Boqorka Ingiriiska oo 'walaacsan' xilli booliisku eegayaan eedaha loo haysto walaalkiis ee la xidhiidha Epstain

Xigashada Sawirka, EPA
Boqor Charles ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka cusub ee fadeexadda la xidhiidha Jeffrey Epstein, isaga oo sheegay in Qasriga Buckingham uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo booliska marka ay qiimeynayaan eedeymaha ka dhanka ah walaalkiis Andrew Mountbatten-Windsor.
"Boqorku si cad ayuu u muujiyay, hadal iyo ficil ba, welwelkiisa qoto dheer ee ku saabsan eedeymaha weli soo baxaya ee la xidhiidha hab-dhaqanka Mr Mountbatten-Windsor," ayuu yidhi afhayeen u hadlay Qasriga.
"Eedeymaha gaarka ah ee la soo bandhigay waa arrin uu Mr Mountbatten-Windsor isagu ka jawaabayo. Hase yeeshee, haddii Booliska Thames Valley nala soo xiriiraan, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno sida la filayo," ayuu raaciyay.
Booliska Thames Valley ayaa xaqiijiyay inay qiimeynayaan in ay jirto sabab lagu bilaabo baaritaan ku saabsan cabasho ay gudbisay kooxda ka soo horjeedda boqortooyada ee Republic, taas oo ku soo eedeysay Mountbatten-Windsor falal la tuhunsan yahay oo la xiriira ku-takrifal xil dowladeed iyo jebinta siraha rasmiga ah.
Iimayllo ka mid ah faylasha cusub ee la sii daayay ee la xidhiidha Jeffrey Epstein ayaa u muuqda inay muujinayaan in amiirkii hore uu gudbiyay warbixinno ku saabsan safarro uu ku tagay Singapore, Hong Kong iyo Vietnam, iyo faahfaahin qarsoodi ah oo ku saabsan fursado maalgashi.
Kadib safarradaas, 30-kii November 2010, waxaa muuqata inuu u gudbiyay Epstein warbixinno rasmi ah oo ku saabsan booqashooyinka, kuwaas oo uu u soo diray la-taliyihiisii gaarka ahaa xilligaas, Amit Patel.
Sidoo kale waxaa jiray faahfaahin ku saabsan fursado maalgashi oo ka jiray Afghanistan, kuwaas oo lagu tilmaamay "qarsoodi", kuwaas oo la sheegay in loo gudbiyay Epstein 24-kii December 2010.
Sida ku cad hagitaanka rasmiga ah, ergayada ganacsigu waxay leeyihiin waajib ah inay ilaaliyaan sirta macluumaadka xasaasiga ah ee ganacsi ama siyaasadeed ee la xiriira booqashooyinkooda rasmiga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraal ka soo baxay Qasriga Buckingham ayaa sheegay in Boqoka iyo Boqoradda "dareenkoodu iyo tudhaalahoodu la jiraan, dhibbanayaasha loo geystay nooc kasta oo xadgudub ah."
Isniintii hore, Boqorku wuxuu u safray magaalada Clitheroe, halkaas oo qof dhiilaysani uu ku qaylinayey: "Intee ayaad ka ogeyd arrinta Andrew?" Dadkii kale ee goobta joogay ayaa ku qayliyay ninka su'aasha weydiiyay.
Faragelinta Qasriga Buckingham ayaa timid kadib bayaan hore oo ka soo baxay afhayeen u hadlay Amiirka iyo Amiiradda Wales, kuwaas oo sheegay inay "aad uga walaacsan yihiin" xogaha cusub ee la xidhiidha Epstein.
Tan iyo markii la sii daayay saddex milyan oo dukumeenti oo dheeraad ah oo la xidhiidha Epstein, waxaa kordhay cadaadiska saaran Mountbatten-Windsor, iyada oo la sheegayo in haweeney labaad uu Jeffrey Epstein u soo diray UK si ay ula kulanto oo kulan galmo isaga ula yeelato
Sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo jilbaha iyo gacmaha dhulka ku haya korna haweeney kaga jiifto ayaa sidoo kale ku jiray faylasha cusub.
Waxaa sidoo kale ceeb soo wajahday xaaskiisii hore, Sarah Ferguson. Iimaylo lagu saxiixay "Sarah" ayaa muujinaya codsiyo taageero iyo lacag laga helay, Jeffrey Epstein.
Toddobaadkii hore, Andrew waxaa si ka dhakhso badan intii la filayay looga raray gurigiisa Royal Lodge ee Windsor loona wareejiyay goobta gaarka ah ee Boqorka ee Sandringham.
Bishii Oktoobar 2025, kadib markii ay soo baxeeb mowjad hore oo xogo ah oo ku saabsan xidhiidhkiisa Epstein, Mountbatten-Windsor waxaa laga qaaday darajooyinkiisii amiirnimo iyo duke-nimo.
Andrew ayaa mar walba si adag u beeninayay wax kasta oo khalad ah. Isaga oo sheegayey in magaciisa lagu xuso faylasha Epstein macnaheedu ma aha inuu galay wax fal-dambiyeed ah.













