Maxay xilligaan cirka isugu sii shareeraysaa xiisadda Itoobiya iyo Eritrea?

Abiye iyo Afwerki

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday Eritrea in ay kala baxdo ciidamadeeda sida sharci darrada ah ku jooga xadka Itoobiya.

Warqad ay qortay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ku taariikheysneyd January 7,2026 uuna ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda Gedion Timothy ayaa lagu sheegay in Eritrea ay ciidamadeeda ku sii heyso Itoobiya ay xaaladda uga sii dari doonto.

Eritrea ayaa beenisay in ciidamadeeda ay soo galeen xudduudaha Itoobiya ama ay taageereen mintidiinta Itoobiya.

Sabtidii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Cismaan Saalax ayaa warqad u qoray dhiggiisa Eritrea, isagoo ku eedeeyay Eritrea inay khalad samaysay.

Itoobiya ayaa sidoo kale soo jeedisay in wadahadal lagu dhameeyo arrinta xadka badda.

Eritrea, si kastaba ha ahaatee, waxay soo saartay bayaan ay kaga jawaabayso eedeymaha Itoobiya oo ah "wax macno darro ah".

Dowladda Eritrea oo ka jawaabtay hadalkeeda ayaa sheegtay in sheegashada Itoobiya ee ah in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin xuduudeeda ay tahay mid been abuur ah oo xaqiiqada ka fog.

Iyadoo wadamadan ay isku eedeynayaan kooxda TPLF ayaa ku eedaysay dawlada federalka ah inay isku diyaarinayso inay dagaal kale ku qaado Tigrayga.

Maxay xaaladda labada waddan hadda usii xumaatay?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Darajje Yimar, oo sanadkii saddexaad barta cilmiga siyaasadda, ayaa sheegay in warqaddu tahay mid lama filaan ah.

Waxa uu xusay in ciidamada Eritrea ay horay u joogeen xuduudka Itoobiya, wuxuuna falanqeeyay sababta keentay in dhinaca Itoobiya ay dacwad ka gudbiyaan.

Waxay sheegeen in Itoobiya ay doonayso inay fududayso badda cas.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in dagaalka lagu qaado dhulka Badda Cas ay keeni karto mucaaradad kaga timaada beesha caalamka.

"Sharciga caalamiga ah, heshiiskii hore ee Algiers wuxuu Itoobiya gelin karaa dhibaato, kama badbaadinayo inay dagaal la gasho arrintan."

Sababta ay Itoobiya u adeegsan karto dagaal waa waxa ku qoran cahdiga Qaramada Midoobay, ayuu yidhi falanqeeyaha.

"Haddii madax-bannaanida waddan ay halis gasho, waa in ay si degdeg ah uga noqotaa awooddaas buuxda," ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in madax-banaanida Itoobiya ay khatar ku jirto, haddii ay dawladda Itoobiya ay Eritrea u adeegsato awood ciidana , "taasi ay ka ilaalineyso cadaadis diblomaasiyadeed oo kale oo uga yimaada beesha caalamka.

Dhanka kale Dr Nagaraa Guddataa oo ah falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay aaminsantahay in Eritrea ay si gaar ah ugu lug leedahay dagaaladii dhawaan ka dhacay galbeedka Tigray.

Dagaalkan ayay sheegeen inuu ahaa kii todobaad ka hor ku dhex maray kooxda TPLF, dawladda federaalka iyo ciidamada TPF ee fadhigoodu yahay Canfarta ee galbeedka Tigray.

Dhanka kale, "waxaa jira warar sheegaya in askar iyo basaasiin Eriteriyaan ah la xiray, dowladduna ay doonayso inay cabsi geliyaan," ayuu yiri.

"Uma malaynayo in Itoobiya iyo Ereteriya midkoodna uu diyaar u yahay in uu dagaal galo," ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax ayaa goor sii horeysay ka hadlay mowqifka dowladdiisa ee shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tani ay ku badan tahay hannaanka diblomaasiyadeed.