Trump oo amray sii deynta xogo ku saabsan makhluuqaadka aan la aqoon ee UFOs

Walxo cirka ku jira balse aan la aqoonsan oo sannado badan la garan la'ahay xaqiiqadooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Walxo cirka ku jira balse aan la aqoonsan oo sannado badan la garan la'ahay xaqiiqadooda.
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu amri doono hay'adaha dowladda inay sii daayaan dukumentiyo ku saabsan UFO-yada iyo makhluuqaadka aan la aqoon (Alliens)

Trump wuxuu sheegay inuu amri doono hay'adaha ammaanka ee Maraykanka, oo ay ku jirto Xoghayaha Difaaca, inay "bilaabaan aqoonsiga iyo sii deynta" dukumentiyada dowladda ee la xidhiidha waxyaabaha aan la garanayn.

Toddobaadkii hore, madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in "walxahan runtii ay jiraan" markii wax laga weydiiyay dad-u-keyaahsa loo yaqaan UFO.

Trump ayaa intaas ku daray isagoo sheegay in Obama uusan ahayn inuu shaaciyo xogtaas sirta ah, wuxuuna sheegay in hay'adaha dowladda ay sii deyn doonaan baaritaannada ku saabsan UFO-yada iyo makhluuqaadka shisheeye ee la tuhunsan yahay.

"[Obama] ma ahayn inuu sidaas yiraahdo. Wuxuu sameeyay qalad weyn," ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Ma aaminsan tahay in makhluuqaad la sheegay inay ka yimaadeen cirka iyo shisheeyayaal ama UFO-yo "ay jiraan?"

"Ma ogi inay runtii jiraan," ayuu Trump ku jawaabay.

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama ayaa u sheegay martigeliyaha podcast-ka Brian Tyler Cohen wareysi la sii daayay Sabtidii hore inuu aaminsan yahay in makhluuqaadka shisheeye ee loo yaqaan "aliens" ay dhab yihiin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Way jiraan, balse anigu ma arag, mana aha kuwo lagu hayo Area 51," ayuu yidhi Obama.

"Ma jiro xarun dhulka hoostiisa ah, ilaa ay jirto shirqool aad u weyn oo laga qariyay Madaxweynaha Maraykanka."

Kadib markii hadalkiisu noqday war si weyn loo hadal hayo, Obama wuxuu caddeeyay inuu u arko inay tiro ahaan suurtagal tahay in nolol ka jirto meel ka baxsan Dhulka, maadaama koonku aad u ballaadhan yahay.

Qoraal dabagal ah oo uu ku daabacay Instagram, Obama oo xilka madaxweyne hayay intii u dhexeysay 2009 ilaa 2017 wuxuu ku caddeeyay: "Intii aan madaxweynaha ahaa ma aanan arag wax caddeyn ah oo muujinaysa in makhluuqaad shisheeye nala soo xidhiidheen. Runtii!"

Hadalladii hore ee Obama waxay yimaadeen intii lagu jiray wareeg su'aalo degdeg ah oo loo yaqaan "lightning round" oo ka mid ahaa barnaamijka boodhkaastiga lagu warraysanaayay.

Ma jirin wax muujinaya in Obama uu ku tiirsanaa xog sir ah markii uu wareysiga bixinayay. BBC-da ayaa la xidhiidhay Obama si ay faallo uga hesho. Obama oo ka tirsan Dimuqraadiyiinta iyo Trump oo Jamhuuri ah ayaa muddo dheer ahaa laba siyaasi oo si adag isu mucaaradsan.

Dhankiisa, Trump ayaa Khamiistii isagoo saaran diyaaradda Air Force One sheegay in inkastoo dad badan ay rumeysan yihiin jiritaanka makhluuqaad shisheeye, isaga uusan ka hadlin arrintaas isla markaana "uusan aragti gaar ah ka qabin."

Saacado yar kadib, wuxuu ku qoray bartiisa Truth Social in "iyadoo lagu saleynayo xiisaha weyn ee la muujiyay," uu raadin doono in la sii daayo faylal la xidhiidha "nolosha dunidan aan naqaano iyo dhulkaba ka baxsan, walxaha samada gaafwareegga ee aan cidi aqoon (UAP), iyo walxaha duulaya een iyana la aqoonsananayn (UFO), iyo xog kasta oo kale oo la xidhiidha arrimahan aadka u murugsan balse xiisaha iyo muhiimada leh."

Maraykanka waxaa sanadihii u dambeeyay ka soo cusboonaaday xiiso dadweyne oo ku saabsan UFO-yada iyo nolosha ka baxsan Dhulka, taasoo ka dhalatay warbixinno sannadkii 2017 soo baxay oo ku saabsanaa barnaamij sir ah oo Pentagon-ku ku baarayay maragfurka duuliyeyaasha iyo xubno kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka kuwaas oo sheegay inay cirka ku arkeen walxo yaab leh.

Sanadkii 2022, Kongareeska Maraykanka ayaa qabtay dhageysigii ugu horreeyay ee ku saabsan UFO-yada muddo 50 sano ah, halka Pentagon-kuna uu ballanqaaday hufnaan dheeraad ah, isagoo sameeyay xafiis gaar ah oo ururiya warbixinada ku saabsan kulamada ciidamada iyo UFO-yada.

Sanadkii xigay, guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka oo arrintan baarayay ma soo saarin wax war weyn ah ama xaqiijin ku saabsan jiritaanka makhluuqaad shisheeye. Warbixin la soo saaray 2024-kii, Pentagon-ku wuxuu sheegay inaysan jirin "wax caddeyn ah" oo muujinaya in dowladda Maraykanka ay la kulantay nolol shisheeye, isla markaana inta badan aragtiyada UFO-yadu ay ahaayeen walxo caadi ah.