"Waqtiga xiga iyo Moscow?: Afar arrimood ka ogow shirkii Trump iyo Putin ee Alaska

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Kulankii heerkiisu sareeyay ee dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa loo arkayay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo nabad dagaalka Ukraine.
Laakiin iyadoo aan wax xabbad-joojin ah la gaarin iyo casuumaad loo diray Moscow, kulankii qaatay ku dhawaad saddex saacadood ee labada hoggaamiye ayaa keenay su'aalo ka badan jawaabaha.
Afar qodob oo muhiim ah oo laga soo qaatay shirwaynaha Alaska.
Putin oo si weyn loogu soo dhaweeyay masraxa caalamka iyadoo roog cas loo dhigay

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii Madaxweyne Vladimir Putin uu soo degay dibna ugu soo laabtay masraxa caalamka Jimcihii, cirka Alaska waxa uu ahaa mid daruuro leh. Waxa garoonka ciidanka ee Joint Base Elmendorf-Richardson oo roogga cas loo dhigay ku sugayey Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Markii Putin soo dhowaaday, Trump wuu sacbinayay. Labada hoggaamiye waxay si diirran isugu gacan qaadeen iyagoo dhoola cadaynaya.
Waa waqti xusuus leh oo muhiim u ah Putin – hoggaamiye ay inta badan waddamada reer Galbeed go'doomiyeen tan iyo markii Moscow ay bilowday duullaanka buuxa ee Ukraine sanadkii 2022-kii. Socdaalkiisa caalamiga ah tan iyo markaas wuxuu u badnaa dalalka saaxiibka la ah Ruushka, sida Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus.
Xaqiiqda ah in shirkii Alaska uu dhacay gabi ahaanba waxay ahayd guul u soo hoyatay Putin. Laakin soo dhawayntan waxay ka sarreysay xitaa riyooyinka la maleysan karo ee Kremlin-ka. Muddo lix bilood gudahood ah, Putin waxa uu ka soo baxay go'doomin caalami ah ilaa lagu soo dhaweeyo dhulka Mareykanka sida la shaqeeye iyo saaxiib rasmi ah.
Si loo soo gunaanado, daqiiqad aan la qorsheyn, Putin waxa uu go'aansaday inuu raaco gaariga gaashaaman ee Trump halkii uu ka raaci lahaa baabuurkiisa gaarka ah ee sita taarikada Moscow.
Markii baabuurku dhaqaaqay, kaamiraduhu waxay si dhow u qabteen Putin oo kursiga danbe fadhiya oo qoslaya.
Putin oo wajahay su'aalo aan waligiis la waydiin
Muddada 25-ka sanno ah ee uu yahay madaxwyenaha Ruushka, Putin wuxuu ku guuleystay gabi ahaanta inuu xakameeyo saxaafada, isagoo burburiyey xoriyada saxaafada kuna baddelay xoggo borobogaando ah. Gudaha Ruushka inta ma dhacdo , hadii ay dhacdana ma yimaadeen wariyaal aan saaxiib la ahayn oo ka soo horjeeda.
Hase ahaatee daqiiqado uun ka dib markii uu ka degay Alaska ayaa mid ka mid ah saxafiyiintii goobta joogay oo ku qaylineysay: "Ma joojinaysaa dilka dadka rayidka ah?" Muusan muujin in su'aashu dhibtay oo waxaa laga dheehan karay muuqaalkiisa in uu la yaabanyahay qaylda wariyaasha iyo in aanu fahmin su'aasha.
Intii lagu guda jiray sawir qaadista, su'aalo badan ayaa lagu qayliyey oo ay ku jirtay mid Ruushiyaan ah oo ahayd ma laga yabaaa inaa la kulanto madaxwyne Zelensky, shir madaxeed saddex geesood ah. Mar kale ma jirin falcelin dhaafsiisan dhoola cadayn oo ka timi madaxwyenaha Ruushka.
