Qaybta 2aad ee waraysi uu madaxweynaha Soomaaliya siiyay BBC: Arrimaha Ammaanka, maamula Waqooyi Bari iyo ciidmada Masar

Waa qayb kale oo ku saabsan Wareysigii gaarka ahaa ee madaxweynaha Soomaaliya uu siiyay BBC-da taas oo uu kaga hadlayey xaalada siyaasadeed dalka. Qeybtan ayuu madaxweynuhu kaga hadlay dagaalka Alshababa, Daacish, Mamaulka cusub ee Waqooyi Bari, Amniga Muqdisho iyo ciidamada Masar ee Soomaaliya imaanaya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxuud, ayaa ka hadlay maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee dhawaan la yagleelay, waxa uuna sheegay in maamulka Waqooyi Bari iyo dhulka uu ku yaal mamaulkaas muddo soddon sano ah lagu tilmaami jiray deegaan lagu muransanyahay taas oo uu sheegay in horumarka iyo gargaarku aanu in badan gaari jirin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mabda'a ay aaminsanyihiin ee ay ku adagyihiin uu yahay in dadka Soomaaliyeed aanu xukumin nin anaay iyagu talada u dhiiban isagoo intaasi ku daray, haddii dadku ay gooni u istaageen oo ay dhaheen anagu in aan is xakunna ayaan rabnaa, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaan rabnaa in aan ka mid noqono "anaga mabaadii'deena oo dhan ayaa intaas qoreysa" ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray in anay jirin sabab ay ku diidi karaan.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in taageerada ay maamulkaas siiyeen aysan macnaheedu ahayn in ay Somaliland ku xumeeynayaan ama Puntland. Dadkaasi Soomaaliyeed ee codkooda kor u qaaday ee yiri in aan is xukunaan rabnaa umuuraheena hoose, tan qarnkana aan Soomaali la wadaagno, sabab loo diidi karay ma aanay jirin.
Mar la weeydiiay sida ay ku taagearayaan maadaama uu yahay maamul cusub waxa u Xasan Sheekh sheegay in ay ku taageerayaan inta ay maamulada kale oo dhan ay ku taageeraan sida kaalmada caalamiga ah in la gaarsiiyo, dowaladuna ay wixii kale oo fursad ah ee ay hayso siiso.
Qaraxii lala eegtay Madaxweynaha bishii Ramadaan ee sanadkan
Madaxweynaha mar la weydiiyay bal waxa uu dareemay, markii qarax isku day dil ah oo ay Alshabaab waddada u dhigeen uu ka badbaaday bishii Ramadaan ee sanadkan taas oo dad kale ay wax ku noqdeen, waxa uu kaga jawaabay.
"Markii ugu horeysay ma ahan ee Alshabaab ay isku dayaan in ay i dilaan, waxa aan aaminsanahay markii ugu danbeysayna ma noqoneysa" ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaasi ku daray in xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa, marki la doortay isagoo laba habeen jooga oo aan weli imaan madaxtooyada in ay Alshabaab hoteel kusoo weerareen, oo in ay dili rabeen, ka dibna ay dhowr jeer soo weerareen. “Weerarka dhacay bishii March waa kii shanaad ee ay rabeen in ay igu dilaan, marka, nimankaas aniga iyo iyagu waa is naqaan" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in isagoo doonaya in ay Soomaaliya ka xarowdo Alshabaab in uu u dhinto qadiyadaas, anaay jirin wax uga macno badan.
Maxaa keenay in Alshabaab ay dib u qabsadaan qaar ka mida deegaanadii horey looga xoreeyay

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaan weydiinay madaxweynaha, in markjii uu xafiiska yimid in ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee macawisleydu ay bilaabeen guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo deegaanno badan oo ka mid ah Galmudug iyo Hirshabelle lagu qabsaday balse sanadkan ay Alshabaab deeganadaas qeybo ka mid ah ay dib u qabsadeen?
Madaxweynaha ayaa ku dooday in dadka Soomaaliyeed ay tahay in laba wax-yaalood ay ukala saarnaato "dagaalka guud ee uu dalku ku jiro iyo goob dagaal oo lagu kala adkaan karo, goob dagaal maalinna waa lagu riixaa maalinna wax baad riixeeysaa"
Madaxweynaha ayaa sheegay in waxa la tilmaamaya ay hadada yihiin goob dagaal laakin goobo kuwaas ka badan in ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay Alshabaab ka saareen, sida uu dalka u dhigay madaxweyne Xsan Sheekh.
Madaxweynaha mar la weeydiiy in meelaha qaar sida Aadan Yabaal ay ciidamadu iskaga baxeen dagaal la'aan, waxa uu ku adkeystay in meel ciidanku ay dagaal la'aan uga baxeen aanay jirin. “Meel walba ciidanku dagaal ayeey uga baxeen ama daruuftaa u saamixi weysay in ay meesha hayaan" ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in saraakiisha goobtu ay go'aanadooda u madaxbannaanyihiin sida hadii ay dib u gurasho sameeyaan iyo haddii kaleba.
