Trump oo kala xulanaya tallaabada ciidan ee uu ka qaadi lahaa Iiraan

Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA/Reuters

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lala wadaagay xulashooyin ballaaran oo ay ka mid yihiin hawlgallo qarsoodi ah iyo kuwo ciidan oo loo adeegsan karo Iiraan, sida ay laba sarkaal oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka u sheegeen warbaahinta CBS News, oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka.

Weerarro gantaallo oo masaafada dheer ah ayaa weli ah ikhtiyaar suuragal ah haddii Maraykanku farageliyo IIraan, balse saraakiisha Pentagon-ka ayaa sidoo kale soo bandhigay hawlgallo dhanka internet-ka iyo ololeyaal dhanka maskaxeed ah sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay canshuur 25% ah oo lagu soo rogo badeecadaha ka imanaya waddamada xiriir ganacsi la leh Iiraan, xilli ururrada xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in ka badan 600 dibadbaxayaal ah lagu dilay mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda ee soconaya saddexda toddobaad.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Tehran ay u furan tahay wada-hadal ay la gasho Washington, balse ay "u diyaarsan tahay dagaal".

Kooxda amniga qaranka ee Trump ayaa la filayaa inay Talaadada kulan ku yeeshaan Aqalka Cad si ay uga doodaan fursadaha furan ee Iiraan, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, balse lama hubo in madaxweynuhu laftiisu ka qaybgeli doono.

Mudaharaadyada Iiraan

Xigashada Sawirka, Public domain

Trump ayaa hore u sheegay in ciidankiisu ay qiimeynayaan "ikhtiyaarro aad u adag" haddii dad kale oo mudaaharaadayaal ah la dilo. Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay soo "waceen si ay u wada-xaajoodaan", balse wuxuu intaa ku daray in Maraykanku "laga yaabo inuu ficil qaado ka hor kulan".

Carada ka dhalatay burburka qiimaha lacagta Iiraan iyo maarayn-xumada dhaqaale ayaa isu beddeshay qalalaase sharciyadeed oo saameeyay hoggaamiyaha sare ee dalkaasi IIraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Isniintii, Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay in sarkaal Iiraani ah uu sidoo kale la xiriiray ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, iyada oo ku dartay in mowqifka dadweynaha ee Tehran uu "aad uga duwan yahay farriimaha ay sida gaarka ah u dirayaan maamulku".

Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay in madaxweynaha Maraykanku uusan "ka baqanayn adeegsiga ikhtiyaarrada ciidan marka uu u arko inay lama huraan tahay".

Laba ilo-wareed, oo codsaday in magacyadooda aan la shaacin sababo la xiriira inay ka hadlaan arrimo amniga qaranka ah, ayaa sheegay in jawaab kasta oo ciidan oo Maraykanku ka bixiyo Iiraan ay u badan tahay inay ku lug yeelato duqaymo cirka ah, balse qorshe-yaashu ay sidoo kale tixgelinayaan carqaladeynta qaab-dhismeedka taliska iyo isgaarsiinta Iiraan.

Khamenei ayaa ku eedeeyay Maraykanka "khiyaano" iyo ku tiirsanaan "calooshood u shaqeystayaal khiyaanoolayaal ah", isaga oo ammaanay isu-soo baxyada lagu taageerayo dowladda ee ay dawladdu soo abaabushay ee Isniintii ka dhacay Iiraan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu sheegay in "qaranka Iiraan uu yahay mid awood leh, feejigan, ogna cadowgiisa, goobjoogna u ah marxalad kasta".

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen magaalooyin dhowr ah kadib baaqyo loogu yeeray mudaaharaadyo lagu taageerayo dowladda.

BBC qaybteeda luuqada Persian ayaa aragtay farriimo qoraal ah oo dadka gudaha loogu diray si ay uga qaybgalaan mudaharaadyadaas, iyada oo sidoo kale looga digay inay ka qayb qaataan mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda.

Dhanka kale, Isniintii, Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu soo rogi doono canshuur 25% ah oo lagu soo rogi doono badeecadaha ka imanaya waddamada "ganacsi la leh" Tehran, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

"Amarkan waa mid kama dambays ah oo go'aan ah," ayuu ku daray.

Iiraan, oo horeyba u wajahaysay cunaqabatayn adag oo Maraykanku saaray, ayaa la daalaa-dhacaysa hoos-u-dhac lacagta ah iyo sicir-barar sare oo sare u qaaday qiimaha cuntada ilaa 70%.

Cuntadu waxay ka dhigan tahay ku dhowaad saddex meelood meel waxyaabaha Iiraan soo dhoofsato, waxaana xayiraado dheeraad ah oo ka dhasha canshuurahan ay sii xumeyn karaan yaraanta iyo kharashka.

Aqalka Cad ma uusan bixin macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan canshuuraha. Shiinaha ayaa ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Iiraan, waxaana ku xiga Ciraaq, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Hindiya.

Mudaharaadyada Iiraan

Xigashada Sawirka, Eyewitness image / Reuters

Tallaabadan ayaa cadaadis dheeraad ah saari karta Tehran, iyada oo dowladda Iiraan ay kordhinayso tallaabooyin adag oo ka dhan ah mudaharaadyada lidka ku ah dowladda.

Dhanka kale, Reza Pahlavi, oo ah wiilka shaahii ugu dambeeyay ee Iiraan oo masaafuris ugu nool Maraykanka, ayaa Trump ku boorriyay inuu "si degdeg ah" u farageliyo Iiraan si loo yareeyo tirada dadka ku dhimanaya mudaaharaadyada.

Wareysi uu siiyay CBS News, Pahlavi wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta ee Iiraan ay "isku dayayso inay dunida ku khiyaamayso inay mar kale diyaar u tahay wada-xaajood".

Wuxuu Trump ku tilmaamay "nin ka dhabeynaya waxa uu sheegayo iyo waxa uu ula jeedo" isla markaana "garwaaqsan waxa halista ah".

"Waxaan u maleynayaa in madaxweynuhu go'aan qaadan doono waqti dhow," ayuu yiri Pahlavi.

Ugu yaraan 648 dibadbaxayaal ah ayaa lagu dilay Iiraan, oo ay ku jiraan sagaal qof oo ka yar 18 sano, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Norway, Iran Human Rights (IHRNGO). Ilo ku sugan gudaha Iiraan ayaa BBC u sheegay in tirada dhimashada ay ka badan karto intaas.

BBC iyo inta badan warbaahinta caalamiga ah ma awoodaan inay warbixin ka sameeyaan gudaha Iiraan. Xayiraadda internet-ka oo bilaabatay fiidkii Khamiista ayaa adkaysay helidda iyo xaqiijinta macluumaadka.