Askariga ka tirsan booliska Iiraan ee ooya marka uu xirayo dumarka aan xijaabka xirneyn

Xigashada Sawirka, BBC PERSIAN
Caro xoog leh iyo mudaharaadyo ayaa ka dhashay geerida gabar 22 jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Mahsa Amini, oo dhimatay kaddib markii ay xireen ciidanka Iiraan ee loo yaqaanno booliska ilaalinta anshaxa.
Dumarka ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo gubayay qamaarrada madaxa la saarto, si ay ugu gacan seyraan sharciga la adkeeyay ee labiska Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo kuwa hirgelinayaba.
Haddaba maxay yihiin booliska u xil-saaran dhanka anshaxa?
Ciidanka lagu magacaabo Gasht-e Ershad (Ilaalada Anshaxa) waa qeyb gaar ah oo ka tirsan booliska, oo ay shaqadoodu tahay inay xaqiijiyaan fulinta qaddarinta hab-dhaqanka Islaamiga ah iyo in ay xabsiga dhigaan dadka loo arko in “aysan si habboon u labisneyn”.
Sharciga Iiraan, oo ah waddan ku dhaqma shareecada Islaamka, waxa uu dhigayaa in haweenku ay waajib ku tahay inay timahooda ku qariyaan xijaab, ayna xirtaan dhar waaweyn oo aan ku dheggeneyn, si ay u asturnaadaan.
Mahsa Amini markii la xirayay waxaa lagu eedeeyay in ay muuqdeen qeybo timaheeda ah oo ka hooseeyay qamaarkeeda. 13-kii bishan September ayay gacanta ku dhigeen ciidanka ilaalada anshaxa ee ka howlgala magaalada Tehran.

Xigashada Sawirka, MAHSA AMINI FAMILY
Iyadoo ku sugan goobtii lagu xiray ayay istaagga ka dhacday, waxyar kaddibna koomo ayay gashay, saddex maalin kaddibna waxa ay ku geeriyootay isbitaalka.
Taliska booliskaas ayaa beeniyay warar ku saabsan in askartooda ay bud madaxa uga garaaceen haweeneydaas, ayna si xun ugu dhufteen gaarigooda.
Wareysi sida lagu helo ay dhif tahay ayay BBC-du la yeelatay askari ka tirsan ciidanka ilaalada anshaxa ee Iiraan, kaasoo ka hadlay khibraddiisa la xiriirta ka shaqeynta waaxdaas sharci fulinta ah.
“Waxa ay noo sheegeen in sababta aan uga shaqeyneyno booliska ilaalada anshaxa ay tahay inaan difaacno dumarka,” ayuu yiri. “Sababtoo ah haddii ay si habboon u labisan waayaan, ragga ayaa ka caroonaya waxayna u geysanayaan waxyeello.”
Waxa uu sheegay inay ku shaqeeyaan qeybo ka kooban midkiiba lix qof, oo isugu jira afar rag ah iyo labo dumar ah, ayna diiradda saaraan meelaha ay u badan yihiin dadka lugeynaya iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.
“Waa arrin layaab leh, sababtoo ah haddii aan dadka hageyno maxaan ugu baahannahay inaan aadno meelaha mashquulka badan ee ay dadka badan joogaan, taasoo micnaheedu uu yahay inay bataan dadka aan xireyno?”
“Waxa ay la mid tahay sida annagoo u baxeyna ugaarsi.”

Xigashada Sawirka, AFP
Askarigan ayaa intaas ku daray in taliyihiisa uu shaqada ka bixin jiray ama ka dalban jiray inuu qirto in uusan si fiican shaqada u qabanin haddii uu soo xiri waayo dad badan oo sharciga labiska jebiyay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu caqabado adag kala kulmi jiray markii ay dadku diidaan in la xiro.
“Waxay dadku naga filanayaan inaan xoog ku saarno gaariga. Ma garaneyaa inta jeer ee aan ooyay marka aan sidaas sameynayo?”
“Waxaan rabaa inaan u sheego in anigu aanan ka mid ahayn kuwaas [askarta xoogga adeegsata]. Inteenna badan waxaan nahay askar caadi ah oo gudanaya waajibaadkooda militeri ee khasabka ku ah. Waxaan dareemaa xumaato.”
Dad ku dhintay mudaharaadyada

Xigashada Sawirka, TWITTER
Sagaal qof ayaa ilaa hadda ku dhintay dibadbaxyada daba socday dhimashada gabadha loo xiray arrimaha sharciga xijaabka.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah wiil 16 jir ah oo ay ku dhacday rasaas ay ciidanka ammaanka ku fureen mudaharaadeyaasha.
Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ay haweeney ku jirtay saddex qof oo ay toogasho ku dileen booliska magaalooyinka Urmia, Piranshahr iyo Kermanshah.
Dowladda ayaa dadka dibadbaxyada rabshadaha wata sameynaya ku eedeysay in ay magaalada Kermanshah ku dileen labo qof oo rayid ahaa, halka askari boolis ahna ay ku dileen magaalada Shiraz.
Mudaaharaadyada oo sii xoogeysanaya ayaa ku fiday 20 magaalo oo waaweyn, oo ay ku jirto caasimadda Tehran.













