Waa kuma Mojtaba Khamenei, ninka laga yaabo in uu noqdo hugaamiyaha ruuxigaha ee cusub ee Iran?

Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency
- Author, BBC News Persian
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Kadib markii hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei lagu dilay duqeynta Mareykanka iyo Israel, dad badan ayaa is waydiiyay in wiilkiisa awooda badnaa ee Mojtaba uu isna dhintay.
Maalmo wax war ah kama soo kordhin. Laakiin Talaadadii (3-dii Maarso), warbaahinta dawladda Iran ayaa sheegtay in Mojtaba uu nool yahay oo uu ku hawlan yahay "la-tashi iyo dib u eegis lagu sameeyo arrimaha muhiimka ah ee dalka". Hase ahaatee, weli ma uusan imaan fagaare.
Mojtaba ayaa hadda loo arkaa mid safka hore kaga jira dadka badalaya aabihii, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xiganaysa laba il oo Iran ah. Sheegashada noocaan ah ayaa weli ah mid adag in la xaqiijiyo.
Dhanka kale, Golaha Khubarada - oo ah 88 xubnood oo culimo ah oo loo xilsaaray inay doortaan hoggaamiyaha ugu sarreeya - ayaa la sheegay inay "ku dhow yihiin gabagabo". Laakiin warkan lama filayo in la shaaciyo ka hor aaska Cali Khamenei, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars News, taas oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC).
Si ka duwan aabihiis, Mojtaba wuxuu si weyn isaga ilaaliyay muuqaalkiisu in uu meel walbo yaalo. Waligii xafiis dawladeed ma uu qaban. Mana uusan jeedin khudbado iyo wareysiyo, waxaana la daabacay sawiro iyo muuqaal kooban oo uu leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar xan ah oo soo jireen ah oo ku saabsan saameyntiisauu ku lahaa aabihiis. Xarkaha diblumaasiyadeed ee Maraykanka, oo ay daabacday WikiLeaks dabayaaqadii 2000-meeyadii, ayaa ku tilmaantay inuu yahay "awoodda ka dambaysa maryaha" oo loo arko inuu yahay "hogaamiye karti iyo xoog leh" gudaha nidaamka, sida ay sheegtay AP.

Xigashada Sawirka, .
Laakiin doorashada suurtagalka ah ee Mojtaba Khamenei ayaa noqon karta mid muran dhalisa. Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxaa la aas aasay sanadkii 1979-kii kadib markii la riday xukunkii boqortooyada, waxaana fikirkeeda ay ku saleysan tahay in hoggaamiyaha ugu sarreeya lagu doorto mawqifkiisa diineed iyo hoggaamintiisa la xaqiijiyay, ee aan lagu dooran dhaxal.
Cali Khamenei waxa uu si guud uga hadlay hoggaanka mustaqbalka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khamenei ayaa ka soo horjeestay fikradda ah in Mobtaba uu yahay musharax u taagan hoggaanka mustaqbalka, xubin ka tirsan Golaha Khubarada ayaa sheegay laba sano ka hor. Laakiin waligiis si fagaare ah ugamuu hadlin mala-awaalkan oo kale.
Haddaba, waa ayo Mojtaba Khamenei?
Wuxuu ku dhashay 8 Sebtembar 1969 magaalada waqooyi bari ee Mashhad, Mojtaba waa qofka labaad ee lix carruur ah oo Khamenei dhalay. Waxbarashadiisa sare waxa uu ku qaatay dugsigii diiniga ahaa ee Alavi ee magaalada Tehran.
Isaga oo 17 jir ah, Mojtaba waxa uu ka tirsanaan jiray millatariga waqti kooban intii lagu jiray dagaalkii Iran iyo Ciraaq, sida ay sheegtay warbaahinta Iran. Iskahorimaadka dhiigga badan ku daatay ee siddeedda sano socday ayaa talisku tilmaamay shaki badan oo ay ka qabaan Maraykanka iyo reer galbeedka oo taageerayey Ciraaq.
Sannadkii 1999-kii, Mojtaba waxa uu aaday magaalada Qom, oo ah magaalo barakeysan oo loo arko xarun muhiim u ah fiqiga Shiicada, si uu u sii wato waxbarashadiisa diinta. Waxa xusid mudan in ilaa wakhtigan aanu xirnayn dharka culuumta, mana cadda sababta uu u go'aansaday in uu 30 jir u galo siminaar, maadaama ay caadi tahay in qofku marka uu ka yar yahay uu tago.
Mojtaba ayaa weli ah wadaad darajada dhexe ah, taasoo caqabad ku noqon karta noqoshadiisa hoggaamiyaha ugu sarreeya.

