Sida uurka deg-degga ah u caawin karo hooyada ay ilmuhu kasoo dilmaan ama dhicisa

Hawweneey uur leh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma jirto sabab dib loogu dhigo dhalmada ama uur qaadidda ilmo kale kadib dilanka , cilmi baaris lagu sameeyay Lancet ayaa sidaas soo jeedinaysa.

In kasta oo haweenka inta badan loo sheego inay sugaan muddo sannad ah oo aysan qaadin uur kale, haddana waxaa jira caddayn yar oo lagu xoojiyo taladan.

Daraasadan caalamiga ah oo lagu sameeyay 14,000 oo dhalasho ah ayaa lagu ogaaday in aysan jirin khatar sii kordheysa oo dhibaato ah haddii uurqaadid dhaqsa ah ay dhacdo.

Khabiir u dhashay UK ayaa sheegay in natiijadu ay tahay mid muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Qiyaastii, hal ka mid ah 225-tii dhalmo ee UK ka dhacda ayaa noqota dhicis, ama in ilmuhu uu dhasho isagoo meyd ah, taas oo lagu sheegay in ilmuhu uu dhalanayay 24 toddobaad oo uur kadib.

Uurka iyo dhiciska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Uurka iyo dhiciska

Heerarka dhalmada ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacayay Igririiska tan iyo 2000, iyo ilaa 2015-kii, sido kale marka la barbar dhigo dalal kale oo badan oo Yurub kamid ah, horumarka UK ayaa ahaa mid uu gaabis kujiro.

Dalal badan ayaa sameeya qorshe hagitaan ah kadib marka ay dhacdo ilmaha dhiciska ku dhasha iyo waliba qorsheynta in la qaado uur kale, sida ay daraasaddu sheegeyso.

Prof Alex Heazell oo ka tirsan jaamacadda Manchester, isla markaana ah afhayeenka hay'adda samafalka ee Tommy kana howl gasha arrimaha dhiciska ama ilmaha aan bilo dhameysan iyo haweenka, ayaa sheegay in fariinta uu u diray haweenka ay tahay "ha welwelinina".

Ilaa iyo inta ay helayaan dhammaan macluumaadka ku saabsan sababta ilmahoodu u dhintay, hammiga ah in ay jecleystaan uur kale ayaa hoos u dhacaya iyo waliba marka ay nafsiyan diyaar u noqon karaan."

Waxa uu sheegay in aysan jirin sabab nafsi ah oo lagu sugo wax ka badan hal sano ka hor inta aan la isku dayin ilmo kale.

"Walaaca ayaa laga yaabaa inuu ka sii daro, sidaas darteed sugitaanka dheer waxa uu sabab u noqon karaa in qaar ka mid ah ay joojiyaan dhalmada," Prof Heazell ayaa yiri.

Uurka iyo dhiciska

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, Uurka iyo dhiciska

In la sugo iyo in kale

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cilmi-baarayaashu waxay eegeen diiwaannada dhalashada 14,452 haween ah oo hore ugu dhalay ilmo meyd ah Galbeedka Australia, Finland iyo Norway in ka badan 37 sano.

Daraasaddu waxay sheegtay in dumarka uurka qaada waqti dheer kadib ay u dhowdahay inay dhalaan ilmo kale oo mayd ah ama dhicis ku dhasha, marka loo eego dumarka laba sano iyo ka badan ka fogaaday uurka.

Daraasadan oo ay hogaaminaysay Dr Annette Regan, oo ka tirsan jaamacadda Curtin ee Australia, ayaa sheegtay in natiijadan ay faa'iido u leedahay dhakhaatiirta bixiya la-talinta kadib dhalmada dhiciska.

Waxay sheegtay in haweenka ay u baahanyihiin ay ay helaan waqti aan badneyn oo ay kusoo kabsan karaanka amaba ay halis ugu jiraan "xaalad nafaqo oo liidata, taas oo lala xiriirinayo khatarta kordheysa ee ilmaha uurka kujira".

Isagoo ka faalloonaya cilmi-baarista, Mark A Klebanoff, oo ka socda Machadka Cilmi-baarista ee Cisbitaalka Carruurta ee Qaranka Maraykanka, ayaa sheegay inay jiraan arrimo kale oo la tixgeliyo.

"Halkii ay u hoggaansami lahayd xeerarka adag ee degdegga ah, talooyinka caafimaadku waa inay tixgeliyaan xaaladda caafimaad ee haweeneyda, iyo da'deeda iyada oo la socota rabitaankeeda ku saabsan kala dheereynta ilmaha iyo xajmiga qoyska. "

Qaar ka mid ah dhalmada ilmaha meydka ah ama dhiciska ayaa lala xiriiriyaa dhibaatooyin ka yimaada mandheerta, ama caafimaadka hooyada, hase yeeshee sababo kale ayaa jiri kara.