Trump oo sheegay in madaxda Iiraan ay soo waceen codsina usoo gudbiyeen

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inay madaxda Iiraan soo waceen si ay uga codsadaan wada-xaajood ka dib hanjabaadihiisii ahaa tallaabo milatari. Wuxuu u sheegay weriyeyaasha in la diyaarinayo kulan, balse Maraykanku "ay qasab ku noqon karto inuu ficil sameeyo" ka hor inta uusan kulankaasi dhicin.

Hadalka Trump ayaa yimid xilli ay soo baxayeen caddaymo dheeraad ah oo ku saabsan rabshado baahsan oo ay ciidamada ammaanka Iiraan kula kaceen dibad-baxayaasha.

Dhankeeda, Iiraan ayaa soo saartay digniin ah in ay aargoosan doonto haddii Mareykanku weeraro, iyadoo xogo ay BBC iyo dhaqdhaqaaqayaal ay sheegayaan in boqolaal dibadbaxayaal ah hadda la dilay, kadib tallaabo adag oo sii xoogeysanaysa oo ay dowladdu qaaday.

"Xaaladdu halkan aad bay u xun tahay, aad iyo aad," ayey yiraahdeen ilo ku sugan Tehran Axaddii. "Saaxiibbo badan oo naga mid ah waa la dilay. Waxay adeegsanayeen rasaas nool. Waxay u egtahay goob dagaal; waddooyinku dhiig baa ka buuxa. Meydadka waxaa lagu qaadaa baabuurro xamuul ah."

BBC ayaa tirisay qiyaastii 180 bacood oo meyd ah muuqaal laga duubay meel u dhow Tehran. Hay'adda u dhaqdhaaqda xaquuqda adanaha ee HRANA, ayaa sheegtay inay xaqiijisay dhimashada 495 dibadbaxayaal ah iyo 48 ka tirsan ciidamada ammaanka guud ahaan dalka.

Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay in 10,600 oo qof kale la xiray intii lagu jiray laba toddobaad oo rabshado iyo qalalaase ah.

Mareykanka ayaa ku hanjabay in uu Iran duqeyn doono sababo la xiriira dilka dadka mudaaharaadayay, waxaana Madaxweyne Donald Trump uu Sabtidii sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu caawiyo" maaddaama Iiraan "ay eegayso XORRIYADDA".

Trump ma uusan faahfaahin waxa Mareykanku ka fiirsanayo. Sarkaal ayaa u sheegay CBS, oo bahwadaag la ah BBC, in Trump lagu wargeliyay xulashooyin la xiriira weerarro milatari oo ka dhan ah Iiraan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Habab kale ayaa laga yaabaa inay ka mid noqdaan xoojinta ilo internetka ah oo ka soo horjeeda dowladda, adeegsiga hubka internetka (cyber-weapons) ee ka dhanka ah militariga Iiraan, ama cunaqabateyn dheeraad ah oo la saaro, sida ay saraakiil u sheegeen Wall Street Journal.

Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan ayaa ka digay in haddii Mareykanku weeraro Iiran ay Israa'iil iyo xarumaha milatariga Mareykanka iyo maraakiibtiisa ku sugan gobolka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah.

Dibadbaxyada, oo ka billowday sicir-bararka aad u sarreeya ee ka jira dalkaas, ayaa hadda dalbanaya in la soo afjaro xukunka wadaaddada ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Iiraan ayaa sheegay in qof kasta oo mudaharaad sameeya loo aqoonsan doono "cadowga Ilaahay" — dambigaas oo xambaarsan ciqaabta dilka — halka Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei uu dibadbaxayaasha ku tilmaamay "koox qas-wadayaal ah" oo doonaya inay "ku farxiyaan" Trump.

Axaddii, dalka ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah waxa ay ku tilmameeen "shuhadadii lagu dilay dagaalka qaran ee Iiraan ee ka dhanka ah Mareykanka iyo Israa'iil".

