Shiico iyo Sunni wada wadaaga masaajid iyaga oo nabad ku wada nool

Waxaa ku badan dalal badan oo Muslimiin ah xiisadaha u dhaxeeya dadka kala aaminsan laamaha kala duwan ee Islaamka.
Qaarkood waxa ay salka ku hayaan dagaalladii dhawaan ka dhacay Suuriya iyo Pakistan oo ay ku soo badanayeen iskudhacyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada.
Si kastaba ha ahaatee, waqooyiga Pakistan waxaa dhaca tuulo tusaale u noqotay sida labada bulsho ugu wada noolaan karaan si wanaagsan.
Qofka socotada ee ku wajahan tuulada Pira oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa ee xuduudka la leh Afgaanistaan, waxaa ka mid ah waxyaabaha ugu horeeya ee uu arkayo masjidka leh minaarad bir ah iyo cod-baahiye sare.
Marka laga soo tago in uu yahay astaan caan ah, waxa uu sidoo kale calaamad u yahay niyadda wanaagsan ee firqadda, maadaama uu tusaale dhif ah u yahay masaajid ay wadaagaan Sunniga iyo Shiicada.
Kiis aan caadi ahayn

Markii ay maqleen Aadaanka ayaa xubnaha mid ka mid ah bulshooyinka ay soo degdegeen. Waxaana markii ay soo baxeen 15 daqiiqo ka dib oo soo duceysteen ay u soo baxeen dariiqa, bulshadii kale ayaa galay booskooda.
Syed Mazhar Cali Cabbaas oo ah wadaad shiicada masaajidka ka tirsan ayaa sheegay dhaqankan uu soo bilowday qarni ka hor, inkasta oo dib loo dhisay, haddana ma jirto cid aragta sabab loo bedelo.
Aragti ahaan, dhismahan waxaa iska leh bulshada Shiicada ah, laakiin labada kooxood waxay bixiyaan kharashka korontada iyo kharashyada kale, Cabbaas waxa uu carrabka ku adkeeyay in Sunnigu ay xaq u leeyihiin isticmaalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dabcan, Sunniga iyo Shiicada waxaa mid kasta uu u tukadaa hab iyaga u gaar ah, sida dhaqankoodu yahay, salaadda la isugu yeero ama aadaanka waa ay ku kala duwan yihiin hadba cidda ku dhawaaqaysa.
Heshiis aan qornayn ayaa dhigaya in salaadaha subax, duhur iyo casar ay tukanayaan shiicada, halka salaadaha casar iyo maqribna ay tukadaan bulshada sunniga ah.
Si kastaba ha ahaatee, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, Sunnigu waxa ay afuraan dhowr daqiiqo ka hor Shiicada, sidaas darteed waxay ku tukadaan salaad maqrib oo gooni ah bishan barakeysan.
Iyada oo aan loo eegeyn wakhtiga maalinka ayaa kuwa soo daaha waxaa ay ku biiraan kooxda koowaad, waxaana kuwa labaad ay u tukadaan qaabkooda u gaarka ah iyaga oo kuwa kale ku barbar tukanaya.
Waxaa jira masaajido kale oo ku yaal Pira, laakiin kan la wadaago ayaa ah kan ugu weyn
Tuulada waxaa deggen ilaa 5,000 qof oo si siman ugu kala qaybsan Shiicada iyo Sunniga, waxay ku wada nool yihiin si nabad ah oo farxad ku dheehan tahay, waxa ay wada wadaagaan xabaalaha iyaga oo marar badana is guursada.

