Iran oo xirxirtay qabanqaabiyeyaasha tartanka orodka oo ay ka qeyb galeen haween aan xijaabneyn

Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Arrinta xijaabka ayaa weli ah xuddunta doodda ku saabsan halka laga yaabo in ay Iiraan ku wajahan tahay. (sawirka muuqaalka waddada ee Tehran)
    • Author, Sebastian Usher
    • Role, BBC Middle East analyst

Garsoorka dalka Iran ayaa sheegay in la xiray labo ka mid ah qaban-qaabiyaasha tartanka orodka kadib markii ay u oggolaadeen haween aan xijaab ku xirneyn inay ka qeybgalaan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ay kasoo muuqdeen haween aan lasoo bandhigin oo ku tartamaya tartanka Jimcihii.

Labo kun oo haween ah iyo 3,000 oo rag ah ayaa si goonni goonni ah uga qeyb qaatay orodka marathon-ka ee ka dhacay Jaziiradda Kish ee ku taal xeebta koonfureed ee dalka Iran.

Iyaga oo ku labisan funaanado cas, qaar ka mid ah haweenka tartanka ku jiray ayaa iska cad in aanay xirnayn xijaab ama wax kale oo madaxa ugu xirnaa.

Tani waxay keentay falcelinno aad u kala duwan.

Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha isbeddelka Iran ayaa si xamaasad leh u bogaadiyay sawirrada iyagoo ku tilmaamay inay caddayn dheeraad ah u tahay haweenka Iiraan oo diiday xannibaadaha ay mas'uuliyiinta ku soo rogeen dharka ay xiran karaan.

Dhankooda, mas'uuliyiinta Iran waxay uga jawaabeen inay tahay caqabad aan la aqbali karin oo ku wajahan xaaladda taagan.

Garsoorka ayaa si degdeg ah tallaabo uga qaaday abaabulayaasha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma ahan oo kaliya ku tumashada shuruucda xijaabka ee qaar ka mid ah haweenka ku tartamaya marathon-ka ayaa gabi ahaanba waxa ay dhaleeceyn kala kulmeen hoggaanka diinta Islaamka ee dalka.

Dhawr sano ka hor, aragtida dumar badan oo Iiraaniyiin ah oo xiran dharka ciyaaraha kana qaybgalaya munaasabad dadweyne oo sidan oo kale ah - xitaa haddii laga sooco ka qaybgalayaasha ragga ah - ayaa loo arki lahaa mid khilaafsan sharciga.

Dacwad oogaha Kish ayaa sheegay in qaabka tartanka loo qabanayo ay lafteedu tahay "mid xadgudub ku ah anshaxa guud".

Arrinta xijaabka ayaa weli ah xuddunta doodda ku saabsan halka laga yaabo in ay Iiraan ku wajahan tahay.

Tallaabooyinka dawladda ee ka dhanka ah haweenka ka soo muuqda fagaaraha iyada oo aan madaxu u daboolneyn way kala duwanaatay - mararka qaarkood waxay oggolaataa in sharciyada la dabciyo, halka kuwa kalena ay buunbuuniyaan xad-gudub kasta.

Mudaaharaadyadii waaweynaa ee gilgilay Iran muddo saddex sano ah ka hor ayaa waxaa ka dhashay dhimashada haweeneyda da'da yar ee Kurdiyiinta Iran kasoo jeedda, Mahsa Amini, oo ku dhimatay xabsiga dhexdiisa ka dib markii loo xiray ku xadgudubka sharciga labiska.

Tan iyo markii mudaaharaadyada lagu demiyay xoog iyo xarig ballaaran oo ka qeyb galayaasha lagula kacay, haweenka Iran qaarkood waxay sii wadeen inay jabiyaan sharciyada.

Taas ayaa keentay in dhawaan uu maamulku dib u adkeeyo sharciga.

Madaxa Garsoorka ayaa ka digay olole dib u soo cusboonaaday oo ka dhan ah haweenka aan bulshada dhexdeeeda ku xiran xijaabka.

Gholamhossein Mohseni Ejei waxa uu sheegay in hay'adaha sirdoonka lagu amray inay aqoonsadaan oo ay ka warbixiyaan waxa uu ugu yeeray "hababka abaabulan ee kor u qaadaya anshax-xumada iyo inaan xijaab la xiran".

Sida cad hadda ma dhamaanayo khilaafka u dhexeeya madaxda Iran iyo dad badan oo iyaga ka mid ah - gaar ahaan jiilka soo koraya - ee ku saabsan sida haweenka loogu oggol yahay inay u labistaan.