Maxaa laga yiri markii ay dhamaadeen wadahadallada oo filasho weyn laga qabay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta caalamka ayaa isugu timid qolka ay ku sugnaayeen Putin iyo Trump, waxaana la filayay shir jaraa'id. Laakiin taa beddelkeeda, labada hoggaamiye waxay jeediyeen hadallo kooban iyaga oo aan wax su'aalo ah ka aqbalin wariyeyaasha.
Si aan caadi ahayn, Putin ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee hadla. Wuxuu ammaanay "jawiga wax-ku-oolka ah ee is-ixtiraamka leh" isagoo wadahadallada ku tilmaamay kuwo "darisnimo ah", kadibna wuxuu bilaabay taariikhdii hore ee Alaska oo horey uga tirsanaan jirtay dhulka Ruushka.
Intii uu Putin hadalka waday, Trump wuxuu taagnaa isagoo aamusan. Waxay qaadatay dhowr daqiiqo ka hor intii aanu madaxweynaha Ruushku xusin waxa uu ugu yeeray "xaaladda Ukraine" – taasoo ahayd sababta rasmiga ah ee kulanka loo qabtay. Markii uu arrintaas xusay, wuxuu sheegay in inkastoo "heshiis aan faahfaahin laga bixin" la gaaray, haddana "asal ahaan ay tahay in meesha laga saaro wixii keenay dagaalka, ka hor inta aan la gaarin heshiis nabadeed.
Erayadan waxay ka dhignaan karaan digniin halis ah oo ku socota Kyiv iyo caalamka intiisa kale. Tan iyo markii uu dagaalku billowday, weedhan ayaa astaan u noqotay dalabyo adag oo aan la aqbali karin, kuwaasoo Putin uu sheegay inay hor taagan yihiin xabbad-joojin.
Dalabyadaas waxaa ka mid ah in la aqoonsado madaxbanaannida Ruushka ee gobollada Ukraine ee Crimea, Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson, iyo sidaas oo kale Ukraine ay oggolaato in hub ka dhigis ayna noqoto dhexdhexaad, aysanna ciidan shisheeye u oggolaan dalkooda, iyo in doorashooyin cusub la qabto.
Sida dhabta ah, arrimahaan waxay la mid yihiin is-dhiibid buuxda – taasoo Kyiv ay si cad u diiddan tahay, balse weli – xitaa kadib saddex sano iyo bar oo dagaal dhiig badan ku daatay – ahmiyad sare ayay u leedahay Moscow.
Markaas kadib, waxaa caddaatay in wax heshiis ah aanu jirin.
"Waqtiga xiga iyo Moscow - Putin wuxuu si dhif ah ugu hadlay luuqadda Ingiriiska
Shir madaxeedka ayaa ku guuldareystay inuu keeno wax horumar ah oo la taaban karo oo laga gaaray nabadda Ukraine, laakiin wuxuu xoojiyay isku soo dhawaanshaha Ruushka iyo Mareykanka.
Sawirrada labada madaxweyne oo marar badan is gacan qaadaya oo dhoola cadeynaya ayaa si aad ah ugu faafay baraha bulshada – sidaas oo kale sawirro muujinaya askar Mareykan ah oo jilbaha dhulka u dhigaya iyaga oo u goglayay roogga cas markii uu diyaaradda ka soo degayay Putin.
Kahor inta uusan dhammayn hadalkiisa, Putin wuxuu xusay mid ka mid ah hadallada ugu badan ee Trump ku celceliyo – in colaadda Ukraine aysan bilaateen haddii uu Trump xukunka hayn lahaa.
Inkasta oo Trump uu ku dooday "in horumar weyn la gaaray", wax la taaban karo lama shaacin intii uu socday shirkan – si kastaba, labada hoggaamiye, waxey kala tageen iyadoo uu furanyahay albaabka wadahadalka oo markana ciidda Ruushka ka dhici kara.
"Waxaan u malaynayaa inaan mar kale si dhow kuula kulmi doono," ayuu yiri Trump.













