Israa'iil oo wajaheysa 'duufaan' diblomaasiyadeed iyo Trump oo 'yamta u galay'

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciwaanka wargeyska maalinlaha ah ee xorta ah ee Israa'iil Ha'aretz ee todobaadkan ayaa si adag u dhigay: "Tsunami dublamaasiyadeed ayaa soo dhow," ayuu ka digay, "iyada oo Yurub ay bilaabayso inay ka hortagto 'waallida buuxda' ee Israa'iil ee Qasa."

Weerarkii dublamaasiyadeed ee toddobaadkan waxa uu yeeshay wajiyo badan, oo aan dhammaantood hore loo sii saadaalin.

Laga soo bilaabo cambaareynta wadajirka ah ee caalamiga ah ee ficillada Israa'iil ee Qasa, ilaa dilkii naxdinta lahaa ee lagu dilay laba dhallinyaro ah oo ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Israa;iil ee Washington, tani, haddii aan si fudud u dhigno, waxay dowladda Yahuudda u ahayd toddobaad qallafsan.

Mowjadaha ayaa caga-dhigtay xeebaha Israa'iil fiidnimadii Isniinta, markii Britain, Faransiiskaiyo Canada ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku cambaareynayaan ficillada "xun" ee Qasa.

Saddexduba waxay ka digeen suurtagalnimada "ficillada kale ee la taaban karo" haddii Israa'iil ay sii waddo weerarkeeda millatari ee soo cusboonaaday oo ay ku guuldareysato inay qaaddo xayiraadaha gargaarka bini'aadannimo.

Waxay sidoo kale ku hanjabeen "cunaqabatayn lala beegsanayo" taasoo jawaab u ah dhaqdhaqaaqa deegaamaynta Israa'iil ee la haysto ee Daanta Galbeed.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Bayaan ka soo baxay 24 waddan oo deeq-bixiyeyaal ah ayaa daba socday, iyaga oo cambaareeyay qaab cusub, oo ay Israa'iil taageerto qaab gargaar gaarsiinta Gaza.

Laakiin taasi waxay ahayd billow uun.

Talaadadii, Britain waxay hakisay wadahadalladii ganacsi ee ay la lahayd Israa'iil waxayna sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo khariidadda wada shaqaynta mustaqbalka ee sanadkii 2023.

Wareeg cusub oo cunaqabatayn ah ayaa lagu soo rogay dadka Yuhuudda ah, oo ay ku jirto Daniela Weiss, oo ah qof caan ah oo ka soo muuqday dukumeentigii Louis Theroux ee dhowaan, The Settlers.

Safiirka Israa'iil ee London, Tzipi Hotovely, ayaa looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda, tallaabadaas oo guud ahaan loo qoondeeyay wakiillada dalalka sida Ruushka iyo Iiraan.

Si ay arrinta Israa'iil uga sii darto, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Kaja Kalas ayaa sheegtay in "aqlabiyadda xooggan" ee xubnaha ururka ay door bideen in dib u eegis lagu sameeyo Heshiiskii Ururka ee 25-sano jirsaday ee Israa'iil.

'Intaas baa ku filan'

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababaha dhaleeceyntan diblumaasiyadeed ee isa soo tarayay waxay u muuqdeen kuwo cad oo ku filan Israa'iil.

Caddaynta ah in Qasa ay aad ugu dhawaatay macaluul baahsan marka loo eego waqti kasta tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, ka dib weerarkii Xamaas ee Oktoobar 2023, waxa uu muujiyay cabsi badan adduunka oo dhan.

Duullaanka militari ee Israa'iil, iyo hadallada ku xeeran, ayaa soo jeediyay in xaaladda dhulka la duqeeyay ay mar kale ka sii dari doonto.

Isagoo la hadlayay mudanayaasha baarlamaanka Talaadadii, xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy ayaa si gaar ah u tilmaamay ereyada wasiirka maaliyadda ee mayalka adag ee Israa'iil Bezalel Smotrich, kaas oo ka hadlay "nadiifinta" Qasa, "burburinta waxa soo haray" iyo in dadka rayidka ah loo raro dalal saddexaad.

"Waa inaan tan ugu yeernaa waxa ay tahay," Lammy ayaa yiri. "Waa xag-jirnimo

Smotrich maaha go'aan-gaare marka ay timaaddo qabashada dagaalka Qasa. Hadda ka hor, hadalladiisa kicinta ah ayaa laga yaabaa in la iska indha tiray.

Laakiin maalmahaas waxay u muuqdaan kuwo dhammaaday. Sax iyo khaladba, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa loo arkaa mid aad ula dhacsan saaxiibbadiisa midig-fog. Dadka dhaleeceeya ayaa ku eedaynaya inuu si hagar la'aan ah u wado dagaal, iyadoo aan loo eegin nolosha rayidka Falastiiniyiinta ama la haystayaasha haray ee Israa'iil ee weli lagu haysto Qasa.

Dalalka muddada dheer taageersanaa xaqa ay Israa'iil u leedahay inay is difaacdo ayaa bilaabay inay dhahaan "intaas baa ku filan".