Sidee Afrika uga fal-celisay dilkii Ayatollah Khamenei?

Xigashada Sawirka, .
Dilkii hogaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ee ku dhintay weerar wadajir ah oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israel, ayaa saameyn weyn ku yeeshay meelo badan oo Afrika ah.
Dowladaha, kooxaha diimeed, iyo hogaamiyeyaasha bulshada ayaa uga jawaabay siyaabo kala duwan, taasoo muujineysa xiriirada siyaasadeed iyo diimeed ee muddo dheer soo jiray ee u dhexeeya Afrika iyo Iiraan.
Mudo tobanaan sano ah, Iiraan waxay maalgelisay xarumo diimeed, deeqo waxbarasho, iyo hay'ado dhaqameed dalal sida Nigeria, Niger, Ghana, iyo Gambia.
Sidaa darteed, dhacdooyinka ka dhaca Tehran badanaa waxay saameyn ka yeeshaan meel ka baxsan Bariga Dhexe.
Dibadbaxyo ka dhacay Nigeria and Niger
"Nigeria, oo ah dalka ay ku nool yihiin muslimiinta Shiicada ugu badan Afrika, ayaa waxaa ka dhacay mudaharaadyo ku dhawaad 12 gobol oo waqooyi ah si loogu tacsiyo geeridii Khamenei."
Dowladdu waxay xoojisay ammaanka, iyadoo digniin u dirtay qof kasta oo isku dayaya inuu kiciyo rabshado ama xiisado diimeed.
Ibrahim Musa, oo ah Shiico caan ka ah isla markaana tifaftire u ah Almizan, wargeys diimeed Nigeria ka soo baxa , ayaa sheegay in dadka iimaanka leh ay Khamenei u arkaan "ilaha hagidda diimeed, anshaxeed iyo ruuxeed," isla markaana si weyn loogu ixtiraamo xirfadiisa.
Professor Isah Mshelgaru, oo ah u dhaqdhaqaaqa Shiicada Nigeria, ayaa sheegay in geeridiisu "aad u murugo badan tahay," isagoo intaa ku daray: "Si weyn ayaa loo xiisi doonaa. Marka la eego sida uu u geeriyooday, aad ayaan uga faaneynaa. Waa sharaf weyn."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ibrahim Zakzaky, oo aasaasay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Nigeria (IMN) kadib kacaankii Iiraan ee 1979, ayaa xiriir dhow la leh Iiraan wuxuuna door weyn ka ciyaaray soo ifbaxidda Islaamiyiinta Shiicada ee Nigeria.
Dhaqdhaqaaqani wuxuu horumariyaa Islaamka Shiicada wuxuuna ilaaliyaa xiriir diimeed iyo mid fikradeed oo uu la leeyahay Iiraan.
Omer Carmi, oo ahaa sarkaal milatari iyo arday ka diyaaruinaya shahaadad PHD oo ka tirsan Jaamacadda Tel Aviv University, ayaa maqaal ku sheegay in hogaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan uu meel fagaaro ah ka xusay Zakzaky iyo IMN, taasoo muujineysa in dhaqdhaqaaqani uu yahay qayb ka mid ah shabakad ballaaran oo Iiraan ah isla markaana door muhiim ah ka ciyaara Galbeedka Afrika.
Dalka deriska ah ee Niger, mudaharaadyo ayaa ka dhacay caasimadda, Niamey. Mudaharaadayaasha ayaa cambaareeyay dilka Cali Khamenei isla markaana muujiyay midnimo ay la wadaagaan Iiraan.
Dalka Gambia, halkaasoo Islaamka Shiicadu sidoo kale kor ugu sii kacayo, Professor Sufi Atif Amin Al Hussaini ayaa Khamenei ku tilmaamay "hogaamiyaha sharci ee ummadda Islaamka."
Wuxuu weerarka ku tilmaamay "fashil akhlaaqeed iyo sharci" wuxuuna sheegay in Maraykanka iyo Israel "laga adkaaday dagaalka diblomaasiyadeed iyo kan akhlaaqeed."
