Maxaa kelinimada loogu sifeeyey cudur

Dhallinyarada ayaa ka mid ah dadka ay saamaysay

Xigashada Sawirka, AP

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shaacisay in kalinimada ay tahay khatar caafimaad oo caalami ah, iyadoo dhakaatiirta Maraykanka ay sheegeen in saamaynta dhimashada ee ay keeni karto ay la mid tahay, mid uu sababi karo cabista 15 sigaar ah oo la cabo maalintii.

WHO ayaa samaysay guddi caalami ah oo ka shaqeeya dhibaatada oo uu hogaaminayo dhakhtarka guud ee Maraykanka, Dr Vivek Murthy, ergeyga dhalinyarada ee Midowga Afrika Chido Mpemba iyo Xubno kale oo ka kooban 11 qof oo ay ku jiraan wasiirro dawladeed oo uu ka mid yahay Ralph Regenvanu, wasiirka la qabsiga isbeddelka cimilada ee Vanuatu iyo Ayuko Kato, oo ah wasiirka u xilsaaran wax ka qabashada xanuunada ay sababto kalinimada ee Japan.

Tani waxaa ay timid ka dib markii Caabuqa Covid-19 uu joojiyay dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo midka bulsho ee dunida, taas oo kordhisay heerarka kalinimada iyo karantiilka ee guud ahaan adduunka.

Guddiga WHO ee xiriirka bulshada iyo la tacaalid kalinimada ayaa shaqeyn doona muddo saddex sano ah, waxaana hay'adda ay tilmaantay in wacyi galin arrinta laga sameeyo ay muhiim tahay .

Sida ay u sameeyso dadka da'da ah iyo dhallinyarada

kalinimada waa khatar caafimaad oo caalami ah.

Xigashada Sawirka, social media

Qoraalka sawirka, kalinimada waa khatar caafimaad oo caalami ah.

"Kelinnimadu waxayna noqonaysaa walaac caafimaad oo caalami ah oo saameeyay dhinac kasta oo caafimaadka," ayay yiri Mpemba ergeyga dhalinyarada ee Midowga Afrika.

Dr V Murthy ayaa sheegay in cabsita 15 mir oo sigaar ah maalin kasta ay tahay khatar caafimaad oo daran, si la mid ah taasna kalinimadu ay ku jirto heerkaas oo kale.

In kasta oo kelinimada inta badan loo arko inay dhibaato ku tahay waddamada horumaray, haddana Dr Murthy waxaa uu qabaa in mid ka mid ah afartii qof ee da'da ah ay la kulmaan go'doon bulsho dhammaan gobollada adduunka.

Dadka waaweyn ee da'da ah, waxaa suurgal ah in kalinimada ay ka qaadaan 50% xanuunka waallida halka 30% laga yaabo in uu ku dhaco xanuunka Faaligga haddii kaligii uu meel go'doon ku ahaado.

Kalinimada ayaa sidoo kale dhaawacda nolosha dhallinyarada, waxaana khatarta ay kala kulmi karaan ay gaaraysa 5% ilaa 15% haddii ay dhalinayaradu cidlo noqdaan.

Kelinimo

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhalinyarada Afrika ayaa kalinimo ku qaata waqtigooda celcelis ahaan 12.7% ayada oo kuwa reer Yurub kali ahaadaan 5.3% sida daraasadda lagu sheegay.

Dhallinyarada ayaa kalinimada kala kulma dugsiyada, waxaana ay taas sababi kartaa in ay ka tagaan jaamacadda iyo waxbarashada.

Waxay kaloo cidladu u horseedi kartaa dhalinyarada natiijooyin dhaqaale xumo, xiriirka waalidka oo go'a iyo taageero la'aan dhanka shaqada ah kuwaas oo dhamaan saameynaya mustaqbalka qofka .

Qaaradda Afrika oo dadka ugu badan ee ku nool ay yihiin dhallinyaro, ayaa caqabadaha ku xeeran, ee ah dhanka nabadda, ammaanka,xasaradaha cimilada, iyo sidoo kale heerka shaqo la'aanta oo aad u badan, ay qayb ka qaadanayaan go'doominta bulshada iyo kalinimada

Ergeyga dhallinyarada ee Midowga Afrika, Chido Mpemba ayaa tiri "Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay in dib loo qeexo sheekada ku xeeran kalinimada gaar ahaan dadka nugul ee aysan gaarin tiknolajiyada casriga ee dhijitaalka.

Dhakaatiirta caafimaadka ayaa xusay in kalinimada ay tahay khatar aan lagu baraarugsanayn oo caalamka uu wajahayo, haddii aan deg deg wax looga qabanna ay ka dhalan karto khatar caafimaad oo aan la mahadin , taas oo ay la kulmi karaan guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada .