Maxay haweenkan Iiraan u diidan yihiin Xijaabka?

Gabar madaxa qawsatay

Haweenka ku dhaqan dalka Iran ayaa mudaaharaad ka dhigayay sharciga adag ee xijaabka iyagoo meel fagaare ah iskaga siibay xijaabka ama qamaarada sida la dheehan karay muuqaallo ay soo dhigeen baraha bulshada.

"Maya waan diidnay xijaabka qasabka ah! Maanta markii aan shaqada aadayay maa aanan xiran xijaabka si aan u muujiyo inaan ka soo horjeedo sharciga.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa ku booriyay haweenka Iran oo dhan in ay soo bandhigaan muuqaalo muujinaya iyaga oo xijaabka iskaga bixinaya meel fagaare ah oo ay weliba ay iksu soo beegaan12-ka Luulyo, oo ah Maalinta Qaranka ee Xijaabka iyo Sharafta ee Jadwalka rasmiga ah ee Iran.

Tobaneeyo qof ayaa ka jawaabey baaqaasi, inkastoo ay halis ugu jiraan in loo xiro falkan ay ku muujinayeen inay ka soo horjeedaan xijaabka qasabka ah.

Haweenka ku nool gobolada Iran ayaa iska soo duubay muuqaalo oo ay ka soo duubeen jardiinooyinka, wadooyinka magaalada iyo xitaa xeebta, kuwaasi oo muujinaya iyagoo aan xijaabnayn, qaarkoodna ay wataan jaakadaha qabowga iyo surwaalo gaagaaban.

Muuqaalka ay soo bandhigeen kumanaanka qof, ayaa waxaa lagu arkayaa haweeney ku socota meel marin biyood ah, ka hor inta aysan iska bixin xijaabka, oo aysan dhulka ku tuurin.

Telefishinka Qaranka ayaa laga sii daayay xaflad ku saabsan “Xijaabka iyo dhowrsanaanta”, iyadoo lagu soo bandhigay bandhig faneed ay soo sameeyeen haween ku labisan dhar cad cad iyo indho-shareero cagaar ah oo ka turjumaya midabka calanka.

.

Dhanka kale, baraha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay hal-ku-dhig loogu talagalay ololaha kaas oo sidan u qornaa: "Maya macnaheedu waa maya, markan maya niraahno xijaabka qasabka ah waa maya", ayaa si degdeg ah u faafay, iyo sidoo kale qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay wadaagayeen hal ku dhiggan.

Qaar ka mid ah haweenka ayaa si kulul uga hadlay ragga talada haya ee ay u arkaan inay ka masuulka yihiin xaddidida xorriyaddooda shakhsi ahaaneed.

"Waxaad noo aragtaan inaan u adeegno sharaftaada, hantidiinna, waxaad noo aragtaan inaan nahay bani'aadam daciif ah.”

Waxaad nagu khasbaysaan inaan madaxyada daboolno," haweeney u dhalatay waqooyiga Iran ayaa ku sidaasi ku tiri muuqaal ay u dirtay BBC Persian, iyadoo iska bixinaysa xijaabka kamarada horteeda.

Ugu yaraan shan haween ah oo soo bandhigay muuqaalo qeyb ka ah ololihii ugu dambeeyay ayaa la xiray, sida ay sheegtay BBC Persian.

Xaflad xijaab

Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency

Iran waxa ka dhacay dhowr olole oo kuwan la mid ah sanadihii la soo dhaafay iyaga oo wata Hal-ku-dhigyada sida #MyStealthyFreedom iyo #WhiteArbaca, oo ay fulinayeen haween u dagaallamaya xaqa ay u leeyihiin in ay doortaan xirashada xijaabka.

 Balse olole ay dhawaan sameeyeen booliska akhlaaqda ee Iran oo haweenka lagu eedeeyay inaysan u hogaansamin nidaamka lebiska ayaa sababay in dadka kasoo horjeeda arrintaasi ay ku baaqaan in tallaabo laga qaado.

.

Tan iyo 1979-kii ee kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran, haweenka ayaa waxaa sharci ahaan looga baahan yahay inay xirtaan dharka "Islaamka" ee suubban.

 Ficil ahaan, tani waxay la macno tahay in haweenka ay xidhaan maro adag ama xijaab oo gacmahooda daboolaya.

 Qaar ka mid ah ragga reer Iran ayaa sidoo kale ololahan ku taageerayay baraha bulshada, iyagoo ka soo muuqday muuqaallo ay barbar socdeen haweenkii mudaaharaadayay.

 Waxaa la soo bandhigay sawir muujinaya darbiga masjid ku yaalla Tehran oo ay ku xardhan tahay fariinta.

.

Xigashada Sawirka, ISNA

Madaxa garsoorka Iran, Gholamhossein Mohseni Ajeei, ayaa soo jeediyay in quwado shisheeye ay ka dambeeyaan ololaha, isagoo faray hay'adaha sirdoonka inay helaan "gacmaha ka dambeeya arrintan".

 Madaxweyne Ibrahim Raisi ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu gacan bir ah ku qaban doono " musuqmaasuqa abaabulan ee bulshada Islaamka", isagoo si toos ah u tixraacaya ololaha.

 Laakiin haween badan ayaa go'aansaday inay sii wataan mudaaharaadyadooda in kasta oo ay jiraan hanjabaado.

 "Waad na xiri kartaan, laakiin ma joojin kartid ololahayaga," ayay tiri mid ka mid ah haweenka ku jira muuqaal la soo dhigay baraha bulshada."

.