Iiraan oo ku hanjabtay inay weerari doonto warshadda Nukliyeerka Dimona ee Israa'iil

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Sarkaal ka tirsan militariga Iran ayaa sheegay in iskuday kasta oo Mareykanka iyo Israa'iil ay ku doonayaan in ay ku afgambiyaan maamulka Iiraan iyada oo loo marayo "Fowdo hubeysan" lagala kulmi doono jawaab toos ah oo ay ka mid tahay in la bartilmaameedsado xarunta tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee Israa'iil.

Sarkaalku waxa uu intaa ku daray, hadal lagu baahiyey mareegaha wararka Iiraan oo sheegaya in "fulinta qorshe kasta oo looga gol-leeyahay in lagu dumiyo nidaamka ay ku khasbayso Iiraan inay beegsato kaabayaasha tamarta ee gobolka".

Inkasta oo Israa'iil aysan waligeed si rasmi ah u qiran in ay haysato hubka Nukliyeerka, haddana qiimayn caalami ah oo badan ayaa muujinaysa in ay haysato. Barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hubka sirta ah ee wax gumaada ee caalamka.

Israa'iil ma aysan saxiixin heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka oo ah heshiis caalami ah oo looga hortagayo fiditaanka hubkan.

Sababtaas awgeed, xarumaheeda Nukliyeerka ayaan hoos imanayn nidaamka ilaalinta tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah, kaas oo u oggolaanaya wakaaladdu inay kormeer joogto ah ku sameyso xarumaha Nukliyeerka ee dalalka ku biiray heshiiska.

Awoodaha Nukliyeerka ee Israa'iil ayaa weli ah mawduuca qiyaasaha sirdoonka ee aan la hubin tan iyo 1960-meeyadii, markii ay billowday in ay ka shaqeyso tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee saxaaraha Negev.

Bartamihii 1980-meeyadii, qayb ka mid ah awooddaas ayaa la shaaciyay ka dib markii Injineerkii hore ee Nukliyeerka Mordechai Vanunu uu siiyay wargeys Ingiriis ah sharraxaad iyo sawirro waxa uu ku sheegay inay yihiin madaxyada Nukliyeerka ee Israa'iil.

Xogta uu daaha ka qaaday Vanunu ayaa keentay in dib loo qiimeeyo qiyaasihii hore ee xaddiga hubka Nukliyeerka ee Israa'iil, kaas oo sanadkii 2003-dii lagu qiyaasay in aanu ka yarayn 100 madax oo Nukliyeer ah lagana yaabo in uu gaari karo ilaa 200.

Ma jiro wax caddaynaya in Israa'iil ay samaysay tijaabo Nukliyeer ah oo si cad loo aqoonsan yahay. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaasha qaarkood ayaa soo jeedinaya in qarax looga shakisan yahay in uu ka dhacay koonfurta badweynta Hindiya 1979-kii uu ahaa tijaabada Nukliyeerka ee Israa'iil, lagana yaabo in lala kaashaday Koonfur Afrika, inkastoo aan weli la xaqiijin.

Caqabadda ugu dambaysa

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxyar ka dib markii la aasaasay Dawladda Israa'iil 1948-kii, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda ayaa bilaabay inay muujiyaan xiisaha ay u qabaan horumarinta awoodaha nukliyeerka si ay u gaaraan waxa lagu tilmaamay "ka-hortagga ugu dambeeya".

Sannadkii 1952-kii, waxaa la aasaasay Guddiga Tamarta Atoomikada ee Israa'iil, kaas oo si dhow ula shaqeynayay milatariga.

Sannadkii 1953kii, Israa'iil waxay billowday inay uranium ka soo saarto fosforaska ee saxaraha Negev, waxayna sidoo kale horumarisay awoodo farsamo oo la xiriira soo saarista agabyada aasaasiga ah ee looga baahan yahay barnaamijka nukliyeerka.

Si loo nakhshadeeyo oo loo dhiso warshad Nukliyeer bacrimisa, Israa'iil waxay kaalmo ka codsatay Faransiiska oo oggolaaday inay la shaqeeyaan.

Sida laga soo xigtay qiyaasaha cilmi-baarayaasha arrimaha amniga caalamiga ah, heshiis qarsoodi ah ayaa la sameeyay dabayaaqadii 1950-meeyadii, kaasoo u dhexeeyay Faransiiska iyo Israa'iil, wuxuuna horseeday dhismaha warshadda Dimona ee saxaraha Negev.

