Burcad badeedda Soomaalida - 'Waa sida adigoo lugahaaga ku raadsanaya dhimashadaada'

BBC-da oo la hadashay badmaaxiyaal u dhashay Pakistan iyo Iran ayaa sheegay inay wajahayaan kala doorashada inay arkaan qoysaskooda oo gaajaysan ama ay khatar u galaan afduubka burcadbadeedda Soomaalida. Budhcad badeeda ayaa markale khatar ku haysa kalluumaysatada badweynta Hindiya.
In kasta oo ay jiraan sheekooyin ku saabsan afduub, dil iyo in loo adeegsaday sida gaashaan ahaan, nimankan ayaa ku soo laabanaya biyaha. Milkiilayaasha doonyaha ayaa sheegay in hadda ay ku qasban yihiin in ay bixiyaan lacago kumanaan dollar ah oo ay siinayaan hay’adaha amniga Soomaaliya oo ay aaminsan yihiin in ay qeyb ka yihiin falalka sharci darrada ah ee ka jira gobolka.
Maryam Hoot iyo ninkeeda Gul Maxammad ayaa si walaac leh u sugayay wiilkooda 20-jirka ah ee Rasuul Bakhsh inuu ka soo laabto badweynta Hindiya.
"Waxaan bilownay inaan weydiino waxa ku saabsan sababta uu wiilkayagu u soo laaban waayay," ayay Maryam xasuusataa. Qofna jawaab uma helin.
Toddobaadyo ka dib kalluumaysato kale ayaa ugu dambeyntii u yimid iyaga oo war u sida.
Rasuul oo ah aabaha labo caruur ah ayaa waxaa gacanta ugu jiray burcad badeeda Soomaalida.

