Maxay yihiin siraha ku gedaaman ololaha lagu doonayay in lagu qabto madaxweynaha Venezuela?

Xigashada Sawirka, REALDONALD TRUMP
Faahfaahinta ololaha lagu doonayay in xilka looga tuuro Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa toddobaad dhan la soo bandhigayay, hase yeeshee weli waxaa jira arrimo qarsoodi ah oo aan si buuxda loo fahmin.
Macluumaad sirdoon

Xigashada Sawirka, Reuters
Qorshaha hawlgalka ayaa socdey muddo bilo ah, xilli la qorsheynayey lana ururinayay xuuraan amni.
Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa la rumeysan yahay in ay dirtay basaasiin si qarsoodi ah loo adeejiyey.
Maraykanku safaarad kuma laha Venezuela, sidaas darteed Kooxdani waxay ka hawlgalaysay goob aan lahayn xayndaab diblomaasiyadeed, isla markaana loo tixgeliyo waxa dunida sirdoonka lagu yaqaan "aag aan la geli karin". Xubnaha kooxda wardoonka ayaa dalka u galay si ay u asteeyaan bartilmaameedyo una qortaan dad ka caawiya fulinta hawsha.
Mas'uuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in hawlgalku ahaa isha ugu muhiimsan ee laga helay macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Maduro. Waa iska caadi in aqoonsiga ilaha noocan ah si aad ah loo ilaaliyo.
Si kastaba ha ahaatee, isla markiiba waxaa la rumaystay in ilbaad laga helay qof ka tirsan "dowladda", kaas oo yaqiin goobaha iyo waqtiyada, xiriir dhowna la lahaa Maduro, isla markaana si fudud uga mid noqon karay dadka ugu daacadsan ee ku hareeraysan.
Xogta amni ee ku salaysan macluumaadka laga helay dadka deegaanka ayaa qiimeyn la sameeyey ka dib waxaa lagu lifaaqay xogo farsamo oo amni, sida khariidado iyo sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday, si loo qorsheeyo hawlgalka.
Hawlgalka

Xigashada Sawirka, CBS
Cabbirka, xawaaraha, iyo natiijada hawlgalka lama filayn.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Si aan khalad lahayn ayuu u dhacay. Tanina badanaa ma dhacdo," ayuu yiri David Fitzgerald, oo ahaa taliye hore oo CIA-da Latin America u qaabilsanaa, kana shaqeeyay qorsheynta hawlgallada la xiriira milateriga Maraykanka oo intaas ku daray: "Ma ahayn xeelad ciidan midda horseedday guusha hawlgalka, balse waxay ahayd xogta amni ee la aruuriyey," ayuu yiri.
Ugu yaraan 150 diyaaradood ayaa ka qayb qaatay ololahan. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaana ku duulayay jawi aad u hooseeya. Hase yeeshee, weli waxaa jira arrimo dahsoon, sida habka Maraykanku u damiyay korontada si ay ciidamadiisa gaarka ah ugu suurtogasho in ay si qarsoodi ah u galaan caasimadda Caracas.
Madaxweyne Donald Trump oo arrintaas ka hadlayey ayaa yiri: "Waxaan u isticmaalnay daminta layrka Caracas xirfaddeenna gaarka ahtaas oo abuurtay jawi mugdi."
Amaanta ay Taliska Cyber-ka Maraykanku u jeediyeen hawlgalka ayaa abuuray shaki la xiriira in dadka ka tirsan ciidanka sirdoon Maraykanku horey u jabsadeen shabakadaha isgaarsiineed ee Venezuela, islamarkaana ay kala dhantaaleen xogaha gudbiya dhambaalada ku dhisan waqtiga-dhabta ah. Balse sida taasi u dhacday faahfaahin lagama bixin.
Waxaan sidoo kale meesha ka marnayn tuhun ku aadden inuu jiro is-afgaran waa u dhexeeya dhexeeya nidaamyada difaaca hawada ee Shiinaha iyo Ruushka oo Venezuela aad ugu tiirsaneyd.
Waxaase muhiim ah in la ogaado tiknoolajiyada ay Maraykanku adeegsanayaan si ay u taageeraan hawlgalka.
Taliska Hawada Sare ee Maraykanka oo haga dayax-gacmeedyada sirdoonka ee meelaha fogfog wax ka arka, ayaa lagu ammaamay inuu "dhabbaha u xaarey" in ciidammada gaarka ah ay si aan la dareemin u galaan gudaha Venezuela. Waxaana la rumeysan yahay in diyaarado aan duuliye lahayn oo qarsoon (drones) ay sidoo kale ka qayb qaateen hawlgalka.
Dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka horey u qorsheeyay hawlgallada nuucaan ah ayaa si weyn ula fajacay in hawlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyaga oo xusay in guushu marar badan aanay sidii la rabey u dhicin.
Intii hawlgalku socdey waxaa la toogtey mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee mareykanka, balse wuxuu awoodey in uu duullimaadkiisa sii wato, mana jirin askar Maraykan ah oo ku dhintay hawlgalka.
Dowladda Cuba ayaa sheegtay in 32 muwaadin oo Cuban ah lagu diley hawlgalka, ku was oo difaacayey Maduro maadaama labada dal xiriirkoodu wacnaa.
"Waxaa laga yaabaa ilaalada gaarka ah ee Maduro aysan ku jirin wax ciidan Venezuelan ah, kalsoonida u uku qabo oo hooseysey darteed. Balse ay ku sugnaayeen afaafka hore ee aagga amniga," ayuu yiri David Fitzgerald.
Marka la eego Wax qabad la'aanta ciidamada Venezuela, waxaa jira tuhun la xiriira in qaar ka mid ah mas'uuliyiinta nidaamku ay si uun uga qayb qaateen hirgelinta hawlgalka.
Ciidamada Maraykanka ayey u suurtogashay in ay gudaha u galaan guriga Maduro, gaar ahaan qol bir ah oo halkaas ku yiilley, halkaas oo ay si kedis ah ugala soo baxeen xilli uu isku dayayey inuu albaabka xirto balse uusan si buuxda u xirin.
Qorshaha xiga
Hay'adda Sirdoonka Amniga Qaranka ee Maraykanka (NSA) ayaa horey u samaysay qiimeyn qarsoodi ah oo lagu eegayey waxa dhici kara haddii Maduro xilka laga qaado.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in la tixgelinayo dhowr arrimood oo ay ku jirto la shaqeynta nidaamka hadda jira ee Venezuela eeay hoggaamiso Madaxweyne Ku-xigeenka, Delcie Rodriguez. Taas oo la aaminsan yahay in ay keeni karto xasillooni ka wanaagsan tan kooxaha mucaaradka oo aan saameyn weyn ku lahayn dalka gudihiisa.
Si kastaba ha ahaatee waxaa su'aasha ah sababta hawlgalku u dhacay ayaa wax weyn ka tari karta fahamka sababta uu u noqday mid wax ku ool ah iyo waxa uu noqon doono qorshaha xiga.













