Kenya oo ka soo horjeedda askareynta muwaadiniinteeda ee ciidanka Ruushka

Kenyan

Xigashada Sawirka, Ukraine Defence Intelligence

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay kala hadli doonto Ruushka warbixinno isa soo taraya oo sheegaya in muwaadiniinteeda loo qorayo in ay ka barbar dagaallamaan ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine, iyadoo ficilkaas ku tilmaantay mid aan la aqbali karin.

Cadaadis sii kordhaya ayaa saarnaa dowladda Kenya si ay tallaabo u qaaddo, ka dib markii la helay meydad kale oo muwaadiniin ah oo iska diiwaangeliyay inay la dagaallamaan ciidamada Ruushka ee ka soo horjeeda Ukraine.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in 8 qof oo rayid ah oo u safray Ruushka ay dhinteen ama aan meel lagu sheegin, balse weli ay jiraan dad kale oo sii wada isdiiwaangelinta si ay halkaas ugu safraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in ay wadaan dad xooggan oo diiradda lagu loo joojin lahaa qaababka sharci-darrada ah ee lagu diiwaangeliyo dadka shaqo doonka ah, islamarkaana ay Ruushka kala hadli doonaan hannaanka bixinta fiisooyinka iyo heshiisyada shaqo ee labada dhinac.

Mudavadi wuxuu sheegay in heshiis shaqo oo sax ah oo u dhexeeya Kenya iyo Ruushka uu "qeexi doono meelaha ku habboon shaqaalaysiinta", si loo hubiyo hufnaan, isagoo intaas ku daray in "Kenyanka aan lagu qori karin ama lagu khasbi karin in ay ku biiraan ciidanka Ruushka".

"Haddaan nahay Kenya, waxaan rabnaa in aan si cad u sheegno in aanan doonayn in dadkeenna loo qoro shaqooyinka milatari oo noocaas ah," ayuu Musalia ku yiri wareysi uu siiyay BBC.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in ilaa hadda 27 Kenyan ah oo u dagaallamayey Ruushka dib loogu soo celiyay dalkooda. Jimcihii, meydadka laba muwaadin oo Kenyan ah oo iska diiwaangeliyay in ay u dagaallamaan ciidamada Ruushka ayaa laga helay bariga Ukraine.

.

Xigashada Sawirka, Ukraine Defense Intelligence

Qoraalka sawirka, Fishing for family

Waaxda sirdoonka militariga Ukraine ayaa sheegtay in meydadka laga helay meel u dhow magaalada Lyman ee gobolka Donetsk. Helitaanka meydadkan ayaa yimid toddobaad kaddib markii qof kale oo Kenyati ah laguna magacaabo Clinton Nyapara Mogesa oo 29 jir ahaa la dilay, iyadoo meydkiisa laga helay dhul ay Ruushku maamulaan oo ka tirsan Donetsk, kaddib qarax lala eegtay.

Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in meydka laga helay baasaboorrada laba muwaadin oo Kenyan ah oo kale, ku waas oo ay rumeysan yihiin in ay yihiin la haysteyaal loo diyaarinayay in dhowaan loo diro hawlgallo ciidan.

Musalia ayaa sheegay in dowladda ay xirtay in ka badan 600 oo hay'adood oo wax shaqaaleeya, ka dib markii lagu tuhumay in ay dad Kenyanti ku hodeen ballanqaadyo shaqo oo dibedda ah, isaga oo beeniyay warar sheegaya in dowladda ay ku guuldarreysatay taageeridda qoysaska dhibbanayaasha.

Dowladda Kenya ayaa ku qiyaastay in ku dhowaad 200 Kenyati ah loo qoray in ay ka dagaallamaan dagaalka Ruushka, balse tirada saxda ah weli lama oga, iyadoo dowladdu ay ku adkeysanayso in aysan jirin cid halkaas ku tagtay wadiiqooyin rasmi ah oo shaqo.

Waxaa jira walaac laga muujinayo in shaqo la'aanta ka jirta dalku ay ku riixayso dhallinyarada in ay raadsadaan shaqooyin halis ah oo dibadda ah, wax kasta ha kun qaadatee.