Shaqaale ka tirsan dhowr isbitaal ayaa u sheegay BBC in maalmahan la soo dhaafay ay aad u soo buux dhaafiyeen cisbitaalladooda dhimashada iyo dhaawaca banaanbaxayaasha.

BBC Persian ayaa xaqiijisay in 70 mayd la geeyay hal isbitaal oo ku yaalla magaalada Rasht habeenkii Jimcaha, halka shaqaale caafimaad oo ka tirsan isbitaal ku yaalla Tehran uu BBC u sheegay: "Qiyaastii 38 qof ayaa dhintay. Qaar badan waxay dhinteen isla marka ay gaareen sariiraha gurmadka degdegga ah… rasaas toos ah ayaa madaxa iyo sidoo kale wadnaha lagaga dhuftay dhalinyarada. Qaar badan xitaa ma aysan gaarin isbitaalka."

Ilo ku sugan gudaha Iiraan ayaa u sheegay BBC Persian in saraakiil ku labisan dhar caadi ah ay bartilmaameedsanayeen dadka duubaya muuqaalada iyo kuwa keligood ah intii ay socdeen dibadbaxyadu.

BBC iyo inta badan hay'adaha warbaahinta caalamiga ah ma awoodaan inay war ka soo tabiyaan gudaha Iiraan, waxaana dowladda Iiraan tan iyo Khamiistii jartay internet-ka, taasoo adkaysay helista iyo xaqiijinta macluumaadka.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaallo qaar ayaa soo baxay, oo ay ku jiraan fiidiyow muujinaya safaf bacaha meydadka ah oo yaalla Xarunta Baarista Forensikada iyo Shaybaarrada ee Gobolka Tehran, ee Kahrizak.

Mid ka mid ah fiidiyowyada goobta laga duubay, waxaa ka muuqda qiyaastii 180 mayd oo la duuduubay ama daboolan, kuwaas oo intooda badan bannaanka yaalla.

Dhowr muuqaal oo ay BBC Verify xaqiijisay inay yihiin kuwo dhawaan la duubay ayaa muujinaya iska horimaadyo u dhexeeya dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka oo ka dhacay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan.

Dibadbaxayaal wajiyada duuban ayaa lagu arkayaa iyagoo gabaad ka dhiganaya qashinnada iyo dabab la shiday, halka saf ciidamada ammaanka ah ay ka muuqdaan meel fog. Gaari u eg bas ayaa la arkayaa isagoo dab ka holcayo.

Dhawaaqyo rasaas badan ah ayaa la maqlayaa, sidoo kale waxa la maqlayaa dhawaaq u ek digsiyo waaweyn iyo biro laysku garaacayo.

Iran

Xigashada Sawirka, MAHSA / Middle East Images / AFP via Getty Images

Qof taagan buundo lagu lugeeyo oo ku dhow ayaa u muuqda inuu dhowr xabbadood ku ridayo jihooyin kala duwan, iyadoo dhowr qof ay gabbaad ka dhigteen gadaasha xayndaab.

Tehran gudaheeda, muuqaal la xaqiijiyay oo la duubay habeenkii Sabtida ayaa muujinaya dibadbaxayaal la wareegaya waddooyinka degmada Gisha, dhawaaqa digsiyaal la garaacayo oo laga maqlayo Punak Square, iyo dadweyne socod sameynaya oo ku dhawaaqaya baaqyo lagu dalbanayo in la soo afjaro xukunka wadaaddada ee degmada Heravi.

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Mareykanka iyo Israa'iil ku eedeeyay qalalaasaha socda.

