Sidee buu go'aankii xiriirka loogu jaray Iimaaraadka u saameyn doonaa hawlihii ay ka wadeen Soomaaliya

Tan iyo dabayaaqadii bishii Diseember ee sanadkii dhammaaday, sida ay sheegaayan dadka ka faallooda xaaladda siyaasadda Soomaaliya waxa ay ahayd mid qasan. Kadib markii uu soo baxay go'aankii ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu ku aqoonsaday jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanidayda ee Somaliland in ay u aqoonsanayaan dal ka gaar ah Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u amb baxay baadigoobka taageerada beesha caalamka sida uu ku sheegay khudbad uu maanta ay baahiyeen madaxtooyada Soomaaliya.
Ka sokow xaaladaas shalay waxa ay golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya kulan ay Muqdisho ku yeesheen ka soo saareen go'aan 'Soomaaliya ay ku burisay dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay dowladda Imaaraatka Carabta', kuwaas oo la sheegay in ay Saameyn doonaan mashruucyada ay dowladdaasi ka wado magaalo xeebeedyada Kismaayo, Berbera iyo Boosaaso.
Kadib warsaxaafadeedkii golaha wasiiradda waxaa soo baxayey qoraallo iyo warxbixinno kasoo horjeeda go'aanka wasiirrada iyo kuwa taageerayba.
Soomaaliland qoraal ay Soo saartay ayey ku sheegtay dekadda Berbera ay iyagu maamulaan Soomaaliyana aysan shaqo ku lahayn.
Sidoo kale, maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa isku mid ah uga falceliyey iyaga oo ku tilmaamay go'aan aan laga fiirsan, halka maamulka Waqooyi Beri Soomaaliya uu taageeray go'aanka golaha wasiirrada.
Hadal jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya

Khudbada Madaxweynaha ayaa ah markii labaad uu la hadlo shacabka muddo shan cisho gudahood ah, isaga oo hore u hadlay jimcihii lasoo dhaafay.
Waxa uu markale ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaaday ee ku aadan siyaasadda dalka. "Tan iyo markii Israa'iil oo xoog ku haysta dhulka reer Falastiin ay ku dhawaaqday go'aankii qar iska tuurka ahaa ee ay qeyb kamid ah gobolada dalkeena ay yiraahdeen dowlad gaar ah ayaan u aqoonsanaynaa, waxaan qaadannay tallaabooyin kala duwan oo la xiriira difaaca, midnimada dalka ee dadka Soomaaliyeed", ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweynaha Soomaaliya.
Balse khudbadda maanta waxa uu sidoo kale, madaxweynaha is-dul taagay mowqifkii shalay ay golaha wasiirrada ay kala noqdeen dowaladda isutagga Imaaraadka Carabta guud ahaan heshiisyadii ay kula jirtay Soomaaliya, isaga oo Imaaraadka ku tilmaamay 'waddan si doc-faruur ah uga adeeganaya gudaha Soomaaliya'.
"Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan oo dhankeena aan u galnay si niyad samaan oo qalbi furnaan ah. Nasiib darro Imaaraadka noo lama dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax banaan, intaas kadib wali maanan deg-degin ee marar badan ayaan ka dalbanay dowladda Imaaraadka inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal oo madax banaan, masuul ah, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayeen dalkeena, iyaga oo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka warhayn DFS, kana dhex fuliya Soomaaliya gudaheeda, kuwaas oo xadgudubna ku ah haybadda iyo qaranimada dalkeena", ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo intaas ku daray in aysan dooneyn in dhibaato soo gaarto qeyb kamid ah bulshada Soomaaliyeed, "waxaa rabaa inaa caddeeyo go'aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeena dhibaato kasoo gaarto" ayuu yiri madaxweynuhu.
