Boqor noocee ah ayuu Charles-ka Saddexaad noqon doonaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqor Charles oo ahaa dhaxal-sugaha ugu cimriga dheeraa taariikhda Boqortooyada Ingiriiska ayaa maanta la caleema-saarayaa.
Dhaxal-sugaha oo ay haatan da’diisu tahay 74 jir ayaa noqday boqorka ugu waayo aragsan uguna da’da weyn abid oo la saaro taajka Boqornimada Britain.
Boqor Charles III ayaa xilka kala wareegay hooyadii, boqorad Elizabeth II, ka dib markii ay geeriyootay bishii September ee sanadkii hore iyadoo 96 sano jir ah.
Charles ayaa ah nin waayo arag ah oo u soo joogay booqashooyin iyo kulammo ay madax badan oo caalamka ka kala socda ay kula kulmayeen hooyadii Boqorad Elizabeth II.
Madaxdaasina waxaa ka mid ah 15 Raysal wasaare oo UK soo maray iyo 14 madaxweyne oo dalka Mareykanka ka soo arrimiyey.
Haddaba geerida Elizabeth II oo soo ahayd boqorad cajiib ah kaddib, Boqornimo noocee ah ayaan Charles ka filan karnaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqor Charles boqornimadiisa kaddib ma lahaanayo baasboor iyo leysan darawalnimo oo isaga u gaar ah, fikirkiisana si xor ah uma cabbiri karo.
Boqornimada ayaa u diideyso wax kasta oo shakhsi ahaan u sameyn lahaa.
Mas’uuliyadda boqornimada ayaa ah mid gaar ah oo wajibaad hoggaamineed oo gaar ahna xambaarsan.
“Wax badan oo xilligi uu amiir ama qof caadi iska ah uu sameyn jiray oo dhan wuu baddalayaa oo waa ka mamnuuc. Shacabka oo dhan maaddaamaa uu boqorkooda yahay waa inuu waxbadan ka dhowrsadaa” ayuu yiri Barafasor Vernon Bogdanor oo ah khabiirka dhanka dastuurka.
Boqorka hadalkiisu wuxuu noqonayaa mid xaddidan, oo wuxuu doonana kuma hadli karo laga billaabi maalinti boqornimada loo caleemasaaray.
Boqorka cusub marka uu qabto Taajka Boqortooyada waxaa isbaddalaya sawirrada boqorka ku daabacnaa lacagta waddankaasi laga isticmaalo.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Boqorku waa nin aqoon badan, oo dadaal badan oo waxbadan ka tanaasuli doono marka uu Boqor noqdo,” ayuu yiri Sir Lloyd Dorfman oo muddo dheer la soo shaqeeyey Boqor Charles inti uu Amiirka ahaa.
Waxaana Boqor Charles III la filayaa waddadi hooyadii ay Boqortooyada ku hoggaamineysay inuu raaco maaddaama uu ku soo waayo arkay boqortooyo ay hooyadii Elizabeth Boqor u tahay.
Chris Pope oo ay isla soo shaqeeyeen Charles wuxuu sheegay Boqorka da’diisu inkasta oo ay 70 jir dhaaftay awooddiisa iney waxba iska baddalin oo wax hoos u dhac ah aan laga dareemeyn.
"Waxa uu si dhab ah u jecel yahay wanaagga jiilka soo socda. Waxaadna taa ka arki doontaa shaqooyin badan oo uu qabto," ayuu yidhi Mr Pope.
Boqor Charles inti uu Amiirka ahaa wuxuu si aad ah ugu shaqeynayey ilaalinta hiddaha iyo xirfadaha farsamada dhaqanka waxaa u dheeraa inuu aad u dhiirragelinayey hal abuurka iyo isbeddelka.
