"Haddii aynaan bad helin, dagaal baa dhici doona"

Dalalka Kenya iyo Uganda oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa khilaaf afka ah soo kala dhexgalay mas'uuliyiintooda ugu sarreysa, taasoo ka dhalatay fikrado adag oo ku saabsan dekedda.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa mee fagaare ah uga dhawaaqay toddobaad ka hor dhammaadkii bishii Oktoobar in dalkiisu "uu galayo badweynta Hindiya" isagoo sii maraya Kenya, taasoo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ka dhalin karto gobolka.
Kadib su'aasha adag ee madaxweynaha iyo mowqifka geesinnimada leh, ayaa dadka qaar waxay sheegayaan in mustaqbalka uu khilaaf ka dhex qarxin karo waddamada Bariga Afrika.
Madaxweyne Museveni waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefishanka Qaranka.
Wareysiga ayaa lagu qabtay bariga magaalada Mbale, halkaasoo ay olole ka wadeen.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo qaaday lahaanshaha dekedda isagoo ka hadlay is dhexgalka dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ee waddamada Bariga Afrika.
Museveni waxa uu sheegay in afarta dal ee Bariga Afrika ay leeyihiin horumar dhinaca tignoolajiyadda ah oo ay ku jiraan militariga iyo sahaminta hawada sare, taasoo la jaan qaadaysa baaxadda dhaqaale ee ay leeyihiin.
"Sidee Afrika isku difaaci kartaa? Is-dhexgalka dhaqaale ayaa caawin doona dhaqaalaha," ayuu yiri

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Taas waa sababta aan dadka ugu sheego, miyaydaan arkin sababta aan ugu baahannahay inaan midowno, sababtoo ah... haddii Uganda ay rabto inay abaabusho ciidammo badda ah, sidee ayay u dhisi kartaa? Ma lihin ciidammo badda ah," ayuu yiri, isagoo usii gogol-xaaranaya su'aashii ugu weynayd.
In kasta oo Kenya ay tahay waddan muhiim u ah ganacsiga iyo sahayda ganacsiga ee Uganda, haddana weli lama hirgelin qorshayaashii mashaariicda wadajirka ahaa ee shidaalka, dhismaha waddooyinka, iyo dhismaha waddo tareen.
Madaxweynaha ayaa yiri "Wada hadal aan dhammaad laheyn ayaa Kenya la galnay... khadka tareenka, dhismaha dhuumaha shidaalka, sababtoo ah dalkeenna si dabiici ah waa mid aan bad lahayn, laakiin badda anigana waan leeyahay, maxaa yeelay aaway baddeyda, anigaa iska leh baddaas, mustaqbalka waxaa dhici doona dagaal, waxaa hubaal ah in mustaqbalka aan dagaal geli doonno".
Hadalkan uu Museveni jeediyay kaliya ma noqon mid laga doodo oo laga tebiyo baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ah ee Kenya, balse sidoo kale wuxuu dhaliyay caro.
Isagoo arrintaas ka jawaabaya, sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Korir Singoy, ayaa sheegay in dalkiisu u hoggaansamayo shuruucda caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka sharci ee lagu maamulayo xuquuqda dhulalka iyo kheyraadka dabiiciga ah, soo jeedinta Uganda-na ay tahay sharci-darro.
Uganda waa dal aan bad lahayn, balse hamiga Madaxweyne Yoweri Museveni ee ah in la dhiso ciidamada badda iyo in si aan xaddidneyn loo wadago badweynta Hindiya ayaa khatar cusub ku abuuraysa Bariga Afrika.
Museveni ayaa sheegay in Uganda ay leedahay xuquuq badeed oo ay la jaan qaadayso deriskeeda xeebta leh ee Kenya iyo Tanzania, isagoo si maldahan u sheegay haddii aysan taasi suuro-gal ahayn in tallaabo milateri laga qaadi karo.