Sida uu arko warar horey u soo baxay oo sheegayay in dardarta dagaal ee Alshabaab ay kula jirto dowladda, in Alshabaab ay la waregi karaan Soomaaliya, madaxweynuhu waxa uu kaga jawaabay "Dacaayad ayey ahayd, 18 sano ayeey joogaan Alshabaab haddii ay hadda ka hor qabsan waayeen rajo ah in Alshabab Soomaaliya qabsadaan waa dhimatay" ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in ay dhawdahay rajo ah in Alshabaab laga tirtiro Soomaaliya.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Soomaaliya ay caddow badan leedahay, arimo badana ay sabab u ahaayeen in Alshabaab joogaan dalka 18 sano, barabagaando ayey ahayd in la yiraa bisha Ramadaan Alshabaab ayaa xamar qabsanayo iyo Al-shabaab waxa uu nqoonayaa Dhaalibaan oo kale "Soomaaliya sida Afgaanistaan oo kale ma ahan, Shabaabna Dhaalibaan ma ahan, anaguna madaxdii iyo masuuliyiintii Afghanistan joogtay ma nihin".
Maxay Dowladdu ka caawisay Puntland dagaalka ay kula jirto Daacish
Anagu diyaar ayaan u nahay, una ahayn laakiin wax weyn oo baahi ah oo ay noosoo guydbisay Puntland oo maxalli ah ma jiraan ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhanka kale sheegay in ciidan dolwadda Soomaaliya ka amar qaata uu joogo Puntland ,waqti kastana diyaar u ah in ay dagaalka galaan laakin sida aan horey kuugu sheegay buu yiri dadka jooga goobta dagaalku ka socdo ayaga ayaa u madaxbannaan go'aandooda." 100% ayaan Puntland ku garab taaganahay dagaalka ay Daacish kula jirto, caalamkana waan u sheegeynaa, oo caalmka, halkan Alshabab naga kaalmeeyo ayaa xaggana nagu kaalmeeyo in Daacish laga adkaado.
Madaxwyenaha ayaa sheegay in dagaalkaas Daacish ay u arkaan dagaal khatar ku ah jiritaanka Soomaalida iyo Soomaaliya wixii aan kari karna ka hagranmeyno haddii Alle yiraa.
Amniga Muqdisho oo soo hagaagaya maxaa u sabab ah?
Madaxweynaha oo ka hadlayey amniga Muqdisho ayaa sheegy in magaalada amaankeedu uu hadda aad u wanaagansanyahay, laakin waxa uumadaxweynuhu sheegay in aanu amnigu si iskiis ah iskaga soo hagaagin ee uu ku yimid Alla rabitaankiisa kasoow in dowladda Soomaaliaya, ciidamda amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ay sabab u ahaayeen, kuwaas oo aad iyo aad uga hor yimid fikirka aragagaxa leh ee Alshabaab kuwaas oo ku dhibaatooday buu yiri, xanuunkiisana dareemay.
Madaxweynaha oo sii faahfaahinaya amniga Muqdisho sida uu usoo hagaagay ayaa sheegay in bishii August caasimad ka mid ah caasimadaha Yurub, 18 qof ay ku dhimatay , Muqdishana aanu hal qof ku dhiman. "Qaraxna uma dhiman, toogshana uma dhiman".
Ciidamda Masar ee Soomaaliya imanaaya maxay uga dhigantahay Soomaaliya
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 17 sano ka hor ciidamdii yimid mid ka mid ah hadii uu meesha ka baxo, in nciidan kale ay soo bedelaan ciidankaasna ay tahay.
Masar ayaa ku guuleeysatay in ay soo bedesho oo Midowga Afrika ogolaashihiisa ayey la timid ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ogolaasho Midowga Afrika ay ku joogeeyso marka dhawna ay imaaneyso.
Madaxweyaha waxa uu sheegay in xiriir qoto dheer ay Soomaaliya la leedahay Masar , Itoobiyana ay tahay deriskeena dalalka ugu mihiimsan ee dalkan Alshabab kula dagaallamay
"Anaga iyo Itoobiya isma dooran ee hal doorasho ayaan qabnaa in aan nabad kuwada noolaano" ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray in Masar iyo Itoobiya ay iyagu ka dowlad ahaan u yeerteen, in ay halkan isku diriraanna suurta gal ma ahan, hadafkeenana ma ahan saas. "Soomaaliya in laba dowladood oo ajnabi ah inta ay yimaadaan ay isku diriraan ma aqableyno" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh .













