Faahfaahin: Maxay muujinayaan sawirrada la sii daayey ee qolka hogaaminta dagaalka ee Trump uu kala socday weerarrada Iiraan?

.

Xigashada Sawirka, The white house

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Aqalka Cad ayaa soo saaray afar sawir oo laga soo qaaday madaxweyne Trump iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo dusha kala socday duqaymaha cirka ee Iiraan, oo ay fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo Israa'iil.

Marka si dhow loo eego dadka la sawiray iyo tafaasiisha soo baxaysa waxa ay daaha ka qaadaysaa wax badan oo ku saabsan waxa qolka ka dhacayay xilliyadaas ay xaaladdu kacsanayd.

Marka ay madaxweynayaasha Maraykanku bilaabaan tallaabo milatari, waxay sida caadiga ah sidaas ka sameeyaan gudaha xarun ammaan ah oo ku taal Aqalka Cad, taasoo si gaar ah loogu nashqadeeyey ujeedadaas, loona yaqaano qolka dagaalka.

Laakin Donald Trump ma uusan joogin Aqalka Cad markii ay billaabatay tallaabada militari saacadihii hore ee Sabtidii. Waxa uu joogay Mar-a-Lago, gurigiisa raaxada ee Florida, halkaas oo uu sidoo kale uu kala socday inta badan dhacdooyinkii Axadda, isagoo uu la hadlayey saxaafadda.

Qolka dagaalka ee Mar-a-Lago ayaa si buuxda loogu qalabeeyay madaxweynaha si uu halkaas ugala socdo dhaq-dhaqaaqyada ciidan, sidii uu horayba u sameeyay.

Mar-a-Lago ayaa laga sameeyey xarun macluumaadka sirta ah loogu talagalay, waxaana markii ugu horreysay la sameeyay 2017 ayadoo dib loo aasaasay ka hor inta uusan Trump ku soo laaban Madaxtooyada.

.

Xigashada Sawirka, The white house

Gelitaanka aagga si adag ayaa loo kontaroolaa, iyadoo leh sharciyo adag oo ku saabsan isticmaalka aaladaha elegtarooniga ah.

Sawir la qaaday ayaa muujinaya Donald Trump oo qaba koofiyad cad oo uu ku xardhan yahay magaca Maraykanka, isagoo kormeeraya xaaladda Iiraan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay u muuqataa inay la mid tahay goobtii uu ka soo kormeeray hawlgalkii lagu qabtay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro bishii Janaayo.

Khariidadda weyn ee xagga dambe waxay muujinaysaa goobaha ay joogaan millatariga ee muhiimka ah ee gobolka, oo ay ku jiraan laba kooxood oo ah dayaaradaha weerarka qaada iyo saldhigyo ay deggan yihiin ciidammada Maraykanka.

Dheemanka casaanka ah ayaa muujinaya bartilmaameedyada ballaaran ee Iiraan gudaheeda oo ah farqi muhiim ah oo ka duwan weerarradii diiradda lagu saaray ee ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka Iiraan bishii Juun ee la soo dhaafay.

Hore waxaa fadhiya laakinse aysan kaamaradu aysan si fiican u qaban agaasimaha CIA John Ratcliffe oo u muuqda inuu la hadlayo madaxweynaha waqtiga saxda ah ee sawirka la qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in CIA-da ay muddo bilo ah ku raad joogtay Ayatollah Cali Khamenei oo ay mas'uul ka ahayd inay go'aamiso halka uu ku sugan yahay ka hor weerarradii ugu dambeyntii lagu dilay.

Marka laga soo tago in uu noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio waxa uu sidoo kale u dhaqmay sidii ku simaha la taliyaha amniga qaranka sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigtay lataliyaha ugu weyn ee Trump ee arrimahan.

Waxa uu sidoo kale mas'uul ka ahaa wargelinta xubnaha loogu yeero "Gang of Eight," kooxda laba-geesoodka ah ee isu keenta hoggaamiyeyaasha ugu weyn ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee Senate-ka iyo Aqalka Wakiilada, ee ku lugta leh hawlgalka Epic Fury ka hor weerarrada.

Sawirkii ugu dambeeyay ee uu sii daayay Aqalka Cad ayaa muujinaya qolka dagaalka ee Washington, D.C., halkaas oo madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu kormeeray howlgalka isaga oo ka garab sahqaynaya madaxweynaha, adeegsanayana Khadka isgaarsiinya ee teleconference. Shaabada madaxweyne ku xigeenka ayaa ka muuqata gidaarka.

Qolka dagaalku waa meel bannaan oo dhan 460-square mitir oo ka kooban saddex qol oo shirarka loogu tala galay, laguna qalabeeyay qalabka isgaarsiinta ee ugu casrisan, waxaana ka shaqeeya koox ka kooban 100 xubnood.

JD Vance, oo ka tirsanaa ciidamada Marines-ka Mareykanka muddo afar sano ah, ayaa ku dhaleeceeyay maamulladii hore inay ku lug leeyihiin iska horimaadyo hubeysan oo daba dheeraaday oo dibadda ah.

Todobaadki hore, Vance waxa uu sheegay in aysan jirin "suurtagalnimada" in ficilka Iran uu u horseedo Mareykanka "dagaal sanado qaata oo ka socda Bariga Dhexe oo aan la ogeyn dhamaadkiisa".

Waxa weheliya iyada oo ku jirta qolka qalalaasaha Tulsi Gabbard, Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, iyo sidoo kale Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent iyo Xoghayaha Tamarta Chris Wright.

Axaddii ciidamada Maraykanka iyo kuwa Israa'iil waxay duqeeyeen in ka badan 1,000 bartilmaameed ah oo ku yaalla guud ahaan dalka Iiraan, iyagoo diiradda saaray xarumaha taliska iyo kantaroolka, difaaca hawada iyo goobaha gantaallada ballistic-ga ah, iyo sidoo kale xarunta guud ee ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.