Maxaa ugu wacan kororka tirada ardayda baranaysa sharciga ee Muqdisho

Jaamacadda Muqdisho

Xigashada Sawirka, Jaamacadda Muqdisho

Koror muuqda ayaa laga dareemaya ardayda doonaysa in ay bartaan Culuunta sharciga ee jamaacadaha Soomaaliya, kuwaasoo sanadkan ay iska diiwaan galiyey Jaamacadaha bixiya koorasyadaas, ayadoo arday ka badan kuwii sanadihii hore ay ku soo biireen. Sidaas waxaa BBC u sheegay qaar ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadaha Muqdisho iyo Macalimiinta wax ka dhiga kulliyadaha sharciga.

Sare u kaca oo dhan 25 boqolkiiba ayaa waxaa loo sababeey in bulshada Soomaaliyeed ay faham fiican ka heleen sharciga ka dib markii Maxkamadda Gobalka Banaadir ay qaadday tiro kiisas ah, ama dacwado musuq-maasuq oo loo haysto shaqaale ka tirsan hay'adaha dowladda Soomaaliya, kuwaasoo dadweynaha ay si toos ah ugu daawanayeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta gudaha dalka, halka kuwa kalana ay dhawaan la bilaabay dhagaysigooda.

Cusmaan Cadceed oo ah bare wax ka dhiga kulliyada sharciga ee jamacadaha Simad iyo Muqdisho ayaa BBC u sheegay in sanadkan uu jiro sare u kac iyo rabtaan dheeraad ah oo ardayda ay ku baranayaan Sharciga, isla markaana uu kordhay fahamka bulshada ee Sharciga.

Qaar ka mid ah gabdhaha ka baxay kulliyadda sharciga

Xigashada Sawirka, Jaamacadda Muqdisho

Sidoo kale waxaa uu sheegay Macallin Cusmaan Cadceed in gabdhaha ay si gaar ah sanadka ugu badan yihiin ku biiritaan kulliyada Sharciga.

“Sanadkaan iyo sanadihii hore farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya kaliya ma aha ardayda cusub, balse kuwii horey u dhigan jiray ee ku yimid rabitaanka waalidkooda ayay tani dhiirigalin u noqtay waxaana batay ardayda codsanaya in ay aadaan dhagaysiga Maxkamadaha”.

Marka laga yimaado jaamacadaha iyo ardayda faraha badan ee iska diwaan giliyay , waxaa uu xusay in Bulshada soomaaliyeed ay faham fiican ka helaan dhagaysiga kiisaska Maxkmadaha, ayada oo hadda dadka aaday Maxkamadaha iyo hay'adaha Garsoorka ay soo bateen.

“Fahamka guud marka la fiiriyo waxaa laga dareemi karaa culayska maxkamadaha iyo garsoorka horyaal taas oo sababtay in la qaato dhawaan 50 garsoore iyo xeer ilaaliyaal isgu jira”.

“Fahamka loo qabo sharciga iyo barashadiisu sare ayay u kaceen sanadkan , tan iyo markii Maxkamadda gobalka Banaadir ay billowday dhagysiga dacawadaha loo haysto shaqaalaha Dowlada ee musuq maasuqa, warbahintu ay toos u soo gudbinayeen".

Waxaa uu sheegay in ay isku soo aadeen dhagaysiga kiisaska iyo isdiwaan galinta ardayda ee Jamaacadaha oo furan taas oo arday badan ku dhiirgalisay in ay qaataan sharciga.

Cali Cabdullaahi, arday sharciga barta

Xigashada Sawirka, Cali Cabdullaahi

Qoraalka sawirka, Cali Cabdullaahi, arday sharciga barta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cali Cabdullahi oo ah arday kuliyadda sharciga ka dhigta Jamacadda Muqdisho oo Wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in markii hore uu iska diwaan galiyay Kulliyad kale balse uu hadda u baddashay kulliyadda sharciga markii uu arkay muhiimada ay leedahay.

“Aniga waxaan markii hore iska diwaan galiyay Kuliyadda xariirka Caalamiga ah hal sano ayaa waday markii danbe ayaan ka badashay waxaan iska diwaan galiyay Sharciga oo aan hada wado .

Kuliyadda sharciga ayuu sheegay in ay tahay muhiim maadaama ay muhiim tahay in qof kasta uu qareen yeesho.

“Waxaad ogtahay in adduunka waxa ugu muhiimsan ay yihiin in qofka uu helo qareen iyo dhaqtar taas oo laga arki karo muhiimada sharciga, xataa hadii aad shaqo ku waydo waxaad naftaada uga ilaalinaysaa in aad danbi samayso” ayuu yir Cali Cabdullahi aadan oo BBC la hadlay.

Dhawaan ayay Maxkamadda gobalka Banaadir billowday dhagaysiga Dacwad kale oo loo haysto qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda Soomaaliya, oo hanti dhawrka Qaranku ku eedeeyay inay lacago lunsadeen, halka kuwa kalena hore loo soo gabagabeeyey.

Dhanka kale, waxaa iyana kororsiimada tirada ardayda isu diiwaan galinaysa kulliyadda sharciga xaqiijisay hay’adda Iftin Foundation oo cilmi baaris ay samaysay ay muujinayso in seddexdii sano ee u dambaysay ay tiradaas kor u sii kacaysay.

Hay’adda ayaa soo bandhigtay in ardayda kulliyadaas gashay sannadkii 2020 ay tiradoodu ahayd 621, halka 2021 ay is diiwaan galiyeen 814, ayadoo tirada ardayda sannadkii 2022 kulliyadda sharciga gashayna ay ahayd 907.

Waxaa kaloo daraasadaas ku jiray in labadii sano ee u dambaysay ay sii kordheen tirada gabdhaha ku soo biiray kulliyadda sharciga, ayadoo 2021 la diiwaan galiyey 220 gabdhood, halka 2022kii ay 236 gabdhood ku biireen kulliyadaha sharciga.