“Wuxuu leeyahay qalbi jilicsan oo ay bani'aadannimada ku weyn tahay iyo daryeelka bulshada. Inta badanna wuxuu ka hadlaa dunida uu dhaxalsiin doono carruurta uu awoowga u yahay,” ayey tiri Hiran Mehta oo ay tani 2007-dii ay soo wada shaqeeyeen Boqor Charles.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa kuma Boqor Charles III?
Charles Philip Arthur George 14-ka November 1948-kii ayuu ku dhashay Qasriga Buckingham.
Marki ay BBC-iida dhalashada Charles shaacisay waxaa lagu sheegay boqoradda iney wiil ku curatay, waxaana warka lagu sheegay boqradda ‘iney amiirka si nabad ah ku dhashay.' Afar sana kaddibna Charles wuxuu noqday dhaxal-suge.
Waxaana ku xigtay walaashiis Anne oo iyadana dunida timid sanadkii 1950-kii, Amiir Andrew, oo dhashay 1960, iyo Amiir Edward oo dhashay 1964-kii. Intii u dhaxeysay muddadaas, waxay waalidkood u horseedeen inay yeeshaan siddeed carruur oo ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin iyo 12 kale oo ay abuullan u noqdeen.
"Waxaan isku arkaa naftayda inaan ku dhashay booskan gaarka ah, waxaan go'aansaday inaan ka faa'iidaysto iyo inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u caawiyo," Charles ayaa ku yiri wareysi uu bixiyey 2005-tii.
Wuxuuna ahaa ilaaliyaha ama madaxweynaha in ka badan 400 oo urur, 1976-kina wuxuu aasaasay hay’ad samafal oo u gaar ah laguna magacaabo ‘Prince Trust’, isaga oo isticmaalayey mushaarkiisa howlgabka uu uga noqday ciidamada badda ee Boqortooyada uu ka tirsanaa.
Wuxuuna hay’adda uu isgu sameeyey ay caawisay in ka badan 900,000 oo dhalinyara ku nool waddamada dunida ugu saboolsan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intey dhan tahay taageerada boqortooyada?
Daraasad lagu sameeyay bogga YouGOV xilligii loo dabaaldegayay 70 sano guuradii kasoo wareegtay markii la boqray boqoradda ayaa muujineysa in 62% dadku ay doonayaan in Boqortooyada ay sii jirto halka 22% ay sheegeen in Boqortooyada ay noqoto mid leh madax la doorto.
Laba daraasad oo kale oo ay sameysay Ipsos Mori sanadkii 2021 ayaa natiijo isku mid ah soo bandhigay taas oo muujineysa in qof kamid ah shanti qofba uu aaminsan yahay in Boqortooyada oo la baaba'yo ay u wanaagsan tahay UK.
Hayeeshee, darsaaadda YouGov ayaa sidoo kale muujineysa in uu jiro hoos u dhac ku yimid taageerada loo hayo Boqortooyada tobankii sano ee lasoo dhaafay taas oo sanadkii 2012 ahayd 75% balse sanadka 2022 noqotay 62%.

Xigashada Sawirka, Chris Jackson / Clarence House
Walow inta badan dadka da'da ay taageersan yihiin Boqortooyada, daraasadu waxay muujinesaa in taas ay ka duwan tahay marka la eego dadka dhallinta ah.
Sanakii 2011, markii YouGov ay billowday inay u kuurgasha arrintan, 59% dadka da'doodu u dhaxeyso 18 ilaa 24 waxay la aheyd in boqortooyadu sii socota marka loo eego sanadkan 2022 oo sidaas ay qabaan 33% oo kali ah.
Boqor Charles ayaa hadda ah hoggaanka dalka ugu sarreeya waana astaan muuqata oo muujineysa kala wareegidda xukunka.
Waxaana Boqorka xilka kala wareegi doono wiilkiisa Amiir William, sida uu dhigayo nidaamka ay Boqorradu xilka isugu wareejiyaan laguna shaaciyey munaasabadda caleema saarka oo maanta oo sabti ah ka dhacday magaalada London.