Xigashada Sawirka, Mazyar Moshtagh Gohari
Bilo aad u welwel badan kadib weli wax war ah lagama helin.
Kadibna waa la soo wacay. Khadka waa uu liitay laakiin codku wuxuu ahaa mid aan la garan karin.
Wuxuu ahaa Rasuul Bakhsh.
"Waa uu ooyay waxa uuna sheegay inuu nabarro ku leeyahay jirkiisa oo dhan," hooyadiis way xasuusataa inay dareemayso caawimo la'aan. "Wuxuu naga codsaday inaan ka caawinno sidii loo sii dayn lahaa."
"Ma qiyaasi kartid sida aan dareemay oo ahayd xaalad quus ah," Maryam ayaa tiri. "Waxa kaliya ee aan u sheegi karay wiilkayga waxay ahayd inaan nahay sabool, adiguna waad ogtahay."
Madax furasho
Budhcad-badeedda ayaa doonayey lacag dhan $12,000 oo doolar oo madaxfurasho ah, taasoo ah lacag aad ugu badan qoyskiisa.
Waxay ku nool yihiin tuulo fog oo ku taal gobolka Chabahar ee dalka Iran. Abaarihii u dambeeyay ayaa ku qasbay dhalinyaro badan oo tuulooyinka ku nool inay naftooda ku biimeeyaan badweynta Hindiya.
Rasuul hooyadiis, oo socodka ku dhibtoonaysa, ayaa waxay lug ku tagtay degaano dhowr ah oo lacag ururinaysay si wiilkeeda dib loogu soo celiyo.
Waxay iibisay wax kasta oo reerku haysteen, xoolahoodii iyo xataa geed timireed oo qaali ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afduub ama gaajo
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kalluumeysatada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay ogyihiin khatarta jirta balse aysan haysan dookh ay kula doortaan.
"Haddii aan iraahdo kama cabsanayo burcad badeedda been ayaan kuu sheegay," ayuu yiri Saleem Khan oo 38 jir ah, kana mid ah kalluumaysatada deggan Karachi, Pakistan. "Waxay la mid tahay inaad geeridaada lugahaaga ku raadsaneyso, laakiin haddii aanaan tegin gaajadu waxay nagu dili doontaa guriga."
Saleem Khan ayaa sheegay in sanadkii 2018 ay afduubteen burcad badeeda Soomaalida, dib u soo laabashadoodana ay dib u soo celineyso dhaawacii maskaxeed soo gaaray.
"Waxay afduubteen doonidayadii oo ay u isticmaaleen inay ku weeraraan maraakiibta waaweyn," ayuu yiri badmaaxiyuhu.
Dhawr todobaad ka bacdi waxa loo kaxaystay saxaraha halkaas oo 20 maalmood ay ku qafaasheen iyadoon cunto iyo biyo toona lahayn.
"Habeenkii waxaan ku ooynayay mugdiga," ayuu dib u xusuustay, "sidaas darteed dad kale ma arki karin ilmadayada."
Waxaa la sii daayay kadib markii heshiis lala gaaray burcad badeeda.
Saleem wuxuu isku dayay inuu shaqo kale helo, isagoo ka cabsanaya inuu biyaha ku soo laabto.
Sannadkii hore kalluumaysato kale ayaa u sheegay inay badbaado tahay in biyaha lagu laabto.
Balse si dirqi ah ayuu uga badbaaday weerar kale.
“Waxaan arkay [Burcad-badeed Soomaaliyeed] oo xagga hore ka soo socda. Shabaqyadayadii kalluumaysiga ayaannu goynnay, waanan ka baxsannay.”
Burcadbadeeda ayaa weerar ku qaaday saaxiibadiis oo watay dooni kale oo u dhaweyd, waana ay dileen.
Doonyaha kalluumeysiga maaha bartilmaameedka ugu weyn, waxaa loo isticmaalaa in lagu qabto maraakiibta waaweyn.
Kalluumeysatada ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay u shaqeeyaan sida dulinka oo kale, iyagoo ku duulaya doomaha, kaddibna ay ka cunaan sahaydooda, ayna bad-maaxiyeyaasha u adeegsadaan sida gaashaanka marka ay weeraraan maraakiibta.
Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee EUNAVFOR ayaa ka warbixiyay kiisas la mid ah kuwa ka dhaca xeebaha Soomaaliya.
"Tani waa hab-dhaqan cusub oo lagu ogaaday falalkan cusub ee burcad-badeednimada ee deegaanka," EUNAVFOR ayaa u sheegtay BBC-da.

Xigashada Sawirka, Indian Navy
Qaar ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka ayaa ka gudba biyaha Soomaaliya si ay uga sii maraan badda cas iyo kanaalka Suweys. Waa marin badeedka ugu gaaban ee u dhaxeeya Yurub iyo Aasiya.
Qiyaastii 12% ganacsiga caalamiga ah ayaa mara badda cas, laakiin aaggaas ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacay qalalaase.
Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto dowladda Iran ayaa weerar ku qaaday maraakiibta iyagoo taageeraya Gaza.
Weeraradan ayaa waxaa ka hortaga ciidamada badda ee reer galbeedka taasi oo ay kalluumaysatadu aaminsan yihiin inay tahay mid ka mid ah sababaha sare u qaaday burcad badeeda.

Ganacsi faa'iido leh
Dekadda Karachi Kabtan Maxammad Ashraf waxa uu sugayay in la dhamaystiro markabkiisa kalluumaysiga oo wata calanka Iran.
Mr Ashraf ayaa ku dhawaad 18 bilood ku qaatay, $150,000 ku kharash gareeyay sameynta doonida. Waxaa lagu wadaa inay dhawaan shiraacato.
"Waan argagaxsanahay sababtoo ah burcad-badeeddu way na qabsan karaan, haddii aynaan u hoggaansaminna wayna toogan doonaan oo ay na dili doonaan," ayuu Mr Ashraf noogu sheegay barxadda doonta.

