Ciidamada Venezuela oo beegsanaya taleefanada shacabka iyo suxufiyiinta

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Alice Cuddy
- Role, reporting from Cúcuta, on the Colombia-Venezuela border
- Author, Vanessa Buschschlüter
- Role, Latin America editor, BBC News Online
Ugu yaraan 14 xubnood oo ka tirsan saxafada ayaa lagu xiray dalka Venezuela isniintii xili ay ka warbixinayeen dhibaatadii ka dhalatay qabashadii ciidamada Mareykanka ay ku qabsadeen hogaamiyihii Venezuela Nicolás Maduro.
Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha warbaahinta ee dalka Venezuela ayaa sheegay in dhammaan dadka la xiray marka laga reebo mid ka mid ah ay u shaqeynayeen hay'adaha wararka ajnabiga ah, waxaana la sii daayay galinkii dambe ee Isniintii, iyadoo hal wariye la masaafuriyay.
Warbaahinta ajnabiga ah ayaa muddo dheer la kulmeysay xannibaado gudaha Venezuela, waxaana aad u yar tirada la siiyay fiisaha looga shaqeeyo dalka.
Xarigooda ayaa yimid iyadoo Delcy Rodríguez loo dhaariyay xilka madaxweynaha ku meel gaarka ah wax yar ka dib waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso maamulka Trump oo sheegay inuu "maamuli doono" Venezuela.
Ururka shaqaalaha ayaa sheegay in shaqaalaha warbaahinta ay ciidamada ammaanka ee Venezuela ku xireen xarunta golaha qaranka iyo nawaaxigeeda, iyo xaafadda Altamira – oo dhamaantood ka tirsan caasimadda Caracas.
Ugu yaraan laba ka mid ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay wakiilo u shaqeynayay wakaaladda sirdoonka ee militariga Venezuela, halka qaar kalena ay xireen ciidamada sirdoonka ee Venezuela.
Waxa ay sheegeen in la baaray qalabkooda, la baaray taleefanadooda, lana akhriyay qoraaladooda iyo fariimaha baraha bulshada ku leeyihiin, ayaa lagu daray qoraalka ururka.
Suxufi Colombian ah iyo wariye Isbaanish ah ayaa sidoo kale lagu xiray xadka Venezuela uu la wadaago Colombia una dhow Cúcuta.
Labada wariye ayaa lagu hayay muddo saacado ah si qarsoodi ah ka hor inta aan dib loogu sii dayn Colombia, ayaa lagu yiri bayaanka.
Ururka shaqaalaha ayaa ku tilmaamay dhacdooyinkan kuwo laga naxo, waxayna ku baaqeen in la sii daayo 23 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta oo weli dalka ku xiran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha bulshada ee xaafadda Petare, ee Caracas, ayaa BBC-da laanta Mundo u sheegay in ay jiraan "rag huwan jaakado koofi leh oo wata qoryo ay gaaf-wareegayeen aagga, iyaga oo hubinaya qoraalada barta WhatsApp-ka ee dadka".
José oo 60 jir ah oo deggan magaalada Caracas, ayaa sheegay in dadku aysan awoodin inay si xor ah uga hadlaan waxa dhacaya, iyadoo booliis iyo millatari xooggan ay waddooyinka joogaan, iyo sidoo kale kooxo hubeysan oo taageersan Maduro, oo loo yaqaan "colectivos", oo wajiyada soo xirtay.
33 jir masaajka ka shaqaysa, oo diiday in magaceeda la sheego, ayaa sheegtay in "cabsi badan ay ka jirto waddooyinka iyo guryaha".
Xubnaha dowladda ayaa u muuqday kuwo doonaya inay muujiyaan in ciidamada ammaanku ay ka dhex muuqdaan bulshada dhexdeeda, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha, Diosdado Cabelo, uu soo dhigay sawirkiisa habeenkii Isniinta oo uu la galay ciidamo hubeysan.
Mid ka mid ah haweenka ayaa ka warantay sida ay gees walba uga sugan yihiin ciidamada iyo kooxo hubeysan oo shacab ah oo taageeraya dowladda kuwaasoo cabsi ku haya shacabka.
Qof kale oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa BBC u sheegay in "Talisku aanu ogolayn in warku ka soo baxo halkan." Waxay intaa ku dareen "waxaa jira ciidamo lebisan oo waddooyinka taagan oo dadka joojinaya oo hubinaya telefoonadooda".

Xigashada Sawirka, Instagram/@Minsjustice_VE
Xariga weriyaha ayaa kusoo beegmaya xilli xaalad kacsanaan ah ay ka jirto dalka Venezuela, halkaasoo maalmo ka hor ay ciidamada Mareykanka ku qabteen hoggaamiyihii dalkaas, Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, kaddib weerar ay aroornimadii hore qaadeen oo lagu dilay tobannaan ka tirsan ilaaladiisa iyo ciidamada ammaanka.
In kasta oo qabsashadaasi ay kicisay damaashaadyo dhex maray dadka reer Venezuela ee ka soo horjeeda Maduro ee ka tagay dalka, ma jirin wax farxad ah oo dadweynaha Venezuela ay soo bandhigeen.
Mucaaradka Venezuela ayaa muddo dheer cambaareynaya cadaadiska ay la kulmaan haddii ay ka hadlaan xukuumadda Maduro.
In ka badan 2,000 oo qof ayaa la xiray intii ay socdeen mudaaharaadyadii ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee 2024-kii.










