'Ciqaab iyo cadaadis': Qorshaha aadka u halista ah iyo dagaalka muddada dheer ee Iiraan

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Mutaxnaanta dagaalka sii fidaya ee Iiraan kala dhexeeya Israa'iil iyo Mareykanka wuxuu muujinayaa inaysan u dagaallamayn guul dagaal oo caadi ah. Waxay u dagaallamaysaa is badbaadin, taas oo ku salaysan shuruudaheeda.

Hoggaamiyeyaasha iyo taliyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay u diyaar garoobayeen xilligan [dagaalkan ah] sannado badan.

Waxay fahmeen in himilooyinkooda gobolka ay ugu dambayn sababi karaan iska horimaad toos ah oo ay la galaan Israa'iil ama Mareykanka, iyo in dagaal lala galo midkood uu ku dhowaad hubaal ahaan kan kale soo jiidan doono. Qaabkaas waxaa lagu arkay dagaalkii 12-ka maalmood socday xagaagii hore, markii Israa'iil weerarka bilowday, Mareykankuna uu maalmo kadib ku biiray.

Wareegga dagaalka ee hadda socda, weerarro ayaa lagu qaaday Iiraan isku mar ah.

Marka la eego sarreynta tiknoolajiyadda, awoodda xog-ogaalnimada sirdoonka, iyo qalabka milatari ee aadka u horumarsan ee ay leeyihiin Mareykanka iyo Israa'iil, waxay noqon lahayd arrin aan caqli gal ahayn in la maleeyo in xeelad-dejiyayaasha Iiraan ay qorsheynayeen guul toos ah oo goobta dagaalka ah.

Bedelkeeda, Iiraan waxay u muuqataa inay dhistay istaraatiijiyad ku salaysan cabsi-celin iyo adkaysi. Tobankii sano ee la soo dhaafay waxay si weyn u maalgelisay awood gantaallo baalistig ah oo lakabyo badan leh, diyaarado aan duuliye lahayn oo masaafa dheer gaadha, iyo shabakad kooxo hubaysan oo xulafo la ah oo ku baahsan gobolka.

Waxay sidoo kale fahamsan tahay xaddidaadaha awooddeeda: dhulka weyn ee Mareykanka waa meel aysan gaari karin, laakiin saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla gobolka gaar ahaan kuwa ku yaalla dalalka Carabta ee deriska ah way gaari kartaa. Israa'iil sidoo kale waxay si buuxda ugu jirtaa masaafada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn ee Iiraan, is-weydaarsigii weerarrada ee dhowaan dhacayna wuxuu muujiyay in nidaamyada difaaca cirka ee Israa'iil in la jebin karo. Gantaal kasta ama diyaaradda aan duuliye lahayn ee ka gudubta nidaamyadaas difaaca waxay siddaa culays milatari oo keliya ma aha, balse sidoo kale culays nafsiyeed ayay wadaa.

Xisaabta dagaal ee Iiraan qayb ahaan waxay ku salaysan tahay dhaqaalaha dagaalka. Gantaallada ka hortagga ee ay isticmaalaan Israa'iil iyo Mareykanka aad bay uga qaali badan yihiin qaar badan oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaallada hal-mar la isticmaalo ee ay adeegsato Iiraan. Dagaal dheer oo socdaa wuxuu ku qasbayaa Mareykanka iyo Israa'iil inay isticmaalaan qalab qaali ah si ay u joojiyaan hanjabaado marka la barbar dhigo aad u jaban.

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tamartu sidoo kale waa aalad kale oo ka mid ah dhaqaalaha dagaalka.

Strait of Hormuz weli waa mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan adduunka ee maraakiibta qaada shidaalka iyo gaaska. Iiraan uma baahna inay si buuxda u xirto marin-biyoodkan cidhiidhiga ah ee Gacanka xitaa hanjabaado la aamini karo iyo carqalado kooban ayaa durba kor u qaaday qiimaha shidaalka, haddii ay sii socdaanna waxay kordhin karaan cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in xiisadda la dejiyo.

Sidaas darteed, kordhinta dagaalka waxay noqotaa qalab aan khasab ahayn in lagu jebiyo cadowga Iiraan militari ahaan, balse loogu talagalay in lagu kordhiyo kharashka sii wadidda dagaalka.

Tani waxay ina gaarsiinaysaa weerarrada lagu qaadayo dalalka deriska ah.

Weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn ee lagu qaaday dalal sida Qatar, Imaaraadka, Kuwayd, Cumaan iyo Ciraaq waxay u muuqdaan kuwo loogu talagalay in lagu muujiyo in martigelinta ciidamada Mareykanka ay leedahay khataro.

Tehran waxaa laga yaabaa inay rejaynayso in dowladahani ku cadaadiyaan Washington inay xaddido ama joojiso hawlgallada balse tani waa khamaar halis ah. Haddii weerarradu sii fidaan waxay khatar u yihiin inay sii adkeeyaan cadaawadda dalalkan oo ay si adag ugu riixaan dhinaca Mareykanka iyo Israa'iil.

