Maxaad ka taqaanaa ninka afhayeenka u ahaan jiray Netanyahu ee loo xiray sirta Israa'iil ee la dusiyay?

Xigashada Sawirka, EPA
Maxkamad ku taalla Israa’iil ayaa Axaddii sheegtay in la xiray afhayeenkii hore ee Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib markii looga shakiyay inuu dukumiintiyo sir ah u dusiyay saxaafadda oggolaansho la’aan, taasoo dhaawac u geysan karta heshiiskii lagu sii daayay maxaabiistii lagu haystay Gaza.
Maamulka warbaahinta Israel ayaa sheegay in maxkamaddu ay ogolaatay in la shaaciyo 4 qof oo loo xiray kiiska sirta amaanka.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Eli Feldstein lala xiray saddex qof oo kale, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan laamaha ammaanka.
Kiiskan ayaa keenay in mucaaradka ay su’aal ka keenaan in Netanyahu uu ku lug lahaa wararka la faafiyay iyo in kale, iyadoo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu beeniyay warkaas.
Netanyahu ayaa beeniyay inay wax khalad ah ay sameeyeen shaqaalaha xafiiskiisa, wuxuuna bayaan uu soo saaray sabtidii ku sheegay inuu ka war helay kaliya dukumentiyada la faafiyay ee warbaahinta lala wadaagay.
Hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet iyo millatariga ayaa furay baaritaan lagu ogaanayo xogtan bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, ka dib markii joornaalka ka soo baxa London iyo wargeyska Jarmalka ee Bild ay daabaceen warbixino ku salaysan dukumentiyo sir ah oo milatarigu leeyahay.

Xigashada Sawirka, EPA
Mid ka mid ah warbixinnada ayaa daaha ka qaaday dukumeenti muujinaya in hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar - oo ay markii dambe dishay Israa'iil - iyo maxaabiista Gaza laga bixin doono Marinka aada Masar iyada oo la sii marinayo Waddada Philadelphi ee xadka Gaza iyo Masar.
Warbixinta labaad ayaa lagu saleeyay wax lagu sheegay qoraal hoose oo ka soo baxay hoggaanka Xamaas oo ku saabsanaa istaraatiijiyadda Sinwar ee lagu carqaladeynayo wada xaajoodka lagu sii deynayo maxaabiista.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxkamada Israel ayaa sheegtay in daabacaada dukumiintiyada ay dhibaato weyn u geysan doonto ammaanka dowladda Israa’iil.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay, "Natiijo ahaan, waxaa suurtagal ah in sidaas hoos loogu dhigo awoodda hay'adaha ammaanka ee ay ku soo furan karaan maxaabiista, taas oo qayb ka ah ujeedooyinka dagaalka."
Horay ayay hay’adda warbaahintu u sheegtay in baaritaanka arrinkaanu uu salka ku hayo tuhunk ay qabeen Shin Bet iyo ciidamadu, waxaanay sheegeen oo walaac ka muujiyeen sida arrinkani wax ugu dhibi karo amniga Israa’iil, isla markaana uu ay waxyeello ugu gaysan karo hadafkii lagu sii daynta maxaabiista.
Maalmo gudahood kadib markii ay daabaceen warbixinnada labada warbaahin ee kala ah Bild iyo Jewish Chronicle waxay la kulmeen dhaleecayn, taas oo keentay in Chronicle uu ka noqdo warbixintii uu daabacay ka dib markii uu ay su’aal gashay saxnaashiyaha dukumiintiyada iyo sidoo kale war ku aadanaa in uu been yahay magaca qoraaga dukumiintiga.
Mar wax laga waydiiyay wax ku saabsan baaritaanka, Bild waxa ay sheegtay in aysan wax xog ah ka bixin doonin ilaha la wadaagay xogta, iyaga oo intaa ku daray: "Militeriga Israa'iil waxa ay xaqiijiyeen xaqiiqada dukumeentiga... isla markii la daabacayba," sida ay qortay wakaalada wararka Reuters.
Warbaahinta Israa’iil iyo dad kale oo xog ogaal ahba waxay shaki ka muujiyeen maqaalladaas oo u muuqday inay taageerayaan fikradaha Netanyahu ee wada-hadallada ku aadan, isla markaana ay meesha ka saarayaan eedda guul-darradooda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Netanyahu ma uusan soo hadal qaadin arrintan mar uu Axaddii booqasho ku tagay xuduudka waqooyi ee Israa’iil, sida ku cad muuqaal uu sii daayay xafiiskiisa.

Xigashada Sawirka, Yedioth Ahronoth
Wa ayo cidda ku lugta leh ee ka tirsan xafiiska Netanyahu?
Saxaafadda Israa’iil ayaa sheegtay in xafiiska Netanyahu uu doonayey inuu qof u shaqaaleysiiyo afhayeenka amniga, balse qofkaasi uusan ka helin oggolaansho dhanka ammaanka ah hay’adda Shin Bet, sababo la xiriira “shaki” ay ka qabeen, sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post.
Wargeysku wuxuu daaha ka qaaday in "in kasta oo aanu ogolaasho haysan, haddana uu Netanyahu u raacay wada-hadallo ka dhacay saldhigga milatariga ee HaKirya iyo cutubyo milatari oo qarsoodi ah, waxaana sidoo kale uu u gacan banaanaaday xogo laga diiwaan galiyay shirarka golaha wasiirrada ee siyaasadda amniga iyo dodo kale oo xasaasi ah oo amniga la xiriiray."
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo arrinkaan ka jawaabay wax yar ka dib qabashadiisa ayaa sheegay in "mid ka mid ah dadka la xiray uusan ahayn shaqaale rasmi ah oo ka tirsan xafiiska," sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Maariv ayaa daabacay sawir laga qaaday shaashadaa Channel 12 ee Israa'iil kaas oo muujinaya maxbuuska oo si cad u joogo xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Dilkii Sinwar ka dib, muxuu la sugayaa Netanyahu dagaalka Gaza?
Qof isku dhow yihiin ninkaan la xiray ayaa waxa uu u sheegay Channel 12 ka Israa'iil: "Wuxuu u shaqeeynayay Netanyahu, wuxuuna u ahaa la taliye sannad iyo barkii la soo dhaafay."
Waxa uu intaa ku daray in uu noloshiisii oo dhan u huray ra’iisal wasaaraha uuna diyaar u yahay in uu naftiisa u biimeeyo, balse isla markii uu warku soo baxay Netanyahu waa uu iska fogeeyay been ayuuna ka sheegay ah in aanu u shaqayn”.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay in dadka arrimaha gudaha u dhuun daloola ay xaqiijiyeen in " tuhmanuhu uu xiriir dhow la lahaa Netanyahu, halkaas oo uu ka fuliyey hawlgallo dublamaasiyadeed oo uu korjoogto ka ahaa madaxa shaqaalaha ee Netanyahu, Tzachi Braverman."













