Boqor Charles iyo safarkiisa ku aaddan daweynta Kansarka

Xigashada Sawirka, HUW EVANS PICTURE AGENCY
Buckingham Palace ayaa Isniintii ku dhawaaqday in King Charles III laga helay nooc ka mid ah kansarka.
Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa natiijada xanuunkan laga helay boqorka ay soo baxday xilli uu horraanba qaadanayay daweyn la xiriirta xanuunada ku dhaca qanjirka loo yaqaanno 'prostate-ka',
Boqorku waxa uu geli doonaa marxalad daawayn, laakiin waxa la rumaysan yahay in kansarkan laga helay uu weli kujiro marxaladdiisii hore.
Bayaanka ay soo saartay Qasriga Boqortooyada ma aysan shaacin nooca kansarka, laakiin waxay sharraxday in boqorku uu bilaabay qaadashada "daawaynta caadiga ah" ee xanuunkan.
Boqorka ayaa si shaqsi ah ugu wargaliyay labadiisa wiil xaaladiisa caafimaad, waxaana la sheegay in Amiir William uu xiriir joogto ah la leeyhaay aabihiis.
Amiir Harry, oo ku nool Mareykanka, ayaa waxa uu la hadlay aabihiis wuxuuna u safri doonaa Boqortooyada Ingiriiska si uu arko isaga maalmaha soo socda.
Boqorka ayaa ku soo laabtay London isagoo ka yimid Sandringham Norfolk subaxnimadii Isniinta, qasriga ayaa sheegay inuu bilaabay daawaynta bukaan socod ahaan.
Qasriga Buckingham ayaa sheegay in boqorku "uu aad u wanaagsan yahay uuna rajeynayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto shaqadiisa xafiiska dadweynaha."
Boqorku wuxuu dib u dhigi doonaa dhammaan hawlihiisa dadweynaha, Boqorad Consort Camilla iyo Prince William ayaa waxay gacan ka geysan doonaan inay u matalaan qaar ka mid ah waajibaadkiisa inta lagu jiro muddada daaweynta.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heerka kansarka ama ogaanshaha rasmiga ah lama shaacin.
In kasta oo boqorka 75-jirka ah uu joojin doono hawlihiisii guud, haddana waxa uu sii wadi doonaa shaqadiisa dastuuriga ah ee madaxa dowladda, oo ay ku jirto dib u eegista waraaqaha rasmiga ah iyo ka qaybgalka shirarka gaarka ah.
Waxaa jira hab dastuuri ah oo la raaco haddii ay dhacdo in madaxa qaranku uu awoodi waayo inuu guto waajibaadkiisa rasmiga ah, kiiskan oo kale, "la-taliyayaal dowladeed" ayaa loo magacaabi karaa inay ku shaqeeyaan magaca boqorka.
Hadda, liiska lataliyayaasha waxaa ka mid ah Queen Consort Camilla, Prince William, Princess Anne, iyo Prince Edward, in kasta oo Amiir Harry iyo Prince Andrew aan loogu yeeri doonin howlahan sababo la xiriiraka bixitaankooda boqortooyada ee rasmiga ah.

Xigashada Sawirka, PA Media
Amiir William wuxuu si ku meel gaar ah uga baxay hawlgelinta dadweynaha isagoo ku mashquulsan caawinta xaaskiisa, Catherine, oo ka soo kabanaysa "qaliin looga sameeyay caloosha."
Laakin waxaa la shaaciyay horraantii isniinta in amiirku uu ku soo laaban doono howlaha guud dabayaaqada todobaadkan.
Boqorka ayaa lagu arkay kaniisad ku taal Sandringham Axadii, halkaas oo uu ugu gacan haatiyay dad badan.
Waxa uu qaliin qanjirka prostate-ka ka galay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla London muddo hadda laga joogo in kabadan todobaad.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa la sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka qeyb qaato wacyigelinta la xiriirta xanuunkan, iyadoo website-ka adeegga caafimaadka qaranka ee Britain uu sheegay in ay sare u kaceen tirada kiisaska la xiriira ka hadalka mowduuca qanjirka 'prostate-ka'.
Tirakoobyada Boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa ay muujinayaan in celcelis ahaan sannad kasta, in ka badan saddex meelood meel dadka cusub ee laga helo kansarka ilaa 36 boqolkiiba ay da'doodu tahay 75 sano ama ka weyn.
Daawaynta Kansarka waxaa ka mid ah daawada chemotherapy, oo ah dawo loo isticmaalo in lagu dilo unugyada kansarka, taas oo ah daawaynta loo adeegsado shucaaca si ay u disho unugyada kansarka.
Raiisel wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa muujiyay rabitaankiisa dhabta ah ee Boqorka isagoo yiri, "dhakhso iyo soo kabasho buuxda", sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Sir Keir Starmer iyo afhayeenka aqalka baarlamaanka Sir Lindsay Hoyle ayaa boqorka u rajeeyay bogsasho deg deg ah.