Cawaaqibta muddada dheer waxay ka sii jiri karaan dagaalka laftiisa, iyagoo dib u qaabayn kara isbahaysiyada gobolka si ay Iiraan uga dhigaan mid ka sii go'doonsan.

Haddii isbadbaadintu tahay ujeeddada ugu weyn, markaas ballaadhinta tirada cadowga waa tallaabo khatarteedu aad u sarreyso. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca aragtida Tehran, is-xakameyn ama ka gaabinta ficil waxay u muuqan kartaa mid iyaduna khatar leh haddii loo fasirto daciifnimo.

Wararka sheegaya in taliyeyaasha maxalliga ahi ay dooranayaan bartilmaameedyo ama ay ridayaan gantaallo iyagoo leh madax-bannaani u dhow waxay dhalinayaan su'aalo kale.

Haddii arrintaasi sax tahay, khasab ma aha inay ka dhigan tahay burburka nidaamka taliska. Caqiidada milatari ee Iiraan, gaar ahaan gudaha Ilaalada Kacaanka, muddo dheer waxay ku jirtay qaab ay ku jiraan qaybo awoodaha si hoose loogu kala qaybiyey si loo hubiyo in hawlgalladu sii socdaan xitaa marka weerarro culus dhacaan.

Shabakadaha isgaarsiintu waxay u nugul yihiin in la qabto ama la carqaladeeyo. Taliyeyaal sare ayaa la beegsaday. Sarraynta cirka ee Maraykannka iyo Israel waxay xaddidaysaa kormeerka dhexe. Xaaladahaas oo kale, liisaska bartilmaameedyada horay loo oggolaaday iyo awoodda lagu wareejiyo go'aanka ridista gantaallada waxay noqon karaan tallaabooyin si ula kac ah loo dejiyay si looga hortago in hoggaanka si buuxda loo gooyo.

Qaabkan ayaa laga yaabaa inuu sharxo sida ciidamada Iiraan ay u sii wadeen hawlgallada xitaa kadib dilkii taliyeyaal sare oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka, iyo xitaa kadib dilkii Ali Khamenei, oo ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan iyo taliyaha guud ee ciidamada, weerarradii bilowga ahaa ee ay Mareykanka iyo Israa'iil sameeyeen Sabtidii.

Laakiin awoodaha si hoose loo kala qaybiyo waxay sidoo kale wataan khataro. Taliyeyaasha maxalliga ah ee ku shaqaynaya xog aan dhammaystirnayn waxay beegsan karaan bartilmaameedyo aan la qorshayn, oo ay ku jiraan dalal deris ah oo doonayay inay dhexdhexaad ahaadaan.

Maqnaanshaha sawir hawlgal oo mideysan wuxuu kordhiyaa suurtagalnimada khalad xisaabeed. Haddii arrintani sii socoto muddo dheer, waxay sidoo kale sababi kartaa luminta taliska iyo xakamaynta.

Ugu dambayn, habka Iiraan wuxuu u muuqdaa inuu ku salaysan yahay aaminsanaanta ah inay qaadi karto ciqaab iyo cadaadis muddo ka dheer inta cadowgeedu diyaar u yahay inuu qaato xanuunka iyo kharashka dagaalka.

Haddii ay sidaas tahay, markaa tani waa nooc ka mid ah kordhin dagaal oo si xisaabsan loo sameeyay: adkayso, aargudo, ka fogow burbur buuxa, kana sug in dillaacyo siyaasadeed ay ka soo baxaan dhinaca kale.

Si kastaba, adkaysigu wuxuu leeyahay xad. Kaydka gantaalladu waa xaddidan yihiin, khadadka wax-soo-saarkuna si joogto ah ayaa loo weeraraa. Meelaha laga rido gantaallada ee guuraaya ayaa la beegsadaa iyagoo socda, beddelkooduna wuxuu qaataa waqti.

Isla caqligaas ayaa khuseeya cadowga Iiraan.

Israa'iil si buuxda uguma tiirsanaan karto nidaamyadeeda difaaca cirka. Jab kasta oo ka dhaca difaacyadaas wuxuu kordhiyaa welwelka dadweynaha. Mareykanka waa inuu miisaamaa fiditaanka dagaalka ee gobolka, isbeddelka suuqyada tamarta, iyo culayska dhaqaale ee hawlgallo dheer.

Labada dhinacba waxay u muuqdaan inay aaminsan yihiin in waqtigu iyaga u shaqaynayo. Labaduba sax ma noqon karaan.

Dagaalkan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah uma baahna guul buuxda. Waxay u baahan tahay inay sii taagnaato.

In ujeeddadaasi la gaari karo iyo in kale iyada oo aan si joogto ah looga fogaan deriskeeda weli waa su'aasha aan jawaabta lahayn.