Warar dheeraad ah oo laga helayo qaabkii ay basaasiinta iyo kumaandooska Maraykanka u qabteen Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo bilo ah, sirdoonka Mareykanka ayaa si dhow ula socday tallaabo kasta iyo dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro.
Waxay ahayd koox yar oo basaas ah, oo kaashanaysa ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Venezuela. Waxay raacayeen dhaqdhaqaaq kasta oo Maduro oo 63-jirka ah uu sameyn jiray, waxayna ogaayeen meesha uu seexdo, waxa uu cuno, waxa uu xirto, iyo, sida ay mas'uuliyiin sare oo militari u sheegeen, xataa "xayawaankiisii uu jeclaa" guriga u joogay.
Markii dhammaan xogtii sirdoon la ururiyey, tallaabada xigtay waxay ahayd in la dhammeystiro qorshaha lagu qabanayo. Tani waxaa la fuliyey horraantii December 2025, iyadoo hawlgal militari oo si taxaddar leh loo qorsheeyey, laguna magacaabay "Absolute Resolve", la hirgeliyey.
Tallaabadan waxay ahayd natiijada bilo qorsheyn ah iyo tababaro militari oo ballaaran, kuwaas oo ay ku jireen ciidamo gaar ah.
Askartu xitaa waxay dhiseen guri si sax ah ula mid ah guriga si adag loo ilaaliyo ee uu Maduro ku noolaa magaalada Caracas, si ay ugu tababartaan sida ay u weerari lahaayeen, u xiran lahaayeen, uguna kaxaysan lahaayeen, halkaasi.
Hawlgalka — kan ugu weyn ee Mareykanku ka fuliyo Latin America tan iyo Dagaalkii Qaboobaa — waxaa uu ahaa mid si aad ah loo qariyay. Golaha Congress‑ka Mareykanka lama wargelin mana lala tashan.
Tan iyo horraantii December, hoggaamiyeyaasha militariga Mareykanka iyo hay'adahooda sirdoon waxay sugayeen waqtiga iyo duruufaha ku habboon ee lagu qaadi karo weerarka. Trump wuxuu siiyey oggolaansho in la qaado tallaabada afar maalmood ka hor, balse waxay sugeen in cimiladu inay noqoto mid degan iyo in daruuraha culus ay kala firdhaan.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Xigashada Sawirka, Donald Trump / TruthSocial
"Nasiib wacan"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii amarka ugu dambeeya ee duullaanka la bixiyey habeenkii Jimcaha, waxa xigay hawlgal socday laba saacadood iyo labaatan daqiiqo, lagana fuliyey hawada, dhulka, iyo badda.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Mareykanka, in ka badan 150 diyaaradood oo militari — kuwa awood u leh fulinta howlaha sirdoon, tuurista gantaallo culus, iyo diyaaradaha dagaalka — ayaa hawada ku sugnaa intii hawlgalka socday.
Dadka Caracas waxaa habeenkii ku tooseen qaraxyo xoog leh oo cirka ka soo dhacaya saacaddu markay ahayd 8:00 pm, taasoo u dhiganta 9:00 subaxnimo waqtiga Bariga Afrika.
Intii duqeynta Mareykanku ay sii wadeen bartilmaameedsiga goobo kala duwan oo milateri oo Venezuelan ah si ay uga hortagaan in ciidanka qaranka joojiyaan weerarrada Mareykanka, kooxo khaas ah oo ka tirsan Delta Force ayaa weeraray hoyga Maduro, wayna qabteen, kadibna ka kaxeeyeen ka dib markii ay iska hor imaad yar kala kulmeen ilaaladiisa gaarka ah.
Trump ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee xaqiijiya weerarka iyo qabashada Maduro iyo xaaskiisa, kuwaas oo lagaga qaaday Venezuela helikopter kadibna lagu geeyey markab dagaal dushiisa, ugu dambeyntiina loo duuliyay New York halkaas oo isniintii maxkamad lagu soo taagay.

Xigashada Sawirka, Donald Trump / TruthSocial
Trump kalama socon hawlgalkan qolkii xaaladdaha degdega (situation room) ee Aqalka Cad. Trump wuxuu si toos ah uga daawaday weerarka gurigiisa Mar-a-Lago, wuxuuna yiri: "Waxay ahayd wax aad u xiiso badan in la arko, waxayna la mid ahayd daawashada filim."
Madaxda kale ee la joogay eela daawanayay dhacdada waxay ahaayeen Agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio.
Bilihii u dambeeyey, kumanaan askarta Mareykanka ah ayaa lagu daabacay gobolka, iyaga oo ku biiray maraakiib diyaaradaha qaada iyo toban marka oo kale oo — taasoo ka dhigeysa hawlgalka militariga mid ka mid ah kuwii ugu ballaarnaa tobanaan sano.
Trump waxaa uu Maduro ku eedeeyey ka ganacsiga daroogada iyo argagixiso, islamarkaana waxaa uu burburiyey tobonaan doomo yaryar oo lagu tuhmayo inay daroogo u sii gudbinayeen gobolka.
Laakiin calaamadaha ugu horreeya ee hawlgalka waxay ka muuqatay hawada. In ka badan 150 diyaaradood — oo ay ku jiraan diyaaradaha tuura gantaallada, diyaaradaha dagaalka, iyo diyaaradaha sirdoonka — ayaa habeenkii loo daabulay halkaasi, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Mareykanka.
"Waxay ahayd hawlgal aad u casri ah, aad u adag, dhammaan aqoonta, dejinta, tirada diyaaradaha," ayuu Trump u sheegay Fox News. "Waxaan haynay diyaaradaha dagaalka oo diyaar u ahaa inay wax ka qabtaan xaalad kasta."
Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay Caracas qiyaastii saacadu markay ahayd 8:00 waqtiga maxaliga ah, waxaana cirka isku shareeray uuro weyn oo qiiq ah. Sidoo kale warbaahinta caalamiga ah iyo dad goob‑joogayaal ah ayaa ku waramay dhawaqyo xoog leh oo qaraxyo ah iyo uumiga qiiqa oo sare u kacaya ka dibna buuxiyey magaalada.
Intii qaraxyada ay ka dhacayeen Caracas, ciidamada Mareykanka ayaa gudaha u galay dalka. Ciidamadaas waxay ahaayeen Delta Force, oo ah unug ka tirsan ciidamada gaarka ah ee fuliyo hawlgallada heerka sare ah, sida ay mas'uuliyiinta u sheegeen warbaahinta.
Waxa ay ahaayeen ciidamo si aad ah u hubeysan — waxay wateen qalab ay ka mid yihiin biraha culus ee lagu jabin karo albaabada birta ah haddii loo baahdo in ay gaaraan meesha uu ku dhuumanayo Maduro.
Ciidamadu waxay gaareen xarunta Maduro wax yar kadib markii weerarku bilaabmay habeenkaas, sida uu sheegay Janaraal Caine. Trump ayaa yiri: " Horey ayay noo sugayeen. Waxay ogaayeen inaan imaaneyno."

Xigashada Sawirka, Donald Trump / TruthSocial
Ciidamada waxay la kulmeen dagaal marki ay yimaadeen, waxaana hal helikobter la gaarsiiyay waxyeelo laakiin weli way awooday inay duusho. "Ciidamadii loo xil saaray qabashada Maduro waxay gaareen xaruntiisa si xawaare iyo xirfad badan leh," ayuu yiri Caine.
"Waxay galeen meel aan sahlaneyn in la gaaro, waad ogtahay, albaabo bir ah oo la dhigay halkaasi," ayuu Trump yiri.
Intii howlgalkii lagu qabanayey Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores uu socday, Rubio wuxuu bilaabay inuu ku wargaliyo xubnaha sharci dejinta, taasoo keentay in qaar ka mid ah xildhibaanadu ay ka caroodeen.
Rubio ayaa u sheegay wariyeyaasha Sabtida in wargelinta Congress-ka ka hor hawlgalku ay halis gelin lahayd guusha howlgalka. "Congress waxay caado u leeyihiin inay xogta dusiyaan," ayuu Trump dhankiisa ku daray. "Ma ahaan lahayn fikrad wanaagsan."
Markii ay ciidamada Mareykanku galeen hoyga Maduro, Trump wuxuu sheegay in Madaxweynaha Venezuela — oo la sheegay in dhowaanahan ay sugayeen ilaalo ka yimid Cuba — uu isku dayay inuu u cararo qol ammaan ah, balse uusan awoodin inuu albaabka xiro ka hor intaan la qaban.
"Wuxuu isku dayayay inuu u cararo meel ammaan ah, taasoo aan ammaan ahayn sababtoo ah albaabka waxaa la jebin lahaa 47 ilbiriqsi gudahood," ayuu Trump yiri.
"Wuxuu gaaray albaabka. Ma uusan awoodin inuu xiro. Si aad u dhakhso badan ayaa loo qabatay intii uusan gelin qolkaas," ayuu yiri.
Markii la weydiiyey haddii Mareykanku uu dili lahaa Maduro, hogaamiyihii kali‑taliska ahaa ee xukunka qabtay 2013‑kii, haddii uu diidi lahaa in la xiro, Trump wuxuu yiri: "Taasi waa la samayn lahaa."
Dhinaca Mareykanka, "askar dhowr ah ayaa la toogtay," ayuu yiri, balse midkoodna lama dilin.
War ka soo baxay wasiirka gaashaandhiga Vladimir Padrino ayaa sheegay in tira badan oo ka mid ah ilaaladii Maduro iyo askar iyo dad rayid ah lagu dilay howlgalkii Mareykanka.
Mareykanku wuxuu hore u sheegay abaal‑marin dhan $50 milyan ciddii keenta macluumaad horseedi kara qabashada Maduro, taasoo ahayd mid ka mid ah abaal‑marinnada ugu badan ee lagu bixiyo hoggaamiye shisheeye oo x xukunka haya.
Laakiin marka la gaaray 4:20 galabnimo Sabtidii, helikobtarradii waxay ka baxeen Venezuela iyaga oo sidday Maduro iyo xaaskiisa, iyagoo hoos imaanaya ilaalinta Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka, una jihaysan New York halkaas oo maxkamad la soo taagay.
Qiyaastii saacad ka dib, Trump ayaa ku dhawaaqay warka ku saabsan qabashada Maduro. "Maduro iyo xaaskiisa waxay dhowaan wajihi doonaan awoodda buuxda ee sharciga Mareykanka," ayuu yiri.