Waxa ay ka tiri Puntland
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo shalay warsaxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Puntland lagu sheegay in dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland ay u ogolaanayaan, in ay leedahay mas'uuliyadda "ilaalinta, laalista iyo wax ka beddelka heshiisyada hormarineed iyo amni aan kula jirno shirkadaha yo dowladaha aan saaxiibka nahay ee ka hawl-gala gudaha Puntland". Si aan xog faahfaahsan uga helno waxa ay BBC Soomaali wareysi la yeelatay Cabdifataax Cabdinuur oo ah wasiirul dowlaha madaxtooyada Puntland, waxa uu sheegay go'aanka golaha wasiirradu uu ahaa mid u baahnaa in aad looga fakaro.
"Go'aankii siyaasadeesnaa ee kasoo baxay golaha wasiirada xamar waxa uu ahaa qorshe lagu wiiqayo si toos ah, dedaalka amni ee la dagaalanka argagixisada ee kula jirto Puntland. Waxa uu ahaa qorshe si bareer ah loogu dhabar jabinayey guulihii wanaagsanaa ee waaweynaa ee ciidamada difaaca Puntland ka soo hooyeen dagaalkii argagixsada daacish oo la rabo in lagu cuuryaamiyo dhammaan qaababkiii iyo dalalkii saaxiibada beesha caalamka ahaa ee dedaalka badan ku bixiyey in dadka Soomaliyeed ku guuleestaan dagaalkaas", ayuu yiri Cabdifataax.
Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland waxa uu ku adkeesatay in arrintu ahayd mid u baahnayd wadatashi, dowladda Imaaraadka iyo Sooomaaliduna ay leeyihiin xiriir fog oo ganacsi ah, "markaa ogtahay Taariikhda Soomaaliya ee dhaqan dhaqaale ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo Imaaraadka, oo dadka buqcadaa Puntland degan ay aad ugu xiran yihiin, in ay maal gashatay dhammaanba kabaayaashii dhaqaalaha oo ay ugu horreyso dekadda Boosaaso, in dowladda Imaaraadku cirka iyo dhulkaba ay ka taageereesay dagaalkii aan kula jirnay argagixisada. Marka si lama filaan oo siyaasadeysan oo arxan ku jirin u tiraahdo albaaba haloo laabo, macnaheedu waxaa weeye dhaqaalihii Puntland hala burburiyo, taageeradii ay puntland heleesayna meesha haka baxdo" ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
Dhanka kale, Puntland ayaa DFS ku eedeesay in ay rabto in siyaasadaha ku furan ay kaga mashquusho "waxaad moodda arrintu ahayd mid la doonayey in dowladdu nafis siyaasdeed ka raadiso culeesyada iyada hadda saaran oo ay ugu horrayso go'aankii kasoo baxay Kismaayo oo Madaxweynaha DFS looga fadhiyey inuu aqbalo shirkii dadka Soomaaliyeed ee Kismaayo iskugu tagay usoo jeediyeen si looga tashado aayaha dalka".
Waxa ay ka yiraahdeen dadka Ka faallooda siyaasadda

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabata hawlo kala duwan oo isugu jira kuwa ganacsi, amni, adeegyo gargaar bini'aadannimo iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.
Sidoo kale, waxaa Soomaaliya ka shaqeeya hay'ado iyo shirkado ganacsi kuwaas oo mashaariic ka fuliya gudaha dalka. Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq oo hore tifaftire uga soo noqday laanta af-Soomaaliga ee BBC, haddeerna ah falanqeeye Arrimaha Siyaasadda Geeska Afrika oo BBC-da u warramay ayaan weydiinay waxa ay noqon karto falcelinta ka timid maamullada qaar, "in dowladda Somaaliya go'aan kasoo saartay go'aan sahlan maaha, go'aan indho l'aanna maaha, dabcan waa go'aan ay ka fiirsadeen, ciddii u beddeli lahayd ay ka baaraan dageen, tan kalena, iyaga xiriir diblomaasiyadeed ma jirin, laakiin waxaan isleeyahay waxa ay war sugayaan tallaabooyinka ay qaadi doonaan dhinacyada kale Imaaraadka inay ku kaban yihiin iyo Imaaraadka laftirkooda", ayuu yiri Cabdullaahi, isaga oo intaas ku daray in go'aanka noqon karo mid lagu eegayey tallaabada ay qaadi kari karaan isaga oo yiri "Dabcan Jubbaland iyo Puntland waaba hadleen, weyna sheegeen in ay ku mintidayaan Imaaraadka, marka taas laftirkeeda in ay goa'aankaas raadinaayeen ayaa laga yaabaa dowladda federaalka oo noocan uu shirqool ahaa si dowlado iyo dhinacyo kale meesha usoo galaan oo dagaal wakaaladeedkii markii Israa'iil aqoonsatay Soomaaliland ayaa meesha ka muuqda".