"Waxay tababareen shakhsiyaad gaar ah oo ku sugan gudaha dalka iyo dibaddaba, waxayna dalka ka soo geliyeen argagixiso dibadda ka timid, masaajiddo ayay gubeen, waxayna weerareen suuqyo iyo ururro ganacsi oo ku yaalla Rasht, iyagoo suuqii (baasaar) dab qabadsiiyay," ayuu yiri, isagoo aan soo bandhigin caddeymo.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaallo ay BBC Persian iyo BBC Verify xaqiijiyeen ayaa caddeynaya in saraakiisha ammaanka Iiraan ay rasaas ku fureen isu-soo-baxyo dibadbaxayaal ah meelo dhowr ah. Meelahaas waxaa ka mid ah Tehran, gobolka galbeed ee Kermanshah, iyo gobolka koonfureed ee Bushehr.

Dhowr fiidiyow oo la xaqiijiyay, oo laga duubay bartamaha magaalada galbeed ee Ilam toddobaadkii hore, ayaa sidoo kale muujinaya ciidamada ammaanka oo rasaas ku ridaya dhanka Isbitaalka Imam Khomeini, halkaas oo dibadbaxayaashu ku qabanayeen isu-soo-bax.

Helitaanka internet-ka ee Iiraan inta badan wuxuu ku kooban yahay shabakad gudaha ah, iyadoo xiriirka dunida dibadda si adag loo xaddiday. Hase yeeshee, intii ay socdeen dibadbaxyada hadda, mas'uuliyiintu markii ugu horreysay si aad u daran ayay u xaddideen xitaa shabakaddaas gudaha ah.

Khabiir la hadlay BBC Persian ayaa sheegay in xiritaanka internet-ka uu ka sii daran yahay kii lagu arkay kacdoonkii 2022-kii.

Alireza Manafi, oo ah cilmi-baare internet-ka ah, ayaa sheegay in habka keliya ee suuragalka ah ee lagu xiriiri karo dunida dibadda uu yahay dayax-gacmeedka Starlink, balse wuxuu uga digay isticmaalayaasha inay taxaddar muujiyaan, maadaama xiriirrada noocaas ah ay suuragal tahay in dowladda ay raad raacdo.

Iiraan

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Reza Pahlavi

Axaddii, Reza Pahlavi, oo ah wiilka uu dhalay boqorkii ugu dambeeyay ee Iiraan ee Shah, oo masaafur ku maqan kuna nool Mareykanka, isla markaana dibadbaxayaashu ay dalbanayaan inuu dalka ku soo laabto, ayaa u sheegay dibadbaxayaasha in Trump uu "si taxaddar leh ula socday geesinimadiinna aan la qiyaasi karin," sida uu ku qoray baraha bulshada.

"Dalka iyo dadkiinna ku sugan daafaha dunida waxay ku faraxsan yihiin dhawaqa codkiinna," ayuu qoray, isagoo ballanqaaday: "Waxaan ogahay inaan dhowaan idiin garab istaagi doono."

Pahlavi wuxuu ku andacooday in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay wajahayso "yaraansho daran oo calooshood u shaqeystayaal ah," isla markaana "ciidamo badan oo hubeysan iyo kuwo ammaanka ah ay ka tageen goobahooda shaqo ama ay diideen amarrada lagu cabburinayo shacabka." BBC-da ma aysan xaqiijin karin sheegashooyinkan.

Wuxuu dadka ku boorriyay inay sii wadaan dibadbaxyada fiidnimadii Axadda, balse uu kula dardaarmay inay koox-koox ama dadweyne la socdaan, isla markaana aysan "halis gelin naftiinna."

Dibadbaxyadani waxay noqdeen kuwa ugu ballaarnaa tan iyo kacdoonkii 2022, kaasoo ka dhashay geeridii Mahsa Amini, oo ahayd gabar dhalinyaro ah oo Kurdish ah, markii ay booliiska anshaxa xireen sabab la sheegay in aysan si sax ah u xirnayn hijab-keeda.

In ka badan 550 qof ayaa la dilay, 20,000-na waa la xiray muddo bilo ah, sida ay sheegayaan ururada xuquuqda aadanaha.