Xijaab: Gabdhaha reer Hindiya ee u dagaalamaya inay xirtaan xijaabka oo laga hor istaagay

Ardaydu waxay sheegeen in aan loo ogolayn inay fasalka galaan

Xigashada Sawirka, Umesh Marpally

Qoraalka sawirka, Ardaydu waxay sheegeen in aan loo ogolayn inay fasalka galaan

Dood ku saabsan xijaabka ayaa sababtay in ay soo kala taagmaan kulliyad haweenka ee gobolka Karnataka ee koonfurta Hindiya iyo gabdho Muslimiin ah wax ka barta.

Lix gabdhood oo dhallinyaro ah oo wax ka baranayay kulliyad ay dowladdu maamusho oo u dhiganta dugsi sare ayaa ku eedeeyay in toddobaadyo laga joojiyay fasallada, sababtoo ah waxay ku adkaysteen inay xirtaan xijaabka.

Machadka waxa uu sheegay in ay kaliya ka codsadeen ardayda in ay iska bixiyaan xijaabka gudaha marka ay ku jiraan fasalka balse ay weli xiran karaan marka ay joogaan meeaha kale jaamacadda. Lixda hablood waxay xirteen lebiska kulliyadda oo dabacsan oo surwaal iyo shaar ah balse waxay codsadeen in madaxa ay dabooshaan oo timahooda asturaan.

"Waxaan leenahay dhowr macalin oo rag ah, waxaan u baahanahay inaan timaha iska daboolno marka ay xiisadda ku jiraan macaalimiintan, waana sababta aan u xirno xijaabka," Almas AH, oo ka mid ah ardayda, ayaa u sheegtay BBC Hindi.

Ma ahan wax aan caadi ahayn in la arko dumar xiran xijaab iyo indho-shareerka - kuwaas oo wejiga iyo jirkaba qariya - gudaha Hindiya, si ay caqiidadooda u soo bandhigaan. Laakiin jawiga sii xumaanaya ee sannadihii u dambeeyay ayaa horseeday in dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ay khatar dareemaan.

Arrintan gaarka ah ee ka taagan Udupi, oo ah mid ka mid ah saddexda degmo ee Karnataka ay ka taagan yihiin arrimaha xasaasiga ah la xiriira nacaybka diimaha kale. Falanqeeyayaasha ayaa inta badan ku tilmaama gobolkan oo ah meel ay ku xooggan yihiin taageerayaasha raysul wasaare Narendra Modi ee garabka midig ee BJP -oo aad moooddaba meel loogu talagalay siyaasadda Hinduuga oo keliya . BJP ayaa sidoo kale awood ku leh Karnataka.

Dhacdooyinka soo noqnoqda ee foojignaanta iyo hadalada nacaybka ee ka dhanka ah muslimiinta deegaanka ayaa sii fogeeyay gefafka diimeed waxayna horseedeen kor u kaca kooxo cod leh oo ay hogaamiyaan dadka laga tirada badan yahay kuwaas oo xaqiijinaya xaqa ay u leeyihiin xoriyada diinta.

Xaaladdan oo kale, tusaale ahaan, machadka wuxuu sheegay in arrintu ay sii murjiyen ka dib markii la sheegay in soo dhexgaleen kooxda Campus Front of India (CFI), oo ah garabka ardayda ee kooxda Islaamiga ah. Ms Almas ayaa sheegtay in aysan xubin ka ahayn CFI balse ay la xiriirtay ururka markii ay kuliyada ka joojisay in ay fasalada galaan.

Machadka ayaa haatan wajahaya xaalad adag

Xigashada Sawirka, Umesh Marpally

Qoraalka sawirka, Machadka ayaa haatan wajahaya xaalad adag

"Waan ka hadalnay warbixinta arrintan ku saabsan," ayuu yiri wasiirka waxbarashada gobolka Karnataka BC Nagesh. "Asal ahaan waa siyaasad, waxaas oo dhami waxay u dhacayaan sababtoo ah doorashooyinku waa sanadka soo socda," Mr Nagesh ayaa ku daray, isaga oo tixraacaya isku dayo ay sameeyeen kooxda Front Popular Front ee garabka siyaasadeed ee Hindiya si ay u helaan aqlabiyadda gobolka xeebta.

Ms Almas ayaa sheegtay markii ay isku dayeen in ay xirtaan xijaabka sanadkoodii ugu horeeyay ee kulliyadda, loo sheegay in waalidkood ay saxiixeen warqad ka hor istaagaysa in ay xirtaan xijaabka.

"Dhamaadkii Disembar, markii aan ku soo laabanay machadka iyagoo xiran xijaab, noo lama ogolaan inaan fasalka soo galno." ayay tiri.

Maamulaha kulliyadda Rudre Gowda ayaa ku eedaysay in lixda dumar ah ay si bareer ah u abuurayeen dhibaatooyin iyo in ardayda Muslimiinta inteeda kale oo ku dhawaad ah ​​70 - aysan wax diidmo ah ka keenin sharciga.

Wuxuu sheegay in markii hore ku dhawaad ​​12 dumar ah ay doonayeen in ay xirtaan xijaabka, balse tirada ay hoos u dhacday kadib markii uu la hadlay waalidiintooda.

"Waxa kaliya ee aan leenahay waa in marka fasalladoodu bilaabmaan ay iska bixiyaan xijaabka," ayuu yiri.

Ma ahan wax aan caadi ahayn in Hindiya lagu arko arday dumar ah oo xijaaban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ma ahan wax aan caadi ahayn in Hindiya lagu arko arday dumar ah oo xijaaban

Waxa uu intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay in macalinka uu arko ardayga wajigiisa, isla markaana uu dareeskaasi ka caawiyay inaysan jirin wax takoor ah oo ardayda dhexdooda ah.

"Ma jiro wax sharci ah oo ku qoran buug ama dukumeenti sheegaya in xijaabka uu mamnuuc yahay, kaliya waxaa naloo sheegay in haddii iyaga loo ogolaado, kuwa kalena ay dalban doonaan inay xirtaan dharka dhaqankooda," ayuu yiri Masood Manna, oo ah madaxa CFI.

Sawirka ardayda ayaa noqday mid faafay

Xigashada Sawirka, Twitter/Ashwan Sadiq

Qoraalka sawirka, Sawirka ardayda ayaa noqday mid faafay

"Waxaan xaq baad u leedahay ama xaq uma lihid, waa wax uu dastuurku ilaalinayo in lagu dhaqo si waafaqsan qodobka 25 [oo damaanad qaadaya xorriyadda diinta]," ayuu yiri.

Mr Raj waxa uu sheegay in ay macquul tahay in macalinku uu rabo in uu ilaaliyo muuqaalka wajiga ardayga si uu u qiimeeyo in ay casharada raacayaan iyo in kale.

"Laakin maamulku kuma adkeysan karo in aan la ogolaan doonin in ardaydu ay timahooda asturaan si ay isku mid u noqdaan, taasi ma ogola Dastuurka, arrintan waxaa ay u badan tahay in lagu xalin doono maxkamad"ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kulamo dhowr ah oo dhexmaray mas'uuliyiinta kuliyada, wakiilo ka socday dowladda iyo ardayda gadoodsan ayaa lagu guul dareystay in lagu xaliyo isfaham-waaga.