Kenya oo sheegtay inay ka hortageen weerarar ay damac sanaayeen al-shabaab iyo halka ay ka geysan rabeen

Xigashada Sawirka, Counter Terrorism Policing KE/Social
Sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen Booliska ka hortaga weerararda Argagixsada ee dalka Kenya oo lagu daabacay bartooda X, ee horrey loo oran jiray Twiter, ayaa lagu xusay in waaxda oo kaashanaysa hay'addda Sirdoonka ay ka hortageen waxay ugu yeereen weerar ay damacsanaaayeen kooxda al-shabaab inay ka fuliyaan gudaha Kenya.
"Qorshayaal ay maleegayeen kooxda argagixisada ee Al Shabaab si ay dad badan oo Kenyan ah ugu dilaan magaalada Nairobi ayaa mar kale waxaa fashiliyay hay'adaha sirdoonka."ayaa lagu yiri qoraalka CTPK.
Boolisku waxay intaas raaciyeen in muddo bilo ah oo ay samaynayeen howlgalo dabagal iyo xog aruurin qarsoodi ah ay ku qabteen waxay ugu yeereen shabakad argagixiso oo ay sheegen inay ka hawlgallaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Howlgalkaas ayey Booliska ka hortaga weerarada argagixisada Kenya sheegeen inay horseeday inay gacanta ku dhigaan 600 xabbo oo rasaas ah, bastoolado, bam-gacmeedyo, walxo qarxa, iyo maandooriye, kuwaas oo dhammaantood sheegeen in loo waday bartilmaameedyo ku yaalla Nairobi.
"Argagixisada, oo qorsheynayay inay weerarka fuliyaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, ayaa sidoo kale sahaminayay suurtagalnimada afduubka ajaanib iyo qafaalashada gaadiid. Nairobi weli waa ammaan, taas oo ay sabab u tahay ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee ka tirsan hay'adaha amniga kuwaas oo saacado dheer ku bixiya raadinta iyo qabashada argagixisada iyo dembiilayaasha halista ah." ayey intaas ku dareen CTPK.
Sdia uu BBC-da u sheegay Cismaan Ibraahim, guddoomiyaha guddiga amniga ee Dhadhaab, mesha lagu qabtay hubka ay gacanta ku dhigeen Booliska ka hortaga weerararda Argagixsada ee dalka Kenya ayuu sheegay inay u dhaxaysa deegaan lagu magacaabo Guurow.
Cisman, wuxuu sheegay in ciidamadu ammaanku ku mahadsan yihiin qabashada hubkaas iyo ka hortaga dhibkii lagu geysan lahaaba.
"Dadka labad dhinac degganba waa Soomaali laakiin ammaan darrada ka jirta dhanka Soomaaliya ayaa xoogaa na dhibaysa"ayuu yiri Cismaan.
Kenya oo 15 sano ka dib dib u furaysa xuduudkii ay la leedahay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Washinton Post via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la wadaagto Soomaaliya bisha Abriil, ku dhowaad 15 sano kadib markii loo xiray sababo la xiriira weerarro ay geysteen kooxda Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Kooxda Alshabab oo saldhiggeedu yahay Soomaaliya ayaa ka dambeysay weerarro dhimasho badan sababay oo ka dhacay Kenya, oo ay ku jiraan weerarkii xarun ganacsi oo ku taalla caasimadda Nairobi sanadkii 2013 oo lagu dilay 67 qof, iyo weerarkii jaamacadda Garissa laba sano kadib oo ay ku dhinteen 148 qof.
Qorshaha dib u furista ayaa hore loo shaaciyay sanadkii 2023, balse weerarro kale ayaa dib u dhigay fulintiisa.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in go'aanka dib loogu furayo laba marin xuduudeed uu ka dambeeyay qiimeyn amni oo socotay sanado badan, isagoo intaa ku daray in la kordhin doono ciidamo si loo hubiyo in tallaabadan aysan wax u dhimin amniga.
Madaxweynaha ayaa qorshahan ku dhawaaqay xilli uu booqasho ku tagay magaalada Mandera ee waqooyi-bari Kenya, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah.
"Ma aha wax la aqbali karo in muwaadiniinta Kenya ee Mandera ay ka go'naadaan ehelkooda iyo deriskooda Soomaaliya sababo la xidhiidha xidhnaanshaha muddada dheer ee Xuduudda Mandera," ayuu Ruto ku qoray bartiisa X.
Lama garanayo in go'aanka Kenya u umar kale wax iska baddeli doono ka dib shaacinta weerar laga hortagay oo ay damacsanaayeen kooxda al-shabaab sida ay shegeen Booliska ka hortaga weerararda Argagixsada ee dalka Kenya.
Xerada qaxootiga ee Dadaab waxaa la aasaasay sannadkii 1991, markii qaxooti ka cararayay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Somalia ay bilaabeen inay ka gudbaan xadka una soo galaan Kenya.
Waxaa la rumaysan yahay inay hoy u tahay ku dhawaad nus malyuun qof oo Qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka dariska la ah Kenya.