Xiridda safaaradda Mareykanka

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Burkina Faso ayaa qaaday mid ka mid ah go'aannada ugu adag gobolka. Dowladda ayaa cambaareysay weerarka waxayna ku dhawaaqday in safaaradda Maraykanka ee Ouagadougou la xiro. Sidoo kale waxay dib ugu soo celisay safiirkeeda Mareykanka.
Go'aankani wuxuu calaamadeynayaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dibadda ee dalka. Sida Mali iyo Niger, Burkina Faso sannadihii u dambeeyay waxay hoos u dhigtay xiriirka ay la leedahay wadamada Galbeedka iyadoo raadinaysa la-hawlgalayaal kale.
Dilka Ali Khamenei ayaa xoojiyay hadallo xooggan oo ku saabsan madax-bannaanida iyo ka soo horjeedka faragelinta shisheeye.
Senegal oo u murugootay.
Senegal waa mid ka mid ah wadamada ugu horeeya Afrika ee si toos ah uga hadla arrintan. Ra'iisul Wasaaraha Ousmane Sonko ayaa dilalka ku tilmaamay "kuwa aad u daran" isla markaana "murugo leh."
"Laba maalmood, dagaal ayaa ka qarxay Bariga Dhexe, oo ay kiciyay Mareykanka iyo xulafadiisa Israel, kuwaas oo doortay inay weeraraan Iiraan... Waa arrin murugo leh... weerarka dalalka kale, cadaadiska dalalka si markii dambe loo qabsado; dal aan raacin go'aan ama amar ka yimid Qaramada Midoobay wuxuu go'aan ka gaari karaa inuu weeraro dalal kale... inuu dilo madax, waa arrin aad u daran."
Senegal ayaa si dhaqameed ula leh xiriiro dhow oo ay la leedahay wadamada Galbeedka iyo dunida Islaamka.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Marka laga soo tago dalalka Saaxil, Madaxweynaha Koonfur afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa cambaareeyay weerarrada Maraykanka iyo Israel ee Iiraan, isagoo adkeeyay inay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah.
"Weerarka ugu horreeya oo lagu magacaabo is-difaac ma oggola sharciga caalamiga ah, is-difaacana ma ku salaysna karo mala-awaal ama filasho," ayuu yiri, isagoo ku baaqay "in weerarradu istaagaan."
Koonfur Afrika waa xubin ka tirsan kooxda BRICS, taasoo Iiraan ku jirto.
Sida Ramaphosa, Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sidoo kale muujiyay mowqifkiisa ku saabsan weerarradan, isagoo yiri: "Kenya si xooggan ayay u cambaareysaa weerarrada ka dhan ah Isutagga Imaaraatka Carabta, Qatar, Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Cuman, Kuwait, Urdun iyo Baxrayn, iyadoo la tixgelinayo xiisadda sii socota ee Bariga Dhexe."
Wuxuu digniin u diray in haddii khilaafku ku faafo dalal kale oo gobolka ah, uu khatar ku noqon karo nabadda iyo xasilloonida adduunka.
Dhinaca Afrika, waxaa jiray bayaanno cambaareyn iyo baaqyo ku saabsan joojinta dagaalka, oo ay ku jiraan mudaharaadyo waddooyinka ka dhacay.
Iyadoo Iiraan ay fulinayso weerarro aargoosi ah iyo awoodaha caalamiga ah ay ka digayaan dagaal sii kordhaya, dowladaha Afrika ayaa si dhow u la soconaya xaaladda.
Dadka badan ee ku nool gobolka Saaxil, xiisadda hadda jirta ma aha oo kaliya khilaaf meel fog ka dhacaya, balse waxay taabanaysaa mucaaradka, aqoonsiga diimeed, qiyamka, iyo nolosha Ali Khamenei.