Kabtan Qayoum oo 40 jir ah oo u dhashay dalka Iran ayaa ka kalluumaystay biyahan ilaa inta uu xasuusan karo.
Laakin maalmahan, sida Kabtan Ashraf iyo kuwa kale, waxa uu kumannaan kun oo doollar ku bixiyaa ilaalada Soomaaliya si ay isaga difaacaan burcad-badeedda.
Baahida badan ee loo qabo waardiyeyaasha ayaa kordhisay lacagta iyadoo gaartay ilaa $18,000 oo doolar muddo 40 maalmood ah, ayay yiraahdeen.

Xigashada Sawirka, Mazyar Moshtagh Gohari
Laakiin waxaad helaysaa wax ka badan ilaalada ciidamada oo waxay bixiyaan ogolaansho ay kaga kalluumaystaan badda Soomaaliya. "Waan ognahay in dhammaan shatiyadaas ay been abuur yihiin," ayuu yiri Mr Qayoum.
Wuxuu sheegay in loo sheegay inaysan tusin rukhsadda haddii ay la kulmaan ilaalada badda ee rasmiga ah, laakiin taa beddelkeeda ay wacaan lambarka la siiyay si ay "u hagaajiyaan".
Ma cadda in askarta ammaankooda sugeysa ay sharci yihiin. Kalluumaysatadu waxay sheegeen inay ruqsadda helayaan marka ay u soo shiraacdaan meel u dhow xeebta oo ay ku sugayaan doon yar oo la imanaysa waraaqaha iyo ilaalada.
Marka ay 40-ka maalmood dhamaato, doonta iyo shaqaalihii la socday ayaa la sii hayaa iyadoo shirkaddu ay xaqiijinayso in lacagta la wareejiyay, sida uu sheegay Mr Qayoum iyo mulkiilayaasha kale ee doonta.
Kalluumeysatada Pakistan iyo Iran ayaa sheegay in marka hore lacagta caddaanka ah ay siinayaan sarifleyaasha dalka Iran oo lacago dullaal ah ku siiya Dubai si ay ugu soo wareejiyaan Soomaaliya. Waxay sheegeen in burcad-badeeddu ay dariiqyo isku mid ah u adeegsadaan lacagaha madax-furashada ah.

Habeennada hurdo la'aanta
Dekadda Karachi waxaa ka buuxa sheekooyin naxdin leh, Kabtan Ghulam Rashid ayaa sheegay in doontii saaxiibkiis ay sannadkii hore weerareen burcad-badeedda, markii ay isku dayeen inay baxsadaanna ay rasaas ku fureen shaqaalihii doonta.
"Qof ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa dhaawacmay, burcad-badeedduna waxay ku dhex tuureen badda isagoo nool," ayuu yiri Rashiid oo 43 jir ah oo kalluumayste ahaa tan iyo yaraantiisii.
Dhammaan sawiradan waxay ka dhigan yihiin habeenno rafaad ah oo biyaha dushooda ah, "indhaha ayaanu isku qabannaa," ayuu yiri, "laakin qalbiyadeennu waligood ma seexan."
Ka dib sanad ka badan oo uu xirnaa, Rasuul Bakhsh ayaa ugu dambeyntii la sii daayay oo dib ula midoobay waalidkiis. Waxa uu ka mid yahay badmaaxayaal badan oo degaanka Chabahar ku sugnaa oo la sii daayay ka dib markii qoysaskooda ay bixiyeen madaxfurasho aan la awoodin.
Karachi Saleem Khan waxa uu gacanta ku hayaa gabadhiisa Neemra. Dhowr toddobaad gudahood ayuu ku soo laaban doonaa biyaha.
Qoyskiisu way ogyihiin inuu dartood u samaynayo, laakiin amniga ma fududa.
Had iyo jeer waxa uu ka baqa weerar kale, habeenada ayaa isagana ugu adag.
"Kahor intaanan indhaha isku qaban, waxaan furaa teleefankayga oo aan fiiriyaa sawirka hooyaday, ka dibna xaaskayga iyo gabdhahayga', waan ooyaa, oo waxaan saaraa laabta oo aan seexdaa," ayuu yiri.