Xigashada Sawirka, X
Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo haatan falanqeeya arrimaha Soomaalida oo la hadlay BBC ayaa soo dhoweeyay go'aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraatka Carabta, isaga oo sheegay inuu ahaa mid soo daahay marka la eego sida ay u dhaqmayeen Imaaraatka.
''Waa go'aan sax ah waa go'aan soo daahay marka la fiiriyo sida ay Imaaraatku Soomaaliya ama dalal badan oo Soomaaliya lamid ah ula dhaqmayeen marka la fiiriyo khatarta ay Soomaaliya ku hayaan waxa ay ahayd go'aan ay mar hore in la qaato ay tahay''
Wasiir Cawad ayaa sheegay inay arrin kale tahay awoodda ay dowladu u leedahay in Boosaaso iyo Berbera uga mamnuucdo Imaaraatka, laakiin ay tahay in qarinamada Soomaaliya laga difaaco qofkii dhib ku haya.
''Go'aanku sida uu u fulayo xukuumada hadda jirtaa ay u fulin karayso oo ay u leedahay awood ay uga mamnuucdo Imaaraatka Boosaaso iyo Berbera waa arrin kale. Lakiiin ugu yaraan sharci ahaan iyo niyad ahaan waa ahayd in laga difaaco qaranimada Soomaaliya qofkii dhib ku haya".
Kaabayasha dhaqaale ee magaalooyinka ay Imaaraadku ka fuliyaan mashaaricdoodu waxa ay ku yeelan doontaa saamayn taban taas oo hoos u dhigi karta dhaqaalaha dadka ku tiirsan, Cabdillaahi Sheekh ayaa ku tilmaamy in ay adkaan doonto sii wadidda shaqoooyinka ay ka hayaan goobahaas, haddii uu dhaqan galo go'aankan.
"Haddii dolwadaha Islaamka ah ay si dhab ah usoo galaan arrintaan, dowladda Soomaaliyana ay kula heshiiso in Imaaraadka meelaha ay joogaan dhan laga saaro xoog iyo xeelad waxa ay noqotaba, waxaa isleeyahay Imaaraadka Carabta waa ku adkaan doontaa in ay sii ka sii hawl-galaan gobolladaas sharci ahaan ay Soomaaliya uga tirsan dhab ahaan markaa dhahnana ah gobolo madax banaan, gaar ahaan Turkida iyo Sacuudiga haddii ay meesha soo gaalaan oo Imaaraadkana muddo loo qabto".
Dhanka Imaaraadka Carabta, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay illaa iyo hadda, marka laga reebo Shirkadda DP World ayaa sheegtay in hawlihii dekedda Berbera ay u socdaan si waafaqsan heshiisyadii hore u jiray, iyada oo ku baaqday in "Go'aannada siyaasadeed, wadaxaajoodyada dalalka dhex maraya, iyo mowqifyada diplomaasiyadeed loo diro maamullada ay khusayso". hadalkaan ayaa lagu sheegay qoraal ay daabacday Wakaaladda wararka ee Reuters.