Xigashada Sawirka, West Asia News Agency Via Reuters
Maalmihii la soo dhaafay, qaar ka mid ah warbaahinta iyo saraakiisha ku dhow xarumaha awoodda ee Iran ayaa bilaabay inay Mojtaba Khamenei ugu yeeraan "Aayatullah", oo ah magac sare. Isbadalkan ayaa ugu muuqda qaar ka mid ah dadka indha indheeya in uu yahay mid uu ku doonayo in uu sare ugu qaado mawqifkiisa diineed oo uu u soo bandhigo in uu yahay musharax lagu kalsoonaan karo oo u taagan hogaanka sare ee dalka.
Nidaamka haysashada darajada "Aayatullah" iyo barida fasallada sare ayaa loo arkaa inay yihiin tilmaamaha heerka aqooneed iyo aqoonta qofka, waxaana loo arkaa mid ka mid ah shuruudaha xulashada hoggaamiyaha mustaqbalka.
Xilli hore, Ali Khamenei ayaa si degdeg ah loogu dallacsiiyay "Aayatullah" ka dib markii uu noqday hoggaamiyihii labaad ee ugu sarreeya 1989kii.
Eed ku aadan faro galin siyaasadeed
Magaca Mojtaba ayaa markii ugu horeysay soo shaac baxay doorashadii madaxtinimo ee 2005tii, taas oo uu ku guuleystay Mahmoud Ahmadinejad, oo ah nin aad u adag.
Waraaq furan oo uu u diray Khamenei, musharaxa isbedel doonka ah ee Mehdi Karroubi, ayaa Mojtaba ku eedeeyay in uu faragelin ku sameeyay codbixinta isagoo adeegsanaya IRGC iyo maleeshiyada Basij, kuwaas oo lacag u qaybiyay ururo diimeed si ay uga caawiyaan inuu ka guuleysto Axmadi Najad .
Afar sano ka dib, Mojtaba waxay wajahday eedayn la mid ah. Dib-u-doorashada Axmadi Najad waxay kicisay mudaaharaadyo ballaaran oo waddanka oo dhan loo yaqaanno Dhaqdhaqaaqa Cagaaran. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan fikradda ah in Mojtaba uu bedeli karo aabihiis oo ah hogaamiyaha ugu sarreeya Iran.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mostafa Tajzadeh, oo xilligaas ahaa wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha, ayaa natiijada ku tilmaamay "afgambi doorasho". Waxa uu xirnaa todobo sano, taas oo uu ku sababeeyay "rabitaanka tooska ah ee Mojtaba Khamenei".
Laba musharax oo isbedel doon ah, Mir-Hossein Mousavi iyo Mehdi Karoubi, ayaa lagu riday xabsi guri kadib doorashadii 2009-kii. Bishii Febraayo 2012, Mojtaba ayaa la kulmay oo ku booriyay Mousavi inuu ka tanaasulo mudaaharaadkiisa, ilo Irani ah ayaa u sheegay BBC News Persian.
Dad badan ayaa filaya in Mojtaba uu sii wadi doono siyaasadaha qalafsan ee aabihiis hadii uu noqdo badalka. Qaar ayaa sidoo kale aaminsan in ninka aabihiis, hooyadiis iyo xaaskiisa ku waayey duqeymaha Mareykanka iyo Israa'iil aysan u badneyn inuu u hoggaansamo cadaadiska reer galbeedka.
Balse waxa uu wajihi lahaa hawl aad u adag oo ah xaqiijinta jiritaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo in uu shacabka ka dhaadhiciyo in uu yahay qofka saxda ah ee dalka u horseedi kara in uu dalka ka saaro burbur siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Taariikhdiisa hoggaamineed ayaa weli ah mid aan la tijaabin, iyo aragtida ah in jamhuuriyadda ay isu beddeshay hab la iska dhaxlo ayaa sii kordhin karta dareenka dadweynaha.
Haddii la doorto, Mojtaba wuxuu noqon doonaa nin calaamadsan - sida wasiirka gaashaandhigga Israa'iil uu sheegay in qofka beddelaya uu noqon doono "bartilmaameed aan mugdi ku jirin oo la ciribtirayo".












