Ruushka oo Trump ku tilmaamay in uu iska 'qiirooday' kaddib markii uu 'waalli' ku sheegay Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii hore, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu dagaalka Ukraine ku joojin doono "24 saacadood" gudahood.
Usbuucii tegay, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan xallismi doonin ilaa isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay si fool-ka-fool ah isu arkaan oo ay si wadajir ah uga wadahadlaan.
Isniintii, mowqifkaasi wuu isbeddelay.
Kadib markii uu laba saacadood taleefan kula hadlay Putin, Trump wuxuu sheegay in xaaladaha heshiiska nabadeed kaliya laga wada xaajoon karo inta u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine – waxaana laga yaabaa in uu ka qeyb qaato Baadariga Vatican-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka weli kama ay lumin rajado uu ka qabo nabadda, isagoo baraha bulshada ku qoray in dhinacyadu "si degdeg ah u bilaabi doonaan" wadahadallada xabbad-joojinta lana dhammayn doono dagaalka.
Hadalkaasi waxa uu waxyar ka duwan yahay mowqifka Ruushka. Putin wuxuu kaliya sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Ukraine si loo diyaariyo "heshiis nabadeed oo suurtagal ah mustaqbalka".
Wadahadallada ku saabsan "mustaqbalka nabadeed ee suurtagalka ah" ma laha sal adag oo lagu gaadhi karo heshiisyo waara oo degdeg ah.
Putin waxa uu mar kale ku celiyay in xal kasta oo la gaadho uu noqonayo mid wax ka qabta "asal ahaan sababaha dagaalka" – kuwaas oo Ruushku horay u sheegay inay yihiin doonista Ukraine ee xidhiidh dhow la yeelashada Yurub.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump, isaga oo ka hadlaya barta baraha bulshada ee Truth Social kadib wicitaankii dhexmaray labadooda, wuxuu sheegay Ruushka iyo Ukraine ay "si degdeg ah u bilaabi doonaan wadahadallo ku saabsan xabbad-joojin", isagoo raaciyay in "shuruudaha arrintaas ay labada dhinac ka wada xaajoon doonaan."
Laakiin waxaa jirta suurtagalnimo ah in hadalkii ugu dambeeyay ee Trump ee ku saabsan dagaalka Ukraine uu noqon karo calaamad muujinaysa in Mareykanku ugu dambeyn ka hadhayo miiska wadahadalka.
Dabayaaqadii Isniinta, Trump wuxuu sheegay inuusan ka hadhin fududeynta wadahadallada labada dal, balse wuxuu qiray inuu "meelo lama taabtaan maanka ku hayo."
"Dad aad isula waaweynna ay arrinta ku lug leeyihiin, laakiin waxaan filayaa in wax dhacayaan," ayuu yidhi. "Haddii aysan dhicin, aniga waan ka hadhayaa, iyaguna waa inay sii wadaan."
Haddii Mareykanku uu gacmaha kala baxo dagaalka, sida uu horay u hanjabay Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ma waxay ka dhigan tahay in Mareykanku sidoo kale joojin doono taageerada milatari iyo sirdoon ee Ukraine?
Haddii taas la sameeyo, waxaa dhici karta in Ruushka — oo haysta kheyraad badan marka la barbardhigo Ukraine oo laga jaray taageerada Mareykanka — uu si weyn u soo dhaweeyo isbeddelkaas.
Arrintan ayaa dhanka kale walaac ku ah Madaxweynaha Ukraine, Volodomyr Zelensky.
"Waxa muhiim inoo wada ah ayaa ah in Mareykanku uusan iska fogeyn wadahadallada iyo dadaallada nabadeed," ayuu yidhi Isniintii kadib wicitaankii Trump iyo Putin.
Isagoo ka hadlayay New Jersey fiidnimadii Axadda, Trump wuxuu Putin ka sheegay: "Waan aqaan muddo dheer, mar walbana waan is fahmaynay, balse hadda wuxuu gantaallo u adeegsanayaa magaalooyin, wuxuuna dilayaa dad, taasna anigu gabi ahaanba ma jecli."
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka fiirsanayo kordhinta cunaqabataynta Mareykanka ee Ruushka – arrin uu marar badan horay ugu hanjabay.
Trump wuxuu si degdeg ah u baahiyey qoraal uu ku tilmaamay "waalli", isagoo ku qoray baraha bulshada ee Truth Social: "Mar walba waxaan iri Putin wuxuu rabaa Ukraine oo dhan, ma ahan kaliya qayb ka mid ah, waxaana laga yaabaa in taas ay hadda run noqoneyso, laakiin haddii uu sidaas sameeyo, waxay sababi doontaa burburkii Ruushka!"
Laakiin madaxweynaha Mareykanka wuxuu sidoo kale hadallo adag u jeediyay Zelensky, isagoo sheegay in uusan dalkiisa wax dan ah u wadin marka loo eego sida uu u hadlayo.
"Wax kasta oo ka soo baxa afkiisa waxay keenayaan dhibaatooyin, taasna anigu ma jecli, waana in uu joojiyaa," ayuu Trump ka yihdi Zelensky.
Kremlinka ayaa sheegay in Donald Trump uu muujinayo "xad-dhaaf xagga shucuurta ah" kadib markii uu Vladimir Putin ku tilmaamay mid "waalan gebi ahaanba", taasoo timid kadib weerarkii cirka ee ugu weynaa ee Moscow ay ku qaaday Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku qoray Truth Social Axaddii in "wax la yaab leh ay ku dhaceen" Putin, kadib markii Ruushku uu 13 qof ku dilay Ukraine isagoo adeegsanaya 367 diyaaradood iyo gantaallo. Trump wuxuu yidhi: "Wuxuu noqday mid waalan gebi ahaanba. Wuxuu si aan loo baahnayn u dilayaa dad badan."
Afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in hadalladaasi "ay la xidhiidhaan xad-dhaafka shucuurta ee ku dhacay dhammaan dadka ku lugta leh arrintan."













