Waa maxay saamaynta ay Shiicada iyo Sunniyiintu ku leeyihiin dagaalka Xamaas iyo Israa'iil

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Bulshada Muslimka ah ee ku nool dunida dacaladeeda waxay u kala qaybsan tahay badankeed laba qaybood oo kala ah Shiico iyo Sunni.
Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas oo socday dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay, ayaa inta badan dalalka Muslimiinta waxaa ay taageero u muujiyeen dadka reer Falastiin.
Balse siyaasadda Bariga Dhexe iyo xiisadaha diimaha ku saleeysan ee ka jira gobolka ayaa muujinaya mawqifyada dhinacyada kala duwan.
Qaar badan oo falanqeeyayaasha ayaa sheegay in uu jiro farqi u dhexeeya labada dhinac, Shiicada iyo Sunniga, waxaynatani na xasuusinaysaa xariirka cakiran ee u dhexeeya labada dal ee ugu waaweyn Bariga Dhexe ee Sacuudi Carabiya iyo Iiran.
Waxaa jira loolan goboleed u dhexeeya Sucuudiga iyo Iran dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay, kaas oo noqday mid halis ah oo ay ugu wacan tahay kala qaybsanaan diimeed ee labada dal ee midna uu Suniga yahay halka midka kalna uu shiico yahay.
Iran ayaa ah waddan Shiicadu ay aqlabiyada ku leedahay halka Sucuudigu isu arko in uu yahay awoodda ugu sarreysa Sunniga.
Colaadda u dhexeysa labada dal ayaa sidoo kale waxaa ay ka dhex muuqataa colaadda ka taagan Marinka Qaza.
Falanqeeyeyaal badan ayaa aaminsan in mid ka mid ah ujeedooyinka weerarkii Xamaas 7-dii October ku qaadeen Israa’iil uu ahaa in la fashiliyo wadahadallada socda ee caadi loogu dhigayo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Sacuudiga.
Xamaas inkasta oo ay dhexda kaga jirto kala qaybsanaanta bulshooyinka Sunniga iyo Shiicada ah, haddana waa urur gaar ah oo Sunni ah laakin waxay kaalmo dhaqaale iyo mid milatari ka heshaa Iiran oo ah waddan Shiico u badan muddo tobanaan sano ah.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii Xamaas ay billoowday weerarka ka dhanka ah Israa’iil waxaa kale oo taageeray kooxda Xisbullah ee Lubnaan iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen. Labaduba waa kooxo Shiico ah oo xulafo la ah Iran.
Marka laga hadlayo dagaalka u dhxeeya Israa’iil iyo Xamaas, Iran waxaa shaacisay billowgii dagaalka in ay garab taagan tahay kooxda Xamaas iyo guud ahaan shacabka reer Falastiin halka Sacuudiga uu ku baaqay in xabbad joojin la sameeyo oo wadahal la galo.
Iyada oo iska horimaadyo badan ay ka socdaan gobolka sida Suuriya, Lubnaan, iyo Ciraaq ayaa waxaa ay door ka qaadanayaan kala qaybsanaantan.
Hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Iiran ayaa doonaya sidii mid kasta uu ku heli lahaa taageerada ugu badan ee gobolka.
Kacaankii Iiran ee 1979 wuxuu gobolka ka bilaabay Qorshe Islaami ah oo Shiicada lagu xoojinayo, arrintaasi waxay caqabad ku noqotay dawladaha Sunniga ah ee dalalka Khaliijka.
markii Iran ay samaysay kacaankii ka dib, waxay u soo jeesatay in ay caawiso kooxaha shiicada iyo maleeshiyaad kasoo baxay dalalka Suniga ku xoogan yihiin ,waxaana ka mid ah Xisbullah iyo Xuutiyiinta dalka Yamen
Marka loo eego qiyaas ahaan, 90 boqolkiiba Muslimiinta adduunka ayaa ah kuwa suni ah halka shiicada ay tahay 10% marka la fiirasho guud ahaan sida lagu sheegay tirakoobkii ugu danbeeyay
Shiicadu waxay ku badan yihiin dalalka Iran, Iraq, Bahrain, Azerbaijan iyo sida ay qiyaasaha qaar sheegayaan, Yemen.
Sidoo kale waxaa jira dad badan oo Shiica ah oo ku nool Afgaanistaan, Hindiya Kuwayt , Lubnaan, Pakistan, Qatar, Siiriya , Turkiga , Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.
Kala qaybsanaanta u dhaxaysa Sunniga iyo Shiicada waxa la sheegaa inay soo bilaabatay wixii ka dambeeyey markii uu geeriyooday Nebi Maxamed NNK.
















