Mandheera: Odayaashii afduubkooda looga shakisanaa al-Shabaab oo markii ugu horreysay hadlay

sawir hore

Xigashada Sawirka, X

Shan Caaqil ama jiif oo ka soo jeeda degmada Ceelwaaq ee Koonfurta Mandheera, Kenya oo ay horraantii sanadkan afduubteen kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin al-Shabaab, isla markaana muddo 62 maalmood ah ku haysteen gudaha Soomaaliya, ayaa ugu dambayntii ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay la kulmeen intii ay afduubnaayeen.

Iyaga oo ka hadlayay kulan ku saabsan arrimaha dardar-galinta ammaanka (Jukwaa la Usalama Security Baraza) ee magaalada Ceelwaaq, madaxdan ayaa ka sheekeeyay dhibaatada ay kala kulmeen kooxda.

Waxay hadda codsanayaan taageero maaliyadeed iyo mid dhanka maskaxda ah sababo la xiriira bey sheegeen dhaawacyadii ka soo gaaray, iyadoo sidoo kale ay taageerayaan qorshaha dowladda ee ah in la hubeeyo laguna tababaro maamulayaasha maxalliga ah ee gobollada khataraha amni ay ka jirto si ay uga hortagaan khatarta argagixisada.

Caaqilada ama jiifafka la afduubtay, balse markii dambe la soo daayay ayaa waxay kala yihiin; Cadaw Cabdi Mohammed, Maxammed Xassan, Maxammed Nuur, Ibrahim Gabow, Cabdi Xassan, iyo Abdi Hassan Suraw.

Waxaa afduub ahaan loo haystay 62-ka maalmood oo ay ganata ugu jireen kooxihii afduubtay.

"Waxaan halkaas ku soo marnay silica badan, annaga oo ka tagnay qoysaskeenna oo iyagana dhibaato iyo murugo la noolaa," ayuu yiri Cadow Cabdi Maxamed.

Saraakiishan ayaa uga mahadceliyay dadka Kenya ducadooda iyo niyad samida ay u muujiyeen, iyagoo sheegay in taageerada qaranka ay tahay midda siisay awood ilaa ay si mucjiso leh uga soo badbaadeen afduubayaasha.

"Qoysaskayagu waa ay dhibtoonayaan, waxaan shaqo la'aan ku jirnay labo bilood, waxaan u qornay codsi aan ku codsanayno dowladda," ayuu yiri Maxamed oo kulanka amaanka ka hadlay.

Caaqilladan ama jiifafka ayaa taageeray qorshaha Gobolka ee lagu hubeynayo laguna tababarayo maamulayaasha maxalliga ah ee gobollada xuduudaha, madaxdu waxay ku baaqayaan in ay helaan qalab wanaagsan iyo taageero saadka si looga caawiyo inay ka hortagaan khatarta argagixisada.

"Waxaan rabnaa in nala siiyo mootooyin iyo ciidamo maxalli ah oo la hubeeyo sida Nkuwa PR," ayuu yiri jiifka.

Wasiirka amniga dalka Kenya Kipchumba Murkomen ayaa u ballan qaaday in halyeeyo loo aqoonsan doono marka la gaaro maalinta halyeeyada ee dalka ee sanad kasta loo dabaaldago.

Waxaa klae oo uu u ballan qaaday in la wanaajin doono daryeelka iyo amniga dhammaan maamulayaasha meelaha khatarta sare leh.

Mandera

Xigashada Sawirka, Mandera county government

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waan idin sharfi doonnaa waxaanan ka jawaabi doonnaa caqabadaha madaxda gobollada xuduudaha," ayuu yiri Murkomen.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqaya in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada ayna ka fogaadaan dhaqamada wax u dhimaya amaanka Mandheera.

"Waxaan ku boorrinayaa dhammaan madaxda gobollada xudduudaha inaysan wiiqin hufnaanta hannaanka bixinta kaarka aqoonsiga oo aysan sameyn musuqmaasuqa," ayuu yiri Agaasinka Dembi-baarista (DCI) Maxamed Amiin.

Dalka Kenya, caaqillada ayaa ka tirsan dawladda, waxayna hoos yimaadaan wasaaradda arrimaha gudaha, waana maamulayaal.

Mas'uuliyaddooda waxaa ka mid ah ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta, isku xirka hawlagallada amniga, iyo in dusha laga eego barnaamijyada dawladda ee heer deegaan.

Ismaamulka Mandera oo xuduud dheer la leh Soomaaliya ayaa waxaa marar badan ka dhacay dhacdooyiin amni daro ah.

Qaar badan oo ka mid ah dhacdooyinkaasi ayaa waxaa la tuhusan yahay in ay ku lug leeyihin ururka al-Shabaab oo saldhiggoodu yahay dalka Soomaaliya.

Wasiirka amniga dalka Kenya oo booqasho ku tagay shalay Mandera ayaa ballanqaaday in dowladda ay wax badan ka qaban doonto amni darrada magaalada.