Trump oo milateriga Maraykanka u sheegay war xasaasi ah xilli uu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maraykanka ayaa isku diyaarinaya inuu inta badan ciidamadiisa kaga harsan Suuriya uu ka saaro bilaha soo socda sida arkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad u sheegay BBC-da.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ogolaatay inay hoggaanka u qabato la dagaallanka argagixisada xuduudaheeda, isla markaana joogitaanka ciidanka Mareykanka "heer ballaaran" aanu hadda loo baahnayn.

Ciidamada Mareykanka waxay ku sugnaayeen Suuriya tan iyo 2015, iyagoo qayb ka ah olole ka dhan ah argagixisada si looga hortago saameynta kooxda Daacish (IS).

Go'aankan ayaa yimid iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kordhinayo joogitaanka militariga ee Bariga Dhexe halka xiisadda kala dhaxaysa Iiraan ay sii kordhayso.

Sarkaalku wuxuu xusay in go'aanka ah in qiyaastii 1,000 oo askari oo harsan laga saaro Suuriya ay qayb ka tahay kala-guur ku salaysan xaalad, iyo in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo khatar kasta oo ka jirta gobolka.

Warku wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordhayaan joogitaanka ciidamada Mareykanka ee gobolka, gaar ahaan meel u dhow Iiraan.

BBC Verify ayaa xaqiijisay goobta uu ku sugan yahay markab diyaaradaha qaada ee USS Abraham Lincoln - oo ku qalabaysan gantaallo iyo daraasiin diyaarado dagaal ah - meel u dhow Iiraan.

Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu u diray markabka kale ee diyaaradaha qaada ee USS Gerald R Ford, oo ah markabka dagaalka ee ugu weyn adduunka, Bariga Dhexe, kaasoo la filayo inuu gobolka gaaro saddexda toddobaad ee soo socda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saraakiil sare oo ka tirsan amniga qaranka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News, oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka, in Trump uu sheegay in militariga Mareykanka ay diyaar u noqon doonaan weerarro suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan sida ugu dhakhsaha badan Sabtida, inkastoo Trump uusan weli go'aan kama dambays ah gaarin.

Suuriya, ciidamada Mareykanka ayaa horey uga baxay laba saldhig horraantii sanadkan, kuwaas oo kala ah al-Tanf garrison oo koonfurta Suuriyaah iyo al-Shaddadi ee waqooyi-bar ah.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa daba socday burburkii dowladda Assad sanadkii 2024, hoos u dhicii dowladii Islaamiga iyo orumar weyn laga sameeyay amniga Suuriya.

Tan iyo markaas, maamulka Trump wuxuu isku dayay inuu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Dimishiq isla markaana uu kordhiyo iskaashiga uu la leeyahay Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa.

Sharaa ayaa Trump ku booqday Aqalka Cad bishii Nofeembar, waana booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu ku tago hoggaamiye Suuriyaan ah taariikhda dalkaas.

Dowladdiisu mararka qaar waxay isku dhac la gashay kooxo ciidamo maxalli ah, laakiin waxay heshiis la gashay bishii Janaayo kaas oo lagu mideyn lahaa Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ee Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan iyo ciidamada qalabka sida ee Suuriya.

Trump and Sharaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa la kulmay dhiggiisa Suuriya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shaibani, toddobaadkii hore si ay uga wada hadlaan ilaalinta xabbad joojinta. Rubio ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan sii socoshada dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Bishii Diseembar, turjumaan iyo laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ee Iowa ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo uu qaaday nin hubaysan oo kaligiis ah oo ka tirsan IS oo ka dhacay Palmyra, Suuriya, sida uu sheegay Pentagon.

Maamulka Trump ayaa ku aargoostay weeraro taxane ah oo ka dhan ah IS, oo loogu magac daray Hawlgalka Hawkeye Strike.