Magaalada Suuriya ku taalla ee xanrunta u ahayd Khilaafadii Umawiyiinta

Suuriya

Xigashada Sawirka, Wikimedia Commons

Qoraalka sawirka, Magaalada Dimishiq

13 sano kaddib ilaa markii uu bilowday kacdoonka Suuriya waxay ciidamada mucaaradka galeen magaalada Dimishiq, taasna waxay soo afjartay xukunka madaxweyne Bashar al-Assad.

Dhabtii waxa dhacaya waxay ka turjumayaan adkeysiga lagu yaqaan magaalda. Hadaba maxay taariikh u leedahay magaalada Dimishiq?

Magaalada Dimishiq waa magaalo qadiimi ah, ilaa hadda lama oga markii ugu horeysay ee lad ego. Meelo la qoday 1950-kii waxay muujinayaan in magaallo ay hakaas aheyd afar kun ka hor dhalashada Nabi Ciise nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Waxaa magaalada qeybta qadiimiga laga helay gabayo xilligaas la tiriyay. Sidoo kale waxaa la helay dhoobo ay ku qoran tahay magaca Dimishiq.

Sidoo kale magaalada waxaa ku noolaa dad asalkooda Carab iyo Yahuud ka soo jeeda kuwaas oo lagu sheegay taariikhooda kutaabadii hore ee jiray, sidoo kale waxaa laga helay magaalada masjid.

Ka hor dhalashada Nabi Ciise, Dimishiq sida magaalooyinka kale ee gobolka waxaa qabsaday shisheeye ku soo duulay sida Babaliyiinta iyo Asseriyaanka. Kooxaha kale ee magaalda qabsaday waxaa ka mid ah Griigga iyo Romanka.

Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dimishiq waxay ku milantay boqortooyadii Romanka, waxayna u aheyd magaalada ugu weyn. Waxaa laga helayaa raadadka qasriyada Romanka oo ku yaal waqooyi-galbeed magaalada.

Sidoo kale waxaa weli tagan kinisadda Ananiyas oo ku taal dhinaca bari ee magaalada. Si la mid ah inta kale ee dalka magaalada waxay noqotay magaalo Masiixi qarnigii afaraad. Kaddib markii Romanka kala qeybsamay, waxay Dimishiq noqotay meel muhiim u ah militeriga oo saldhigyo laga sameysto.

Si kasta ha ahaatee, arrimaha caqiidada iyo siyaasadda ayaa keenay kala qeybsanaanta iyo dagaalada Kunastantiiniya oo hadda ah Istanbul iyo Bershiyaanka qarnigii 6aad. Inta badan waxay ku dagaallameen dhulka Suuriya. Dagaalkaas wuxuu burburiyay dhaqaalaha dalka wuxuuna horseeday in ciidamada Muslimiinta lagu soo dhaweeyo magaalada Dimishiq.

Caasimadda Khilaafada

Caasimadda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida uu qorayo Encyclopedia loo yaqaan Britannica, waxay Muslimiinta Carabta aheyd keeneen diinta Islaamka balse naqshada magaalada waxba kama beddelin.

Sanadkii 66,1 waxa uu Mucaawiya Ibnu Abii Sufyan ka dhisay magaalada maxkamadda maamulkiisa.

Ku dhawaad qarni, waxay magaalada aheyd caasimadda boqortooyo sii fideysay oo gaaray dalka hadda loo yaqaan Spain ilaa iyo xuduudaha Shiinaha. Waa boqortooyadii ugu balaarneyd taariikhda Islaamka.

Khilaafada Al-walid ayaa dhistay Dimishiq intii u dhexeysay sanadihii 706 iyo 715. Inkastoo waxyeelo soo gaartay oo la gubay hadana dhowr jeer ayaa dib loo dhisay. Weli waxay leedahay naqshadaha mucjisada ee Islaamka laga dhaxlay.

Ahmiyadeeda oo hoos u dhacday

Kaddib markii ay burburtay khilaafadii Umawiyiinta sanadkii 750-kii, waxay Cabbaasiyiintu u guureen magaalada Baqdaad. Darajada ay laheyd magaalada Dimishiq hoos ayey u dhacday, waxay noqotay gobol cunaqabteyn saaran tahay.

Dhabihii ganacsiga ayaa isbeddelay, Dimishiq waxay lumisay inta badan awoodeeda dhaqaale. Xaalada magaalada waxba iskama baddelin, xitaa markii ay Turkida xunkunkeeda la wareegeen.

Masiixiyiinta ayaa khatar ku ahaa magaalada dhammaadkii qarnigii 11-aad, inkastoo Dimishiq u suuragashay in aan toos loo qabsan balse waxay la kulantay weeraro badan iyo haraareyn. Intii ay socdeen dagaaladaas waxaa dib loo dhisay darbiyada magaalada.

Qarnigii 12-aad magaalada waxay u qeybsantay qeybo badan. Qeyb kasta waxay leedahay adeeg guud oo u gaar ah sida masaajidyo, suuqyo yar yar iyo biyo ka madaxbannaan qeybaha kale.

