Shan calaamadood oo muujinaya in Putin uu isu diyaarinayo dagaal ballaaran oo uu Yurub ku qaado

Laga soo bilaabo dhoola tuska militariga Ruushka oo u dabaaldegaya Maalinta Guusha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar ka mid ah wargeysyada caalamka ayaa waxay qoreen, maqalo ku saabsan calaamado muujinaya in uu Ruushka u diyaargaroobayo duulaan uu ku ekeeyo Yurub.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa daabacay maqaal uu ciwaan uga dhigay "Shan calaamadood oo muujinaya in Putin uu isu diyaarinayo dagaal ballaaran oo ka dhaca Yurub,"

Waxaa maqaalka arrintan kaga hadlaya Robert Fox, oo tilmaamay shanta calaamadood ee soo socota.

Calaamadda ugu horreysa, sida uu qoraagu sheegay, waa qorshayaasha la shaaciyey ee lagu doonayo in ciidammada kaydka ah loo yeero si loogu diro furimaha dagaalka, iyadoo la tixgelinayo khasaaraha bani'aadamnimo ee aadka u weyn. Qoraaga maqaalka ayaa tilmaamay in qiyaastii 400,000 dagaalyahan ay ku dhinteen sannadkii la soo dhaafay oo keliya.

Fox wuxuu aaminsan yahay in Putin laga yaabo inuu ka fiirsanayay bilaabista ciidan cusub oo ka kooban 1.5 milyan oo dagaalyahanno ah muddo laba sano gudahood ah, isla markaana hoggaamiyaha Ruushku u muuqdo mid diyaar u ah inuu waayo qayb weyn oo ka mid ah ciidankaas.

Putin

Xigashada Sawirka, Reuters

Calaamadda labaad waa in gantaallada Oreshnik hypersonic ee leh awood nukliyeer oo suurtagal ah loo daabulay Belarus, kuwaas oo loo jeediyey dhanka Yurub, inkastoo hubkan aan weli la tijaabin.

Calaamadda saddexaad waa kordhinta cadaadiska Ruushka ee lagu hayo dalalka Baltiga, gaar ahaan Latvia, halkaas oo dadka Ruushka ahi ay ka yihiin qiyaastii rubuc ka mid ah dadka dalka.

Latvia hadda waxay la kulmeysaa dhaqdhaqaaq xooggan oo dhinaca borobogaandada Ruushka iyo dadka galaangalka leh, iyadoo sidoo kale Ruushku dhowaan bilaabay dhismaha waddooyin aada xuduudihiisa kala dhexeeya Latvia iyo Estonia.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Calaamadda afraad waa samaynta hanjabaado aan caddayn iyo cadaadis lagu saarayo dalalka safka hore ee NATO, oo ay ka mid tahay ku riixidda muhaajiriin iyo qaxooti aan la rabin xuduudaha Finland, iyo sidoo kale falal qas iyo minjaxaabin ah oo lagu bartilmaameedsaday goobaha xuduudaha ee Norway iyo Estonia.

Calaamadda shanaad waa xoojinta hawlaha biyaha hoostooda ee waxa loo yaqaan "Agaasinka Guud ee Ruushka ee Cilmi-baarista Deep-Sea" oo xiriir la leh Wasaaradda Difaaca.

Madaxwaynaha Ruushka waxaauu dhanka akle dhawaan sheegay in uusan Ruushka duullaan ku ahayn Yurub, balse uu diyaar u yahay haddii ay dagaal doonayaan .

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu dagaalka sii wado si uu u gaaro dhammaan yoolashiisa, haddii Ukraine aysan oggolaan heshiis.

Wuxuu hadalkan ka sheegay Shiinaha kadib markii uu ka qeyb galay dabaaldeg milatari oo weyn, taasoo loo arkay fariin toos ah oo liddi ku ah Donald Trump iyo nidaamka caalamiga ah ee Mareykankau hoggaamiyo.

Dalalka Yurub ayaa waxay walaac ka qabaan Ruushka ka dib duullaankii Ukraine.

Mareykanka ayaa imika wada qorsha uu ku donayo in lagu so afjaro dagaalka dalka Ukraine.

Balse qorshahani ayay dalalka Yurub iyo Ukraine u arkaan in uu yahay mid u xaglinaya Ruushka.

Qorshahan waxaa ka mid ah in qeybo ka mid ah dalka Ukraine lagu wareejiyo Ruushka.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalka Yurub waxa ay dalalka Yurub kordhiyeen miisaanaydooda difaaca iyaga ka cabsi qaba in Ruushka uu ku ekaan waayo Ukraine.

Waxay dhanka kale ay dalalka Yurub ay sii wadaan culeyska dhaqaale iyo cunaqabateynta ay ku hayaan Ruushka.