New York Times: Maraykanka iyo Israa'iil waxay isu diyaarinayaan weerarro cusub oo suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan

Xigashada Sawirka, ATTA KENARE / AFP via Getty Images
Wargayska New York Times, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Bariga Dhexe ah oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegtay in Maraykanka iyo Israa'iil ay isu diyaarinayaan suurtagalnimada weerarro cusub oo lagu qaado Iiraan, kuwaas oo laga yaabo inay bilaabmaan horaanta toddobaadka soo socda.
Sida ay sheegeen labada sarkaal oo la hadlay The New York Times iyagoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, diyaar garowga ay wadaan Maraykanka iyo Israa'iil ayaa ah diyaar garowgoodii dagaal ee ugu ballaarnaa tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta.
Xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa toddobaadkan u sheegay xildhibaanada Kongareeska in Pentagon uu leeyahay qorshayaal diyaarsan oo loogu talagalay xaalado kala duwan: kuwaas oo ay ku jiraan raridda xarumaha militariga iyo kordhinta dagaalka haddii loo baahdo, iyo sidoo kale dhimista ama ka bixitaanka ciidamada gobolka.
New York Times ayaa, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, sheegtay in haddii Donald Trump uu go'aansado weerar, hal ikhtiyaar uu yahay duqeyn aad u xooggan oo lagu qaado xarumaha militariga iyo kaabeyaasha Iiraan, halka kale uu yahay hawlgal dhulka ah oo lagu doonayo in lagu saaro kaydka yuraaniyamka la hodmiyey ee Iiraan, kuwaas oo la rumeysan yahay in lagu aasay burburka ka dhashay duqeyntii xarumaha nukliyeerka Iiraan intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday.
Dhanka kale, sarkaal sare oo Israa'iili ah ayaa u sheegay telefishinka Channel 12 in Israa'iil ay isu diyaarinayso dib u bilaabasho "degdeg ah" oo ah dagaalka ay la gasho Iiraan.
Sarkaalka Israa'iiliga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa yiri: "Maraykanku wuxuu fahamsan yahay in wadaxaajoodyada lala leeyahay Iiraan aysan meelna u soconayn."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan isu diyaarinaynaa maalmo ama toddobaadyo dagaal ah, waxaana sugaynaa go'aanka kama dambaysta ah ee Donald Trump. Waxaan heli doonnaa macluumaad dheeraad ah 24-ka saac ee soo socda."
Hadal haynta ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo ay Maraykanka iyo Israa'iil ka qaadaan Iiraan ayaa sii kordhay, inkastoo booqashadii dhowaan ee Donald Trump uu ku tagay Beijing iyo kulankii uu la yeeshay Xi Jinping aysan soo saarin wax natiijo muuqata ah oo la xiriirta dagaalka Iiraan iyo xiisadda marin-biyoodka Hormuz.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Donald Trump ayaa Talaadadii mar kale u hanjabay Iiraan ka hor safarkiisii uu ku tegay Shiinaha, isaga oo sheegay in ay tahay inay heshiis la gasho Maraykanka ama "la burburin doono." Markii uu ku soo laabtay Maraykanka, Mr. Trump wuxuu sheegay inuu aqbali doono hakad 20 sano ah oo lagu joojinayo barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Isla waqtigaas, waxaa la soo sheegay in qaar ka mid ah shirkadaha Shiinaha ay Maraykanku u oggolaadeen inay ganacsi xaddidan la yeeshaan Iiraan.
Mr. Trump ayaa hore ugu baaqay Iiraan inay si joogto ah u joojiso kobcinta yuraaniyamka isla markaana si buuxda looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah. Isla mar ahaantaana, Maraykanku wuxuu kordhiyay cadaadiska lagu xaddidayo dakhliga saliidda ee Iiraan.
Iiraan ayaa dhawaan diidday soo-jeedinno uu Maraykanku keenay si heshiis loo gaaro, kadibna Washington-na ma aysan u arkin soo-jeedinnadii Tehran kuwo la aqbali karo.
Toddobaadkii hore, Donald Trump ayaa ku tilmaamay xabbad-joojinta lala galay Iiraan mid aad u jilicsan.
Kadib hadalladan, Mohammad Bagher Ghalibaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay diyaar u yihiin inay "ka jawaabaan" waxa uu ku tilmaamay "gardarrada" dhinaca kale.
"Istaraatiijiyad khaldan iyo go'aanno khaldan waxay mar walba keenayaan natiijooyin khaldan... Waxaan diyaar u nahay dhammaan xulashooyinka; way la yaabi doonaan," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.
Iyadoo ay barbar socdaan wararka ku saabsan suurta galnimada dib u bilaabashada dagaalka, qaar ka mid ah saraakiisha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ka digay suurta galnimada weerarro militari oo lagu qaado Maraykanka iyo dalalka gobolka.
Isagoo tixraacaysa weerarradii ka jawaabidda ahaa ee Iiraan ay ku qaaday qaar ka mid ah dalalka gobolka intii lagu jiray dagaalkii dhowaa, Mohammad Mokhbar, oo ah la-taliye u ah hogaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa yiri: "Jawaabta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee saldhigyada CENTCOM intii lagu jiray dagaalkii dhawaa ma ahayn mid dhammaystiran, balse is-xakamayntaas ma aha mid joogto ah."
Sidoo kale, Noor News, oo ku dhow Xoghaynta Golaha Amniga Qaranka Sare ee Iiraan, ayaa soo xigatay sarkaal ciidan oo aan la magacaabin oo ka digay in haddii weerar kale lagu qaado Iiraan, "bartilmaameedyo aan hore loo garaacin intii lagu jiray dagaalkii 40-ka maalmood ahaa sababo istaraatiiji ah awgood, markan la siin doono mudnaan hawlgal."