Waaga Cusub

dimishiq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu qorayo Encyclopedia Britannica waa cusub ayaa u bilowday magaalada markii Nuuradiin Zanki, Amiirkii Turkiga, uu qabsaday magaalada sanadkii 1154. Markale ayuu ka dhigay caasimadda boqortooyo xoog badan iyo saldhig militeri oo lagula dagaallamo masiixiyiinta.

Magaalada way soo kabatay, waxaana la xoojiyay difaaceeda. Waxaa la dhisay dhismooyin diimeed kuwa rayid. Sidoo kale waxaa la sameeyay naqshado cusub. Xaafado loogu talogalay muhaajiriinta ayaa la dhisay. Si kasta oo magaalada dib u dhac ugu yimadana way ka soo kabatay.

Intii uu xukumayay Salahu-din Ayubi ilaa iyo 1260-kii, waxay magaalada yeelatay xarumo waa weyn oo diimeed iyo dugsiyo diinta lagu barto.

Dimishiq iyo qeybo badan oo ka mid ah Suuriya waxay ku burbureen duullaankii Mangooliyiinta ee 1260-kii, waxaana burburay dhaqaalaha balse Mamlukiskii xukumijiray Masar ayaa ku jabiyay Mangooliyiinta dagaalka dhacay bishii Sabtembar 1260-kii. Dhaqaalaha ayaa dib u soo kabtay kaddib markii Mangooliyiinti dib u gurteen.

Dagaalada iyo Musiibooyinka

In ka badan 150 sano, Dimishiq waxay aheyd meel ay ku dagaallamaan Masiixiyiinta iyo Muslimiinta. Afar ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu caansan Muslimiinta ayaa ku aasaan Dimishiq. Qabuuraha ay ku aasan yihiin waa kuwa la dhisay oo la qurxiyay. 1990-kii ayaa dib loo dayactiray.

Dimishiq waxaa soo maray labo musiibo oo weyn. Tan ugu horeysa waxay aheyd markii uu ka dilaacay cudur safmar ah intii u dhexeyay sanadihii 1348 iyo 1349. Kala bar dadkii magaalada ayaa ku dhintay. Musiibada labaad waxay aheyd markii Timurka ay burburiyeen magaalada iyo siyaasadooda aheyd in ay ka ka xeeyaan magaalada intii wax taqaanay.

Xukunkii Cusmaaniyiinta

Khilaafadii Cusmaaniyiinta, Dimishiq waxay weyday maqaamkeeda siyaasadeed balse waxay sii xajisatay tan ganacsiga.

Cusmaaniyiinta oo haystay maamuuska sharafta leh ee ah ilaaliyayaasha Maka iyo Madina ayaa ka dhigay Suuriya halka ay ku kulmaan xujeyda ka imaaneysa waqooyiga iyo bariga.

Hafez al-Assad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xaafid al-Assad

Qarniyadii 19-aad iyo kii 20-aad

Qarnigii 19-aad waxaa u bilowday waa cusub, waxaa la dareemay saameynta reer Yurub. Muhammad Ali Pasha oo xukumayay Masar ayaa sidoo kale Suuriya haystay intii u dhexedysya 1832 iyo 1840. Casriyeen ayuu ka fuliyay dalka.

Dagaalkii koowaad ee adduunka, Dimishiq waxay aheyd xarunta Cusmaaniyiinta iyo ciidamadii Jarmalka. Intii uu dagaalkaas socday iyo ka hor waxaa Dimishiq ka bilowday ololaha qaranimada Carabta kaas oo ka hor yimid Cusmaaniyhiinta.

Ugu dambeyn Cusmaaniyiinta waxaa jabiyay Carab iyo Britain oo isla socda. 1918-kii ayey magaalada isaga baxeen. Dal Suuriya oo madaxbannaan ayaa la dhisay 1919-kii kaas oo caasimad ay u noqotay Dimishiq.

Dhowr afgembi oo dalka ka dhacay laga bilaabo 1949-kii ilaa iyo 1970-kii, wuxuu sababay in hoggaamiyayaal badan xukunka kala qabsadaan. 1958 ilaa iyo 1961-dii waxay Masar iyo Suuriya ku mideysnaayeen magaca Jamhuuriyadda midowga Carabta.

1963-dii waxaa dalka qabsaday xisbiga Bacas kaas oo keenay hantiwadaag. 1970kii waxaa dalka afgembi ku qabsaday Xaafid al-Asad oo ahaa wasiirka difaaca. 30 sano ayuu xukumayay dalka. 2000 markii uu geeriyooday waxaa xukunka la wareegay wiilkiisa Bashar al-Assad.

Bishii Maarso ee sanadkii 2011-kii waxaa ka horyimid dowladda Bashar al-Assad kacdoon dadweyne oo aysan hore u arag. Ugu dambeyn dagaal socday muddo ayaa keenay in xukunka laga tuuro Bashar al-Assad.