Soomaaliya oo mar kale kaalinta ugu hooseysa ka gashay liiska musuqmaasuqa dunida

Xigashada Sawirka, Transparency International
Soomaaliya ayaa kaalinta ugu hooseysa ka gashay heerka kala sarreynta tusmada musuqmaasuqa dunida, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Transparency International.
Warbixintan oo sannad walba la daabaco ayaa tibaaxday in toban ka tirsan 49 dal oo gobolka ku yaal ay si weyn hoos uga dhaceen heerkii ay joogeen 2012, iyadoo todobo waddan oo qura ay soo hagaageen xilligaas, taas oo muujineysa in dadaallada lagu hufayo hannaanka dowlad wanaaggu uusan sidii la filayey u mirodhaleyn.
Transparency International waxay walaac ka muujinaysaa in musuqmaasuqa ku jira maareynta hantida dadweynaha uu ka tarjumayo maqnaanshaha anshaxa siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha, islamarkaana uu caqabad ku noqday awoodda dadweynaha ee helidda adeegyada aasaasiga ah, taas oo saameysa nolosha maalinlaha ah — iyadoo dadka ugu nugul ay yihiin kuwa ugu daran ee ay waxyeelladu ku dhacdo.
Warbixintu waxay sheegtay in si loo hagaajiyo nolosha dadka, dowladaha gobolka looga baahan yahay in ay mudnaanta siiyaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo dimuqraadiyadda.
Farqiyada ka jira nidaamyada iyo qaab-dhismeedyada la-dagaallanka musuqmaasuqa ayaa sii hurinaya ku takri-falka hantida dadweynaha ee Afrikada ka hooseysa Saxaraha.
Madagascar (25), dhibaatooyin joogto ah oo musuqmaasuqa dalkaas ragaadiyey lala xiriirinayo ayaa ahaa sababta ugu weyn ee kicisay kacdoonnadii ay sameeyeen dhallinyarada jiilka Gen-Z, kuwaas oo horseeday in dowladdii dhacdo bishii Oktoobar 2025.
Dibadbaxayaasha oo dalbanayey isbeddel, ayaa waxay farta ku fiiqeen faa'iido-raadinta ay sameeyaan hoggaamiyeyaasha iyo dadka ku xeeran, ku takri-falka hantida dadweynaha oo sababay fashil joogto ah oo ku yimid adeegyada biyaha, korontada iyo adeegyo kale, isla xisaabtan la'aanta iyo ciqaab la'aanta saraakiisha musuqmaasuqa ku lugta leh, iyo dhibaatooyin nidaamsan oo kale.
Dalka Angola (32) wuxuu sare u kacay 17 dhibcood tan iyo 2015, taas oo ka dhalatay tallaabooyin lagu adkeeyay la-dagaallanka musuqmaasuqa, taas oo muujineysa in waddanku horumar sameeyay tobanka sano ee la soo dhaafay. Taas oo jirtana Angola waxay weli ku jirtaa heerarka hoose ee tusmada, iyadoo dadka dalkaas u dhashay badankoodu ay aaminsan yihiin in dadaallada dowladda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ay yihiin kuwo aan ku filnayn, isla markaana ay rumeysan yihiin halista aargoosi ee ay muteysan karaan haddii ay soo sheegaan musuqmaasuq.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dalka Seychelles (68), oo ah waddanka ugu sarreeya dhanka dhaqaalaha ee gobolka, waxaa isa soo taraya walaacyada ku saabsan adkeysiga tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa, kaddib dib u dhac ku yimid baarista iyo dacwad oogista kiis la xiriira lacag la sheegay in la dhaqay oo gaareysa 50 milyan oo doollar oo Mareykan ah.
Dhanka kale, Mozambique (21) waxay hoos u dhacday 10 dhibcood tobankii sano ee la soo dhaafay. Qiimeyn rasmi ah oo la someeyey wayaa muujinaysaa in 334 kiis oo cusub oo musuqmaasuq ah la diiwaangeliyay saddexdii bilood ee ugu horreeyay ee 2025, iyadoo khasaaruhu gaarayo qiyaastii 4.1 milyan oo doollar oo Mareykan ah, taas oo muujinaysa baaxadda caqabadda jirta.
Paul Banoba oo ah La-taliyaha Gobolka Afrika ee hay'adda Transparency International, ayaa mar uu ka hadlayey saameynta musuqa Afrika wuxuu sheegay in "Musuqmaasuqa ka jira waaxda dadweynaha mar walba wuxuu si daran u saameeyaa dadka ugu nugul.
Paul Banoba oo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in "inkastoo Midowga Afrika uu qaatay Heshiiska Ka Hortagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa in ka badan labaatan sano ka hor, haddana weli wax badan ayaa u baahan in la qabto. Dowladaha Afrikana waxaa looga fadhiyaa in ay ballanqaadyada la-dagaallanka musuqmaasuqa si deg-deg ah ugu beddelaan tallaabooyin ficil leh, iyagoo sii xoojinaya hay'adaha isla xisaabtanka, kordhinaya hufnaanta, ilaalinaya ka qaybgalka bulshada rayidka, islamarkaana hirgelinaya hubin iyo isku-dheellitirka awoodda".
Natiijooyinka hufan ee gobolku ku tillaabsaday
Tusmada odoroska Musuqmaasuqa ee loo yaqaan CPI, wuxuu qiimeeyaa 182 dal iyo dhulal isugu jira, isagoo ku kala saaraya heerarka musuqmaasuqa ee ka jira waaxda dadweynaha, cabbir u dhexeeya eber (musuqmaasuq aad u badan) ilaa 100 (baraxla').
Heerka musuqmaasuqa kaalinta 68-aad ewaxaa ku jira dal Seychelles, kaas oo ka dhigan waddanka ugu huffan gobolka, waxaana ku xiga Cabo Verde (62), Botswana (58) iyo Rwanda (58). Dhanka kale Waddamada ugu hooseeya waxaa ka mid ah Sudan (14), Eritrea (13), Soomaaliya (9) iyo Koonfur Suudaan (9).
Tusmada Aragtida Musuqmaasuqa oo qiimeysa 182 waddan oo caalamka ah, waa tilmaameha ugu muhiimsan ee caalami ah ee lagu cabbiro musuqmaasuqa ka jira waaxda dadweynaha.
Soomaaliya ayaana sannadkan heshay dhibco dhan 9, iyadoo aan sameyn wax isbeddel ah marka laga shidaal qaato sanadkii hore, taasoo ka dhigaysa in ay ku jirto kaalinta 181-aad ee 182 waddan.