Warshada Nukliyeerka ee Dimona ayaa markii hore loo soo bandhigay sidii warshad dhar ah, xarun beereed, iyo xarun cilmi baaris oo dhinaca macdanta ah. Si kastaba ha ahaatee 1960-kii, ra'iisul wasaarihii Israa'iil David Ben-Gurion ayaa ku dhawaaqay xarun cilmi-baaris nukliyeer ah oo loo dhisay "ujeedooyin nabadeed."

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay ka dib markii sawiro ay qaadeen diyaaradaha U-2 ee Mareykanka sanadkii 1958 ay muujinayaan shaqada dhismaha warshadda ee Dimona.

Sanadihii 1960-meeyadii ayaa kormeerayaal Mareykan ah waxay dhowr jeer booqdeen xarunta, laakiin ma aysan awoodin inay sawir buuxa ka sameeyaan dhaqdhaqaaqyada halkaas ka socday.

Qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha amniga caalamiga ah ayaa qiyaasaya in Israa'iil ay qaadday tillaabooyin ay ku qarinayso qaybo ka mid ah xarunta, oo ay ku jiraan rakibidda baalal kontorool oo been abuur ah iyo xiridda qaar ka mid ah waddooyinka gala dhismaha.

Kormeerayaasha wakhtigaas waxa ay sheegeen in aanu jirin qorshe cad oo cilmiyaysan ama mid rayid ah oo tamarta Nukliyeerka ah si loo caddeeyo in la dhisayo warshad nukliyeer oo xajmigaas leh, taas oo khubarada qaar ay u arkeen calaamad muujinaysa suurtagalnimada barnaamijka hubka nukliyeerka.

Sannadkii 1968-kii, qiimayn ay CIA-du samaysay waxay ku soo gebagebaysay in Israa'iil ay bilowday inay samaysato hubka Nukliyeerka, ka dib sannado badan oo la isla dhexmarayay oo ku saabsan cabbirka hubkeeda Nukliyeerka.

Kiiska Vanunu

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sannadkii 1986-kii, Mordechai Vanunu, oo farsamayaqaan ka ahaa xarunta Nukliyeerka ee Dimona ayaa wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa Ingiriiska siiyey macluumaad iyo sawirro ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Israa'iil.

Dusinta xogtan waxay gacan ka gaysatay aaminsanaanta sii kordhaysa ee khubarada ee ah in Israa'iil haysato hubka nukliyeerka.

Ka hor inta uusan wax badan u sheegin warbaahinta, haweeney markii dambe loo aqoonsaday inay tahay wakiilka Israa'iil ayaa ka soo duushay London ka dib markii ay ku qancisay inuu u raaco Rome. Halkaa, wakiillo Israa'iiliyiin ah ayaa ku daroogeeyay oo u dhoofiyey Israa'iil.

Vanunu ayaa lagu helay dambi ah khiyaamo qaran waxaana lagu xukumay 18 sano oo xarig ah.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil Shimon Peres oo lagu tiriyo in uu kaalin weyn ka qaatay horumarinta barnaamijka Nukliyeerka ee Israa'iil ayaa sheegay in waxa uu sameeyay Vanunu uu dhibaato weyn u geystay ammaanka Israa'iil.

Walaaca Carabta

Dhowr waddan oo bariga dhexe ku yaalla ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Israa'iil ay yeelato barnaamijka hubka nukliyeerka.

Qaar ka mid ah wadamada gobolka ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu isticmaalo laba waji, isagoo iska indha tiraya barnaamijka Nukliyeerka ee Israa'iil, kuna andacoonaya in dalal kale, sida Ciraaq, Iran iyo Suuriya ay khatar ku yihiin, sababtoo ah waxay sheeganayaan inay haystaan hubka wax gumaada.

Sannadkii 2004-tii ayaa Agaasimaha Guud ee Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee xilligaas, Mohamed ElBaradei wuxuu ugu baaqay Israa'iil inay ku biirto heshiiska ka hortagga Hubka Nukliyeerka oo ay iska dhaafto hubkeeda Nukliyeerka, isagoo ku dooday inay taasi gacan ka geysan karto xoojinta nabadda Bariga Dhexe.

ElBaradei waxa uu ka digay in aaminsanaanta ah in haysashada hubkan Israa'iil ay ka dhigayso mid aad u ammaan badan in ay tahay mid marin habaabin ah, sababtoo ah dalalka kale ee gobolka ayaa laga yaabaa inay dareemaan khatar.