Warbaahinta Shiinaha iyo sida ay uga faalootay dagaalka Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib weeraradii Maraykanka iyo Israa'iil, warbaahinta dawladda Shiinaha iyo falanqeeyayaasha ayaa diiday isbarbardhigga Iran iyo Venezuela, iyaga oo tilmaamaya kakanaanta siyaasadeed iyo awoodda milatari ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Isbarbardhigga Iran iyo Venezuela ayaa lagu diiday qoraal ay soo saartay warbaahinta nus-dowliga ah, waxaana lagu sheegay in Donald Trump uu aaminsanaa in qaabka Venezuelan lagu dabaqi karo si loo sameeyo isbeddel maamul oo ka dhaca Iran, kaas oo lagu tilmaamay "maskaxda caadiga ah ee kuwa aaminsan isbalaarinta."
Qoraal kale ayaa sheegaya in labada xaaladood ay yihiin natiijada ujeedooyinka istiraatiijiga ah ee Mareykanka ee la xiriira tamarta iyo saameynta gobolka.
Qaar ka mid ah warbaahinta Shiinaha iyo falanqeeyayaasha ayaa sheegay in jawaabta militari ee Tehran ay ka bixisay weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil ee dhowaan dhacay ay muujineyso in Iran aysan la mid ahayn Venezuela.
Wareysi uu siiyay The New York Times 1-dii Maarso, Donald Trump wuxuu ku sheegay in waxa Mareykanka uu ka sameeyay Venezuela uu ahaa "tusaale dhammaystiran," isagoo si toos ah isu barbar dhigaya howlgalka Venezuela iyo xaaladda Iran.
Wargeyska, oo ah shabakad warbaahineed lagu xagliyo dowladda, ayaa la hadashay Ross Harrison, oo ah saaxiib sare oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Washington, iyaga oo wax ka waydiiyay isla mowduuca. Waxa uu sheegay in isbarbardhiggan uu yahay mid aan sax ahayn, inkastoo ay muuqato isku ekaanshiyaha, haddana hadafka Mareykanka ee hadda uusan u muuqan inuu yahay in la gaaro xal dhexdhexaad ah ama nabad kuwada noolaanshaha hoggaanka cusub ee Iran ka dib markii meesha laga saaray hoggaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku "ay aad uga badan yahay kantaroolka ajendaha Venezuela marka loo eego Iran," oo ah waddan "ka weyn, leh qaab-dhismeed qaran oo aad u adag, oo leh saameyn qoto dheer oo gobolka ah."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Telefiishanka dhexe ee Shiinaha, oo ah shabakadda caalamiga ah ee dawladda, ayaa warbixin muuqaal ah oo af Ingiriis ah ku wareysatay James Dorsey, oo ah xubin sare oo ka tirsan Dugsiga Sare ee Daraasaadka Caalamiga ah ee S. Rajaratnam, kaas oo dib u xusuusanaya mar uu ku sugnaa Tehraan xilligii kacaankii 1979-kii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay marka laga yimaado in Iran la jecel yahay iyo inkale, waxa hadda la arkayo ay tahay in Venezuela, Panama iyo Greenland ka dib, ay tahay markii ugu horeysay ee uu dal kaco oo uu yiraahdo "Kama laaban doono, isma dhiibi doono, hadii ay la macno tahay dagaal iyo hadii kalabe".
Falanqeyn tafatiran oo lagu daabacay wargeyska caalamiga ah ee Global Times ee ay dowladdu maamusho ayaa soo xigtay qaar ka mid ah falanqeeyayaasha in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xoghayaha gaashaandhigga Pete Hegsett, oo horey uga hadlay "guulaha" ay gaareen ay qabteen shirar jaraa'id isla markiiba ka dib howlgallada militari ee Venezuela iyo dalal kale, balse ay haatan u dhaqmayaan gabi ahaanba si ka duwan sidii hore.
Taas bedelkeeda, warbixintu waxa ay intaa ku dartay in hadalka General Dan Kaine, oo ah Guddoomiyaha Taliyaasha Wadajirka ah ee Ciidamada Mareykanka, uu u muuqdo " mid Niyad-jab badan uu haysto."
Sun Degang, oo ah khabiir Bariga Dhexe oo tirsan jaamacadda Fudan, ayaa sidoo kale u sheegtay warbaahinta gobolka Shanghai Observer in aanay fududayn in lagu sameeyo Iran "qaabka Venezuela".
"Nidaamka siyaasadeed ee Iran waa mid dabacsan, weeraradeeda ayaa noqon doona mid aad u xoog badan," Sun Degang ayaa tiri.
Qoraal 4-tii Maarso lagu daabacay warbaahinta Guancha ee bartamaha gobolka ayaa lagu sheegay inay iska caddahay in Maraykanku "soo jiitay qorshe dil ah oo ay soo jeedisay Israa'iil" oo la rumaysan yahay inay ku celcelin karto qaabka Venezuelan si loo gaaro isbeddel maamul iyada oo meesha laga saarayo hoggaanka asaasiga ah ee Tehran ama ku qasbaya inuu ka laabto wadahadalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in tani ay ka tarjumayso "maskaxda Imbaraadooriyadda ee caadiga ah," iyada oo intaa ku dartay in "aargoosiga daran" ee Iran ay ku qasabtay Maraykanka in uu dib u hagaajiyo baaxadda, waqtiga, iyo ujeedooyinka hawlgalladooda milatari.












