Dowladda Soomaaliya oo ka digtay inaan la geli karin heshiis aanay iyadu ogeyn

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys

Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay galab ku yeesheen magaalada Muqdisho ku yeesheen kasoo saaray go'aan ah in Soomaaliya ay ku burisay dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay dowladda Imaaraatka Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys oo la hadlay BBC ayaa faahfaahiyay go'aanka ay dowladdu soo saartay, isaga oo sheegay inay si rasmi ah u joojinayaan dhammaan heshiisyadii ay la galeen Imaaraatka carabta.

''Go'aanka soo baxay waxa uu ahaa go'aan golaha wasiirada kulan ay yeesheen kasoo baxay kaas oo ku aadan in dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u joojinayso dhammaan heshiisyadii ay la gashay dalka iskutagga Imaaraatka Carabta. Heshiiyadaasi oo isugu jira heshiisyada lala galay maamul goboleedyada amaba ay dowladda qaybaheeda kala duwan ay la galeen ayna kamid yihiin joojinta howlaha ka socda Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo iyo wixii la hal maala ee dowlada Imaaraatka carabta lala galay.

Wasiirka ayaa sheegay sharci ahaan dalka ay mas'uul ka tahay dowladda federaalka, heshiis kasta oo fulayana ay tahay inay iyada ogolaansho looga haysto.

''Dabcan sharciyan waxaa dalka ka masuul ah waa dowladda dhexe ee Federaalka ah, heshiis kasta oo la galayona si uu sharci u noqdo waxaa khasab ah inuu oggolaanshiyo ka haysto dowladda federaalka ah, marka heshiis kasta oo aan dowladda Federaalka oggolaanshiyo ka haysana heshiis sharci ah ma noqon karo, dalka ku dhiiradana waxa uu u bareerayaa heshiis sharci darro ah inuu doonayo dalka Soomaaliya ka fuliyo''.

Madaxda Soomaaliya iyo Imaaraatka

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Daa'uud Aweys ayaa sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta ay gaysatay falal liddi ku ah qaranimada Soomaaliya.

''Sida ku cad go'aankan waxa ay dowladda Federaalka Soomaaliya haysaa caddeymo ku filan oo ku saabsan in dowladda Imaaraatka Carabta ay dhaawacayso amaba ay gaysatay falal liddi ku ah qaranimada, midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya, taas ayaa keentay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay go'aankaasi qaadato markii ay si wanaagsan uga baaraan degtay, heshayna caddeymo ku filan oo ku saabsan dhacdooyinkaasi Imaaraatku ku kacday'' ayuu yiri.

BBC-da oo wax ka weydiisay wasiirka in tallaabadan ay ku lug leedahay arrinta aqoonsiga Somaliland ayaa ka gaabsaday faahfaahin uu ka bixiyo, isaga oo sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay soo saari doonto faahfaahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen iyo waxyaabaha jira.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo haatan falanqeeya arrimaha Soomaalida si dhowna ula socday siyaasadaha Soomaaliya oo la hadlay BBC ayaa soo dhoweeyay go'aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraatka Carabta, isaga oo sheegay inuu ahaa mid soo daahay marka la eego sida ay u dhaqmayeen Imaaraatka.

''Waa go'aan sax ah waa go'aan soo daahay marka la fiiriyo sida ay Imaaraatku Soomaaliya ama dalal badan oo Soomaaliya lamid ah ula dhaqmayeen marka la fiiriyo khatarta ay Soomaaliya ku hayaan waxa ay ahayd go'aan ay mar hore in la qaato ay tahay''

Cawad ayaa sheegay inay arrin kale tahay awoodda ay dowladu u leedahay in Boosaaso iyo Berbera uga mamnuucdo Imaaraatka, laakiin ay tahay in qarinamada Soomaaliya laga difaaco qofkii dhib ku haya.

''Go'aanku sida uu u fulayo xukuumada hadda jirtaa ay u fulin karayso oo ay u leedahay awood ay uga mamnuucdo Imaaraatka Boosaaso iyo Berbera waa arrin kale. Lakiiin ugu yaraan sharci ahaan iyo niyad ahaan waa ahayd in laga difaaco qaranimada Soomaaliya qofkii dhib ku haya.

Tallaabada xigta ee ay tahay Soomaaliya in ay u qaado diblomaasi ahaan ayaa Cawad aaminsan yahay in ay tahay wadahadal.

''Waxa ay ila tahay in lala hadlo oo dal kasta oo wax idinka dhaxeeyaan oo saamayn idinku leh oo laga yaabo go'aamada fulintooda ay dhib kugu noqoto oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isla oggoleen marka inta uu hadal kali ah kaa noqon lahaa waxaa fiicnaan lahayd in lagu daro wadahadal''

Dhanka ammaanka Imaaraatka Carabta waxa uu tababaro iyo taakuleen siiyaa ciidamo ka howlgala qaar kamid ah deegaanada Soomaaliya ee maamul goboleedyadu ay qayb ka yihiin, waxaana uu aaminsan yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya in aysan amni ahaan waxba u dhimayn go'aanada lagu joojiyay heshiiyadii Imaaraatka.

''Waxba uma dhimi karo, anigu ma arko wax badan oo Imaaraatku ka gaysanayo amniga Soomaaliya marka laga reebo Puntland oo sida aan maqlayo caddeyn ma hayo, ciidamadii la dagaalamayay Daacish oo dhib badana gaarsiiyay waxa igu maqaalo ah Imaaraatku gacan beey ka geysteen dagaalkaas''