo sare, masuuliyiin dowladeed, iyo xildhibaano.

Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Kemi Badenoch, ayaa iyana raalligelin bixisay, iyada oo ku hadlaysay magaca xisbigeeda.

Waxay u sheegtay

"Qof ayaa sameeyay khalad aad u weyn, magacyo ayaa bannaanka yimid... waana ka xunnahay. Taasi marnaba ma ahayn inay dhacdo."

Email ayaa loo diray dadka ay saameysay xogta la dusiyay, iyadoo lagu wargeliyay in ay "feejignaan muujiyaan" oo ay qaadaan tallaabooyin ay ku badbaadayaan.

  • Inay ilaaliyaan dhaqdhaqaaqyadooda internetka,
  • Iyo inaysan ka jawaabin farriimaha kaga imanaya dad aan la aqoon.
  • Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray in dadkaasi ay ka taxadaraan halista soo food saari karta kadib faafinta xogtooda.

Shaacinta arrinta Talaadadii waxay dib ugu laabaneysaa dhacdooyinkii ka dhacay Agoosto 2021, markaas oo ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Afgaanistaan, taasoo keentay in Taliban mar kale la wareegto awoodda, isla markaana si degdeg ah u hareereyso caasimadda Kabul.

Xogta la dusiyay waxay ku saabsaneyd dadkii codsaday barnaamijka Arap (Afghan Relocations and Assistance Policy) — barnaamij ay dawladda UK u dejisay si degdeg ah loogu baaraandego codsiyada dadka ka baqaya aargoosi uga imaan kara Taliban, loogana soo daadgureeyo Afgaanistaan si loo geeyo UK.

Howlgalkii daadgureynta — oo lagu wareejiyay 36,000 Afgaanistaaniyaan UK gudaheeda — ayaa si adag loo dhaliilay sanadihii xigay. Baadhitaan ay sameysay Guddiga Arrimaha Dibadda sanadkii 2022 ayaa ku tilmaamay howlgalkaasi mid "masiibo ah" iyo "khiyaano" lagu sameeyay dadkii u baahnaa gargaar.

Markii ay dowladdu sannadkii hore dejisay barnaamijkii cusub ee dib-u-dejinta, si ay uga jawaabto daadinta xogta, saxaafaddu si degdeg ah ayay u ogaatay qorshaha.

Dowladdu waxay markaas u gudbisay maxkamad codsi ah in la saaro amar mamnuuc ah (injunction) oo lagu xakameynayo warbaahinta. Maxkamadda waxay ku soo rogtay nooc gaar ah oo amar ah oo mamnuucayay warbaahinta in ay baahiso wax faahfaahin ah oo la xidhiidha xogta la dusiyay — xitaa jiritaanka amarka laftiisa.

Wasiirka Difaaca John Healey ayaa sheegay in xitaa isaga laga joojiyay inuu ka hadlo arrintan, isagoo xusay in loo sheegay in uu hoos u dhigo faahfaahinta markii uu wali ahaa wasiir mucaarad ah oo difaaca u qaabilsan difaaca, taas oo uu ku tilmaamay "amar aan hore loo arag."

Wuxuu sheegay inuusan ogayn in ay jiraan amarro kale oo noocaan ah oo kale oo horay loogu soo rogay warbaahinta.