Muxamed Siddiiq oo Sunni ah, waxa uu qabaa gabar Shiico ah. Waxaana ay ku qaadatay muddo inuu ku qanciyo seediyaashiis inay ogolaadaan guurka, balse waxa uu ku andacoonayaa in sunninimadu aysan shaqo ku lahayn.
Dhibaatadu waxa ay ahayd in ay jacayl isu guursadeen, taasi oo aan dhaqan ka ahayn Pakistan, sida uu sheegay.
Waxa ay nolol wadaageen 18 sano, waxaana uu sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay sii wadaan inay ku dhaqmaan caqiidadooda oo mid kasta ugu dhaqmayo habkooda gaarka.
Mid kale oo ka mid ah dadka tuulada oo lagu magacaabo Amjad Hussein Shaah ayaa sheegay qaar ka mid ah guryaha waalidiinta waa shiico, halka carruurtood ay yihiin Sunni ama ka soo horjeedkooda.
"Halkan, dadku waxay fahmaan in caqiidada diintu ay tahay arrin shakhsi ahaaneed," ayuu yiri.
Dabaaldegyada diimaha ayaa muujinaya nooc kale oo isdhexgal ah.
Inta lagu guda jiro ciidul-Adxa, Shiicada iyo Sunniga ayaa mararka qaarkood isku yimaada si ay u iibsadaan neef allabari ah, si ay u xusaan amarkii Eebbe uu siiyay nebi Ibraahim ee ahaa inuu neef uu qalo u bixiyo wiilkiisa.
Marka Sunnigu u dabaal dagaan dhalashada Nebi Muxamed waxaa loo yaqaan milad, waxaa ku soo biiray shiicada degan Pira, sida uu sharaxay daaciga sunniga masaajidka, Syed Sajjad Hussain Kazmi.
Sunniyiinta ayaa sidoo kale ka qayb gala isku imaatinka Shiicada ee Muhharam taas oo lagu xusayo Imaam Xuseen oo nebiga awow u ahaa. Sidaasi ayay dadka tuuladu farxad iyo murugo isula qaybsanayaan.
Iskudayada lagu kala qaybinayo oo guul-darreystay

Maalintii ay BBC booqatay ayaa odayaasha tuulada waxa ay u codaynayeen in ay doortaan guddoomiyaha guddiga sakada ee deegaanka oo u xilsaaran ururinta iyo qaybinta deeqaha samafalka.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaa jagadaas hayay nin Sunni ah, balse markan waxaa la doortay musharax Shiico ah.
Daaciga Shiicada ah ee Mazhar Ali ayaa xusay in qoyskiisu ay taageereen mid ka mid ah musharrixiinta laga guuleystay ee Sunniga ah.
"Weligay cidna ma taageersanayn mana ka soo horjeedin doorasho ku salaysan diin. Mar walba waxaan dooranaa qofka aan isleenahay wuu u adeegi karaa bulshada," ayuu yiri.
Labaatan sano ka hor ayaa la isku dayay in la kala qaybiyo oo aan ahayn oo kali ah tuulada Pira lafteeda, laakiin aag ballaaran oo ay ku jiraan ilaa 11 tuulo.
Pira waa meel ay si siman u kala qaybsan yihiin Sunniga iyo Shiicadu, waxaana tuulooyinka kale u gaar yihiin Sunniga, waxaana musharaxa shiicada Syed Munir Hussain Shah uu u tartamayey in uu dhammaantood ku matalo golaha deegaanka.

Mid ka mid ah kuwii ka soo horjeeday ayaa isku dayay inuu ka faa'iidaysto arrintan.
"Waxay keeneen qof ka yimid Karachi oo dalka oo dhan looga yaqaanay hadallada ka dhanka ah Shiicada, wuxuu khudbado ka jeediyay isu soo baxyada, isagoo dadka ugu baaqaya inaysan u codeyn musharax Shiico," ayuu yiri Shah.
Sidee ku timi wadaagitaanka Masaajidka?
Qiyaastii 100 sano ka hor, inta badan dadka Pira waxay ahaayeen Sunni Sufi oo ka soo farcamay aasaasihii tuulada qarnigii 17aad.
Laakiin sida uu qabo Dr. Sibtatiin Bukhaari oo ah taariikhyahan maxalli ah, qoyskan tirada badan waxay si tartiib tartiib ah u qaateen Shiicada. Dadka intiisa kale waxa ay ku hareen Sunni, labada kooxoodba waxay sii wadeen adeegsiga masaajidka.
Dabayaaqadii 1980-kii oday shiico ah oo deegaanka ah ayaa soo jeediyay dib u dhiska masaajidka, halka wadaadka Sunniga ah ee lagu magacaabay Molvi Gulab Shah uu bixiyay ogolaansha.
Odayaasha Shiicada ayaa maalgeliyay dib u dhiska masjidka, sidaas darteed masaajidka hadda si rasmi ah iyaga ayaa iska leh.













