Arrin ay iska kaashadeen Ruushka iyo Iiraan oo walaac ku haysa Mareykanka

GET

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ruushka ayaa ku guuleystay inuu hawada sare u diro dayax-gacmeed ay Iran leedahay, arrintaas oo bar-tilmaamka iyo ujeedka laga leeyahay uu Mareykanku ka walaacsan yahay.

Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo "Khiam" ayaa laga diray xarunta Ruushka ee Baikonur ee dalka Kazakhstan.

Iran ayaa sheegtay inay dayax-gacmeedkeeda cusub u adeegsan doonto howlgallada ilaalinta deegaanka, isla markaana maareyntiisa ay gacanta ku hayn doonto Tehran oo keliya.

Balse, saraakiisha Mareykanka ayaa toddobaadkan u sheegay wargeyska Washington Post walaaca laga qabo in Moscow ay u adeegsato dayax-gacmeedka si ay u basaasto dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Ukraine.

Ilaha aan la magacaabin ee la hadlay Washington Post ayaa intaas ku daray in dayax-gacmeedka cusub uu siin karo Iran iyo Ruushka "awood aan horay loo arag" si ay joogto ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo saldhigyada.

Laakiin, Tehran ayaa diidday eedeymahaas, waxayna xaqiijisay in "laga bilaabo maalinta koowaad" ay iyadu dayax-gacmeedka si buuxda gacanta ugu hayn doonto, una xakameyn doonto howlgalladiisa.

Bayaan kasoo baxay Iran ayaa Talaadadii lagu sheegay "in ay been-abuur yihiin wararka xanta ah ee ku saabsan in sawirrada dayax-gacmeedka loo isticmaalayo arrimo militari."

Wakaaladda hawada sare ee Iran ayaa sheegtay in dayax-gacmeedka ay ku rakiban tahay kaamiro heerkeedu sarreeyo, waxaana loo isticmaali doonaa barnaamijyada beeraha, la-socodka kheyraadka biyaha iyo codsiyada kale ee deegaanka.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa xaqiijisay in wakaaladda hawada sare ee Iran ay horay u heshay xogta hordhaca ah ee dayax-gacmeedka.

Daahfurka dayax-gacmeedka ayaa ku soo beegmay saddex toddobaad un kaddib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu booqasho ku tagay dalka Iran, halkaas oo uu kula kulmay hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay ku ballameen in ay sii xoojin doonaan xiriirka labada dal, maaddaama labada dal ay saaran yihiin cunaqabateyn Reer Galbeedka uu saaray oo uu hoggaaminayo Mareykanka.

S

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxa Roscosmos Yuri Borisov ayaa sheegay in daah-furka mashruucan uu yahay "mid muhiim u ah" xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Moscow iyo Tehran.

Wasiirka Isgaarsiinta Iran, Issa Zareepour, oo u safray Kazakhstan si uu uga qeyb galo duullimaadka hawada sare, ayaa ku tilmaamay dayax-gacmeedka cusub “in uu billow u yahay is-dhexgalka cusub ee dhanka hawada sare ah ee u dhaxeeya labada dal”.

Daahfurka dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xili ay cirka isku sii shareereyso xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Tehran, kaddib markii Midowga Yurub uu soo bandhigay “qoraalka kama dambaysta ah” ee wadahadallada lagu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka ee fashilmay ee looga dan lahaa in lagu xakameeyo hamiga nukliyeerka ee Iran.

Saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Iiraan ayay tahay inay go'aan ka gaaraan habka ay u wajahayaan saxiixa hindisaha qabyada ah ee arrinta nukliyeerka.