Madaxwaynaha Suuriya oo digniin u diray Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalintii labaad oo xiriir ah, madaxda caalamka ayaa sii wada khudbadaha ay ka jeedinayaan shirka 80-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Khudbad uu ka jeediyay golaha loo dhan yahay, madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Ahmad al-Sharaa, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay garab istaagaan Suuriya, isagoo ka digay "isku dayga Israa'iil ee ay ku doonayso inay ku waxyeeleyso ammaanka Suuriya...taasoo gobolka u soo horseedaysa isku dhacyo cusub oo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan."
Al-Sharaa waxa uu tilmaamay in "xanuunka uu dalkiisa soo maray uu yahay mid aanan cidna uusan u rajaynayn", isagoo caddeeyay in Suuriya ay taageerto dadka Gaza iyo dalalka kale ee dagaalka ku soo wajahan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.
Shara waxaa uu ballan qaaday in ay cadaaladda la horkeeni doonto "qof kasta oo gacmihiisa ay ku yaallan dhiigga dadka aan waxba galabsanin," waxaa uuna ku nuuxnuuxsaday in Suuriya, ka dib markii xilka laga tuuray madaxwaynihii hore, uu iska badalay dal colaadeed islamarkana uu noqday "fursad taariikhi ah oo lagu soo dabaalo xasilooni, nabad iyo barwaaqo Suuriya iyo gobolka oo dhan.
Madaxa marxaladda ku meel gaarka ah ee Suuriya ayaa ku baaqay "in gabi ahaanba cunaqabataynta laga qaado dalkiisa, si aanay u noqon qalab lagu xirxiro dadka Suuriya oo ay mar kale xorriyaddooda la wareegaan."
Madaxdii kale ee ka hadashay shirka Qaramada Midoobey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khudbadiisa, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian waxa uu kaga hadlay waxa uu ku tilmaamay "xaaladda aduunka", "xasuuqa" Gaza, "xadgudubyada joogtada ah" ee Lubnaan, "burburinta kaabayaasha" ee Suuriya, "weerarada" Yemen, isaga oo ula jeeda Israa'iil.
Waxa uu sheegay in tani ay dhacday "iyada oo uu si buuxda u taageeray nidaamka ugu hubka culus ee Dunida, iyo iyada oo lagu marmarsiyoonayo is-difaac," Pezeshkian ayaa waydiiyay Golaha Guud: "Yaa kicinaya qalalaasaha dadka adduunka?"
Intii uu khudbadiisa ku guda jiray, Pezeshkian waxa uu dib u milicsaday weeraradii Israa'iil ay ku qaadday Iran, kuwaasi oo dhaliyay "dagaal" 12 maalmood socday bishii June ee la soo dhaafay, isagoo carrabka ku adkeeyay in dalkiisa lagu soo qaaday wax uu ku tilmaamay "gardarro bahalnimada ah". Waxa uu intaa ku daray in weerarrada Israa'iil "ay ka dhigan yihiin khiyaamo diblomaasiyadeed oo weyn."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qudbadiisii xalay ayuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uga hadlay xubnaha Qaramada Midoobay ee doonaya "nabad iyo amni", isagoo xusay in dadka reer Ukraine ay yihiin "nabad" xitaa xilli uu ku jiro waxa uu ugu yeeray "dhiigga" dagaalka.
Laakiin waxa uu ku eedeeyay Ruushka in uu " diidayo nabadda" isaga oo aan aqbalin xabad joojin, isaga oo ku eedeeyay Ruushka in ay "afduubteen kumannaan carruur ah oo Ukrain ah," isaga oo si yaab leh u yiri "intee ayay qaadanaysaa in dib loogu celiyo dalkooda?
Waxa uu tilmaamay in Ruushku uusan joojin duqeynta, xitaa meelaha ku dhow xarumaha Nukliyeerka, isaga oo arrintaas ku sababeeyay "daciifnimada" hay'adaha caalamiga ah.
"Ka mid noqoshada isbahaysiga milatari ee jira (NATO) si toos ah macnaheedu maaha inaad badbaado," ayuu yiri Zelensky, isaga oo tixraacaya eedeymaha sheegaya in Ruushku ku xadgudbay hawada Poland iyo Estonia iyo "hanjabaadaha" ka dhanka ah Moldova.
Zelenskyy waxa uu uga digay Yurub in ay lumiyaan Moldova oo uu Ruushka qaato si la mid ah sidii ay u lumiyeen Georgia, isaga oo xusay in Yurub ay lumisay fursadii ay ku badbaadin lahayd Georgia, si la mid ah sidii ay u badbaadin lahayd Belarus, sida uu sheegay Zelenskyy.













