Afduubka Gabdhaha: ''Xafso Luqmaan markii la afduubayay salaad ayay ku jirtay"

Xafso Maxamed Luqmaan

Xigashada Sawirka, DCI Kenya

Qoraalka sawirka, Xafso Maxamed Luqmaan

Gabadhii Soomaalida ee shalay laga soo furtay burcad ay ugu afduubneyd magaalada Nairobi, ayaa xalaadeeda ay wanaagsan tahay iyadoo wali ku jirta isbitaalka, sida ay sheegen xubna ka tirsan qoyskeeda.

Booliska Kenya ayaa shalay sheegay inay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan Xafso Maxamed Luqmaan. Waxaa lagu hayay guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.

Salaad ayay ku jirtay

Sakariye Maxamed Luqmaan oo la dhashay Xafso ayaa BBC-da u sheegay in walaashii markii la afduubayay ay salaad ku jirtay.

"Saaxiibteed ayaa u waday mel la yiraahdo Kayole. Salaaddii Maqribka ayaa la gaaray. Iyadoo sujuud ku guda jirta ayay laba nin soo galeen oo ay xoog ku wateen oo qashin ayay afka uga gureen si aysan u qeylinin, wayna ceejiyeen. Dhaawaca ay qabta, markii la afduubayay ayuu soo gaaray," ayuu yiri Sakariye.

Xildhibaanka deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan, ayaa maanta ku booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa Maxamed Luqman.

Yusuf Xasan, isbitaalka wuxuu kula kulmey qoyska Hafsa, oo uu kamid yahay aabaheed iyo walaalaheed.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Booliska maxay sheegeen

Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna haatan loola cararay cisbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo.

"Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo"

Waxay booliska qabteen nin 24 jir ah oo la sheegay in uu ka qeyb ka ahaa dadkii afduubtay Xafso Maxamed Luqmaan

"Nin 24 jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray, haatana waxaa su'aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad ugu bixiyo falalka afduubka ah si uu uga caawiyo in lasoo qabto dambiilayaasha kale" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska.

Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal lamid ah dambigan isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh.

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxihii gabadha afduubtay ay isaga carareen goobta ka hor inta aysan soo gaarin booliska, sida uu ku warramaya wargeyska The Standard.

Wargeyska oo soo xiganayo booliska ayaa sheegay in xafso aysan waxbo cunin maadaama ay diiday cuntadii ay u keenayeen kooxihii qafaashay.

Xafso Maxamed Luqmaan

Xigashada Sawirka, QOYSKEEDA

Qoraalka sawirka, Xafso Maxamed Luqmaan

Waxay shacabka uga mahadceliyeen la wadaagidda xogta u suurtagelisay badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan.

Xafso Maxamed Luqmaan oo 23 jir aheyd ayaa la waayay 15-kii bishan Juun xilli ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi oo ku taalla xaafadda Islii. waxaana la rumeysan yahay in lala qafaashay gabadh kale oo la yiraahdo Xafso.

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay gabadhan lasoo daayay, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Muuqaalka waxaa ka muuqatay gabadha oo indhaha ay u xiran yihiin, wejigeedana uu ka muuqday jir-dilay, waxay ku tiri: "Waa la i afduubtay, lacagna way rabaan. Fadlan soo dira".

Kenya waxaa aad looga hadal hayay agfduub loo geystay gabdho Soomaali ah oo lagu afduubtay Kenya, waxaa la helay qaar kamid ah gabdhahan iyadoo mid kamid ah meydkeeda laga helay magaalada Mombasa.